
Indhaha waxa uu ku dhuftey judhiiba cinwaan far waaweyn ku qoran oo
ay ku qoran tahay caddaalad darro iyo musuq baahsan oo uu soo
gudbinaayo wargeyskaasi "
Nin dadku jecel yihiin ayuu ahaa. Taas waxa uu ku xaqiiqsan jirey sida
ay u raadin jireen, kaftankiisa uga heli jireen asxaabtiisa gaarka
ahi. Mar wal oo madal leyskugu yimaaddo isaga ayaa la jeclaa in
hadalka ama sheekada laga dhuro. Isaguna waa isku ogaa libinta
dadaalkiisa in dadku ku jecel yihiin. Ma aheyn nin faan badan, mana
aheyn nin dadka iska weyneeya. Waxa la arki jirey isaga oo ka yar iyo
ka weyn, maalqabeenka, aqoonyahanka iyo miskiinkaba si isku mid ah u
soo dhaweeya.
Dadka qaar ayaaba ku xaman jirey inaanu jecleyn dadka magaca iyo
maamuuska leh, waliba dadka ku dhaw dhawi xan maaha ee waxa ay odhan
jireen waa xaqiiqo inteeda leeg. Dhaqankiisa gaarka ahi waxa uu ahaa
mid aad loo jecleysan jirey. Dadka naxariista iyo kaftanka badan ayuu
ahaa, mar walba oo goob leyskugu yimaaddo waxa uu jeclaan jirey inuu
ogaado waayaha iyo nolosha gaarka ah ee asxaabtiisa. Kaftankiisa wacan
ka sakow, waxa uu ahaa nin deeqsi ah oo naxariis badan. Inta dadka ku
xeeran maahee dadka kale xataa waa yaqiineey inuu yahay nin Alle ku
maneystey karti, dadaal iyo aqoon gaar ah.
Waxa uu mar walba saaxiibadii uga sheekeyn jirey dadka inta xukunka ku
jirtaa sida foosha xun ee ay u dhaqmaan. Isagu waxa uu had iyo goor ka
xumaan jirey marka xanta iyo hadal hayntoodu soo gaadho qaabka foosha
xun ee ay hantida, awooda, iyo masuuliyadda loo igmadey ay dadka ugu
tagri falaan. Waxa uu asxaabtiisa kula xaman jirey halhaysyo badan oo
hirgalay. Mar walbana waxa ay asxaabtiisu xasuusin jireen kuwaasi,
isaguna waa ku diirsan jirey, oo libin ayuu u arki jirey uu haysto.
Sannooyin badan oo kaftankii iyo haasaawihii isaga iyo filkiis sidaa
ugu socdeen ayaa goor aan habeen iyo maalin aheyn waxa lagu war
galiyey in la doortey. Isagu waa garan waayey markii hore sababta loo
doortey, mase jecleysan inuu dalka intaas leeg u noqdo hormood isaga
oo og waayaha iyo nolosha gaarka ah ee dadku ku sugnaayeen. Waxa
intaas dheer oo uu ka dharagsan yahay meesha iyo waxa yaallaa waxa uu
yahay. Waxa uu wali xasuusan yahay sheekooyinkii uu asxaabtiisa uga
sheekeyn jirey waxa ay ahaayeen. Waxa aan maankiisa ka bixin
dhacdooyin dhif ahaa oo uu la wadaagi jirey bulshadii uu ka midka
ahaa. Si kasta oo ay noqotey waxa uu aqbaley xilkii loo igmadey inuu
bulshada u qabto. Inkasta oo uu ahaa nin bulshada qaybaheeda kala
duwan ku dhex libdhey oo aannu aheyn nin cid gaara ku xidhan, haddana
inuu ogolaado xilkan waxa dabada ka riixey dadkii uu ka soo jeedey oo
u arkaayey libin u soo hoyatey.
Durba warkii waxa uu gaadhey dhammaan qaybihii bulshada. Dadka qaar
ayaa si dareen farxadeed u soo dhaweeyey warka xilka cusub ee
saaxiibkood qabtey, halka qaar kale aad uga dayriyeen. Dadka inta soo
dhaweysey waxa ugu weyn ee arrinkaasi u cuskanaayeen waxa ay ahayd
iney aaminsanaayeen in uu meeshan madaw wax badan ka beddeli karo.
Halka kuwa kale ee ka soo horjeedey ay rumeysnaayeen in uu meesha ku
dhex milmi doono saaxiibkood, oo aannu wax la taaban karo ka soo hoyn
karin.
Si kasta oo ay tahay xilkii qaad, meeshii tag, dadkii ka dhex bax uu
markii hore ku jirey. Waxa uu abuurrey nolol cusub oo aannu hore aqoon
fiicna ugu laheyn. Waxa uu ku dhex milmey waayihii adkaa ee uu meesha
ugu tagey. Waxa markii hore niyada kaga soo dhacey, maahmaahdii
khaladka uu u yaqaaney ee ahayd 'Haddii aad tagto meel lagu indha
laayahay indhahaa leyska ridaa", taasi oo uu in badan kala hadli jirey
dadka ay sheeko wadaaga ahaayeen. Waxa aannu ilaabin maalin ay
faaqideen dareenka isbeddel ee ku dhacey nin ay yaqaaneen oo markii
xilka loo magacaabey, laga waayey gurigiisii, iyo goobihii kale ee
lagu yaqaanney. Isaga oo og, oo si fiican u garawsanaaya xusuustaasi
halka ay abaareyso, ayuu isaga oo is diidsiinaaya, waxa uu dag-dag uga
baxay meel uu ku jirey. Intii hore meesha waa uu la qabsan kari
waayey, wax uu sameeyo ayuu garan waayey, meel uu ka bilaabo ayuu
fahmi waayey. Talo ayaa ku ciirtey dhinac walba ah. Talaabo kasta oo
la qaadaa maaha mid sax ah, waxa uu meeshii kala kulmey intii hore
jahwareer laxaad leh, oo gayeysiiyey inuu la qabsan kari waayo
dhacdooyinkii maamul ee madasha ka socdey. Aakhirkiise waa iskala
qabsadey oo waxa dantu ku qasabtey inuu iyaga isku eekeysiiyo
Waxa dhaboobey in uu meeshii ku dhex milmey. Waxa laga waayey
gurigiisii, waxa uu iman waayey goobihii ay ku kulmi jireen isaga iyo
asxaabtiisu. Waxa uu beddalay telefoonkii laga heli jirey. waxa uu
beddalay gaadhigii lagu yaqaanney, waxa waxa uu uuu......... Taas
baddelkeeda waxa uu bartey dad cusub, waxa uu tagaa goobo cusub, waxa
uu u dhaqmaa si ka duwan sidii markii hore uu ahaa. Maxaa keeny
isbeddalka intaa leeg? Ma garan karo isagu, waxase uu ku sababeeyaa
uun waayaha iyo wakhtiga cusub ee uu foodsaarey. Asxaabtiisu se dareen
kale ayay kaga jawaabaan marka la weydiiyo isbeddalka ku dhacey
saaxiibkood
Muddo badan oo uu ku dhex jirey dhacdooyinkaasi, waxa uu u adkeysan
waayey sida xaalku marba marka ka dambeysa isku sii beddalaayo. Fikir
iyo war-war badan ayaa ku batey muddoyinkan dambe, waxa uu hadh iyo
habeen walba ka fikiraa sidii uu uga bixi lahaa meeshan jaan ee uu
cagaha la galay. Waxa uu garan waayey meel jid u noqota oo uu ka baxo.
Meeshu ileyn maba aha meel laga baxo, ee waa meel la soo galo uun.
Waxa uu ka fikirayaa sidii iyo habkii uu meeshan xun uga bixi lahaa.
Inta uu dhacdooyinkaa ka fakiraayo, waxa kaga weyn halka uu ku noqon
doono, iyo wax ka horreeya. Waxa mar walba xusuustiisa hor taal
asxaabtiisii uu dayacay, dadkii uu jeclaa ee uu ka dhex baxay, iyo
bulshadii uu hormoodka u ahaa ee aan hadda wax ba ka dhageysaneynin.
Ciil iyo cadho weynaa. Waxa uu iskula faqayaa haddii aan ogaan lahaa,
miyaan xilkan qaban lahaa, haddii aan ogaan lahaa miyaan sameyn lahaa
waxa aan sameeyey
Maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo oo fadhiya xafiiskiisa, ayuu
damcey wargeysyo badan oo loo keeni jirey inuu maanta akhriyo.
Maalmihii hore ma akhrin jirin, oo fursad wakhti uma heli jirin,
maantase wakhti fiican ayuu haystaa uu ku akhrisan karo dhacdooyinka ay
qoreen. Waxa uu si caajis ka muuqato u soo qaatey joornaal agtiisa
yaal. Indhaha waxa uu ku dhuftey judhiiba cinwaan far waaweyn ku
qoran oo ay ku xardhan tahay caddaalad darro iyo musuq baahsan oo uu
soo gudbinaayo wargeyskaasi. Mid kale ayuu haddana halacsadey wax uu
ku arkey wax ka weyn kii hore waxa uu qorey. Mid kale ayuu mar kale u
holoday inuu akhriyo, ka dar oo dibi dhal. Inta uu dag-dag meeshii uga
kacay, ayuu isaga oo aan is ogeyn gaadhigiisii oo hor yaalla
xafiiskiisii uu dag-dag u istaadhey, waxa uu jihada saarey waddo aan
ilaa hadda la garan.
Khaalid Jaamac Qodax
Qodax02@gmail.com
No comments:
Post a Comment