
“Qof kastaaba wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyad iyo ammaan. Qofna la iskama soo qaban karo loomana haysan karo (arbitrary detention).Qofna xorriyadiisa loogama qaadi karo iyada oo aan loo haysan sabab sharciya, loona marin hab sharciya oo ku cad xeer-dhaqan gal ah”.
Haddaba marka aynu leenahay sabab (legal grounds), waxa sharci ahaan loola jeedaa qofna lama xidhi karo isagoon geysan ama gacanta kula jirin fal-dambiyeed, Fal-dambiyeedkaasi oo aan ahayn mid maxbuuska lagu dul-sameeyay oo aan hore u sii jirin, amaba aan loo samaysan qiil kaleba, Balse waa inuu noqdaa qofka xorriyadii laga qaaday mid ku gafay fal-dambiyeed cad oo ku xusan Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerarka kale ee dalka u yaala. Fal kasta oo aanay dambi ahaantiisu ku qeexnayn Xeerarka rasmiga ahna, waxa laga soo qaadayaa inaanu ahayn fal dambiya. Waxaad moodaa in arrintaasi aynu ku gefno, hay’addaheena sharci-fulinta ama garsoorkuna mararka qaarkood xalaalaystaan xorriyad ka qaadista qof dambi-laawe ah, ama aan ku eedaysnayn inuu geystay dambi cad.Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa,qof u xidhan dambi uu geystay qofkale oo qaan-gaadh ahi, oo caqligiisa qabaa, sababtoo ah wuxuu eedaysanaha lawadaagaa xidhiidh-ehelnimo, sida isago oo u ah waalidka, amaba hogaamiye-dhaqameed.Waxaad arkaysaa qof u xidhan waxyaabo dhaqan oo aan si cad ugu sheeganayn xeerarka, sida qaadhaan-diidnimo iwm, iyada oo aanay xeerarku dalku aqoonsanayn dambinimada arrimahaasi.
Marka laga yimaado falalka ay dambinimadoodu ku xusantahay xeerarka ciqaabta, kuwaasi oo noqon karo qaar ay xeerarka dalalku ku kala duwanaan karaan, hadday noqoto xaarantimayntooda iyo ciqaabtoodaba, haddana waxa jira faham guud oo ku saabsan xaaladaha keensan kara sababo qofka looga qaadi karo xorriyadiisa. Waxa uu qofku xorriyadiisa ku waayi karaa si waafaqsan sharciga haddii:
1. Xukun ciqaabeed oo maxkamadeed oo awood garsoor u lihi ku dhaco.
2. Haddii uu qofku ku gefo nidaamka gar-dhagaysi ee maxkamada, ama la rabo in lagu qasbo fulinta waajib-sharciyeed oo uu ka war-wareegayey amaba uu dayacay.
3. Inay jiraan sababo macquul ah oo lagaga shakiyi karo inuu ku kacay fal-dambiyeed, ama lagaga hortagi karo fal-dambiyeed uu ku jiro qal-qaalihii uu ku samayn lahaa, ama uu rabo inuu baxsado kadib markuu kacay.
4. Inuu yahay ilmo aan qaan-gaadhin oo la rabo in waxbarashadiisa dusha lagala socdo, ama loo hayo sidii maxkamad awood u leh loo horgayn lahaa.
5. Inuu qabo cudur faafa oo waxyeelo caafimaad oo baahsan ku keeni kara bulshada.
6. Inuu si aan sharciga waafaqsanayn rabo inuu ku soo galo xudduudaha dalka (unauthorized entry), ama uu yahay qof si sharciga waafaqsan looga mustaafuriyay dalka ama loogu celiyay dal kale oo uu dambi kasoo galay (Extradition)
Haddii loo helo sabab cad, macnaheedu maaha qofka waxa loola dhaqmayaa sidii la doono. Balse waa in loo soo qabtaa hab waafaqsan sharciga (due process of the law). Sababtoo ah,qofkan lasoo qabtay maaha dambiile illaa inta dambigaasi laga hor cadaynayo Maxkamad awoodeeda leh, Xukun garsoor oo rasmi ah ayuun baanu qofku ku noqon karaa dambiile, kuna mutaysan karaa ciqaab uu xorriyadiisa ku waayo.Xeerarka Habka ciqaabta ayaana dhigaya sida loo fulin karo soo qabashada eedaysanaha. Waxaanu xeerku farayaa inay saraakiisha qabashada u xilsaarani ay addeegsato habka iyo awooda ugu suurtagalsan, haddii iska caabin lagala horyimaado.Iyagoo eegaya inta uu leegyahay fal-dambiyeedka loo haysto qofka iyo awoodiisa iska caabineedba, waa inay isku dayaan sidii ay qofka oo jidh-ahaan fayow u horkeeni lahaayeen sharciga. Isfahan-xumada saraakiisha iyo qofka la qabanayo ayaa iyadana loo nisbayn karaa waxyaabaha sababa gacan-ka-hadal dhexmara askarta iyo la-qabtaha. Maadaama oo intooda badan ayna saraakiishu nabadgalyadu lahayn tababar ku filan oo ay kula-macaamilaan bulshada (Communication skills),taasi oo keeni lahayd inay si anshax leh oo degan qofka la xidhayo ugu qancin karaan inuu iskii ugu raaco saldhiga. Xirfad la’aantanina waa ta keentay inay addeegsadaan hab-qallafsan iyo awood xad-dhaaf oo aan loo baahnayn. Aflagaadada iyo bah-dilida qofka la qabanayo, ayaa iyaduna keenta inuu qofku si la mid ah uga jawaab-celiyo habdhaqankooga, oo meel ay taagi dhigtaba uu isagoo cadhaysan isku maqiiqo awood ka tan-badan oo waxyeelo jidheed iyo nafeedba ku keenta.
Soo qabashada eedaysanaha ayaa ah laba nooc, mid u baahan amar-garsoor si loo fuliyo (mandatory arrest), iyo mid la fulin karo amar-la’aan garsoor. Amar maxkamadeed uun baana qofka loogu gali karaa, halka uu deganyahay, guri iyo hudheel kii uu doonoba ha ahaadee. Haddii aanay jirin sabab macquula oo laga shakiyi karo inuu qofkani ka baxsado goobta, inta aan ogalaanshahaasi maxkamadeed la soo helin. Macquuliyada shakigaasi oo ay hadhawto maxkamada waajib ka saaraanyahay inay miisaanto, marka ay horkeenaan maxbuuska.
Si loo sugo xorriyada qofka, waa inuu xeer hab-ciqaabeedku caddeeyaa xaaladaha gaarka ah ee saraakiisha ciidan awood u siinaya inay qofka xorriyadiisa kaga qaadi karaan iyagoon haysan amar-maxkamadeed. Haddii kale waxa dhici doonta inay saldhigyada bilaysku noqdaan meelo shicibku lagu dulmiyo, madax-furasho iyo baad lagaga iibsado xorriyadoodii ay xaqa u lahaayeen. Marka laga reebo fal-dambiyeedyada uu sida gaarka ah xeerku u jiidaynayo in qofkasta oo ku eedaysan amar-la’aan maxkamadeed la xidhi karo, sida kuwa ku cad qodobka 35aad ee habka ciqaabta, ama kuwa kale ee xeerkale xusayba, qofna xorriyadiisa lagama qaadi karo, haddii aanu markaasi gacanta kula jirin fal-dambiyeed ( falagranto delicto),ama aanu ka soo baxsan xadhig sharciya.
Dastuur qaranka oo lagu kabayo xeer-ka habka ciqaabta ayaa si adag u damaanad qaadaya xorriyada uu muwaadinku leeyahay iyo shaqsi kasta oo dalka ku nooliba. Mana jirto goldaloola sharci oo caqabad ku noqon karta xorriyada asaasiga ah ee uu qofkastaaba leeyahay, balse waxaan odhan kara caqabada ugu badani waa mid lugta ku haysa dabacsanaan maamul iyo maamul xumo, musuq-maasuq, iyo xirfad-la’aan sharciyeed oo jirta. Habka loo maamulayo baadhitaanka, iyo la xisaabtan la’aanta dambi-baadhayaasha ayaa keenta inay saldhigyada iyo jeelashaba is buux-dhaafiyaan maxaabiis aan qaarkoodba caddayn dambiyeed loo haynin. Kuwaasi oo ay dhacdo in iyagoo bil xidhnaa marka dambe lagu waayo wax dambi ah,lana sii daayo iyagoon haba yaraatee wax-mag dhaw ah ku lahayn nidaamka garsoorka
Soo jeedin:
- Waa inay maxkamada iyo xeer-ilaalintuba ay adkeeyaan mudo-dhaafinta maxaabiista ku xidhan saldhigyada,siiba ay Maxkamadu u celisaa xuquuqdii muwaadiniinta sida sharci darrada ah loogu haystay saldhigyada,ka hor intaanay eegin dulucda dacwada loowadana,waa inay eegtaa habka loola dhaqmay maxbuuska,sida loo soo qabtay,iyo mudada lagu hayay saldhigyada.Tani waxay cadaadis saaraysaa xeer-ilaalinta iyo saldhigyada,waxaanay keeni doontaa inay ilaaliyaan habka ka hor dulucda.
- Waa inay maxkamadu adkaysaa habka xalaalaynta iyo rumaan garaynta maxbuuska, maadaamo oo kiisaska badan ee ay gacanta ku riixi doonaan dib-u-mudaynta dhagaysiga maalmo kale kadib.Waana inay baadhayaasha cadaadis ku saartaa, inay soo raaciyaan eedaysanaha caddaymahooda,inta ay ku meeraysanayeen in loo rumaan-gareeyo,maxbuuska,iyaguna ay meelahaas iskaga qayilaan.
- Waa inay xeer-ilaalinta lafteeda la socotaa, xaashida warbixinta baadhayaasha, isla markaana loo xil-saara xeer-ilaaliya gaar ah oo la socda,waxa ay baadhayaashu kusoo kordhiyeen faylka uu eedaysanuhu u xidhanyahay dhammaystir-la’aan baadhitaan. Si aanay maalinta dambe baadhayaashu faylkii oo aanay waxba kusoo kordhin isu horqaadin maxbuuskii. Waana in tallaaba laga qaadaa, haddii ay keeni waayeen baadhitaan iyo xogo baadhitaan oo dheeraad ah.Ileen mudadaasi iyaga sababtooda ayuu qofku u xidhnaaye.
- Hor-gaynta,waxay ahayd inaan sarkaal gaar iyo xafiis gaar ah u saarto xeer-ilaalinta,si uu ula socdo tallaabooyinka baadhitaan ee hadba ay baadhayaashu qaadayaan,una kala barto kuwa caadaystay camaalaqa iyo mus-maasaqaba. Kaasi oo ah inuu jadwal xafiiska yaala oo ku xardhan sabuurad xafiiska taala uu ku xardho muddooyinka maxaabista rumaan-garaysan baadhitaan dheeri oo la dalbaday, maaha kuwa u rummaan garaysan gar-dhagaysiga maxkamadeed een wali go’aanka kasoo bixin.
- Maaha wax lala yaabo inay dadku dhibanayaal isku noqdaan oo ay isku gafaan, balse maaha in ciddii sharciga-ilaalinaysay ay iyada lafteedu ku gafto,qofkii loo haystay inuu wax kusoo gafay, oo ay la mid noqoto. Sidaa darteed waa in la ilaaliyaa habka, sida lagusoo xidhay,inta aan la iswaydiin maxaa lagu soo xidhay qofka sil-silada lagu jiidayo ee biyo-mareenka kuududa.
- Garsoorayaashu dhankooda waa inay xil-wayn iska saaraan dacwadaha ciqaabta ee aanay eedaysanayaahsii dibada joogin,isla markaana ay yareeyaan habsanka , jiitanka. Marka ay joogaan ay yareeyaan sheekada,maqaad-fadhiisiga, iyo dhex war-wareegista kaamboolka maxkamada iyada oo loo fadhiyo.
W/Q: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
waddi12@hotmail.com
No comments:
Post a Comment