
Saraakiisha ciidamada amniga, ayaa sheegay in shan ka mid ah maleeshiyaadka laga soo qabtay garoonka Muqdisho, iyaga oo sida ay sheegeen u kala socdaalayey Somaliland, Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo gobollo kale, balse ciidamada ammaanku ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan.
Xubnahan la qabtay oo Dhalinyaro badan oo u warramay Warbaahinta ku hadasha Afka dawladda Somaaliya, ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasi oo qaarkood doonayay inay ka baxsadaan magaaladaas.
Xubnahan la qab-qabtay ee Ciidamada ammaanka Soomaaliya shaaciyeen qabashadooda, ayaa magacyadooda lagu kala sheegay sidan:
- Maxamed Xiireey Bakaari oo lagu soo qabtay in uu bamgacmeed ku tuuray xarunta degmada Boondheere.
- Iidoow Cabdulle Barqadle iyo Ibraahin Cabdulle Barqadle oo ku sii jeeday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
- Cumar Aadan Maxamed oo isna ku soo jeeday magaalada Hargeysa
- Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim oo ku wajahnaa deegaanno ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
- Cabdifataax Cali Maxamed
- Xasan Nuur Maxamed iyo Shariif Ciise Aadan.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa ciidamada qalabka sida waxaa ay Soomaaliya kawadeen howgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaano badan laga qabsaday.
No comments:
Post a Comment