Thursday, March 27, 2014

Magacyada Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Qab-qabtay Garoonka Muqdisho iyaga oo qaarkood ku Soo Jeedeen Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho, 27 March, 2014 (Himilo)- Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabteen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo doonayey inay u socdaalaan dalalka Itoobiya iyo Somaliland.

arr_4Saraakiisha Ammaanka ee Muqdisho, ayaa sheegay inay xubnahan ku qab-qabteen Hawlgallo ka dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, ayaa shalay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya saxaafadda u soo bandhigeen Siddeed ka mid ah magacyadooda.

Saraakiisha ciidamada amniga, ayaa sheegay in shan ka mid ah maleeshiyaadka laga soo qabtay garoonka Muqdisho, iyaga oo sida ay sheegeen u kala socdaalayey Somaliland, Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia  iyo gobollo kale, balse ciidamada ammaanku ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan.

Xubnahan la qabtay oo Dhalinyaro badan oo u warramay Warbaahinta ku hadasha Afka dawladda Somaaliya, ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasi oo qaarkood doonayay inay ka baxsadaan magaaladaas.

Xubnahan la qab-qabtay ee Ciidamada ammaanka Soomaaliya shaaciyeen qabashadooda, ayaa magacyadooda lagu kala sheegay sidan:

  1. Maxamed Xiireey Bakaari oo lagu soo qabtay in uu bamgacmeed ku tuuray xarunta degmada Boondheere.

  2. Iidoow Cabdulle Barqadle iyo Ibraahin Cabdulle Barqadle oo ku sii jeeday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

  3. Cumar Aadan Maxamed oo isna ku soo jeeday magaalada Hargeysa

  4. Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim oo ku wajahnaa deegaanno ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

  5. Cabdifataax Cali Maxamed

  6. Xasan Nuur Maxamed iyo Shariif Ciise Aadan.


Mudooyinkii  ugu dambeeyay ayaa ciidamada qalabka sida waxaa ay  Soomaaliya kawadeen  howgallo  lagula dagaalamayo maleeshiyaadka  Al-Shabaab  oo deegaano badan laga qabsaday.

 

No comments:

Post a Comment