Wednesday, April 2, 2014

Guddida joogtada ah ee golaha wakiilada oo kulan gaar ah oo aan warbaahinta loo ogolaan la yeeshay wasiirka caafimaadka




Hargeysa (Himilo) Guddida joogtada ah ee golaha wakiilada somaliland ayaa kulan gaar ah oo albaabadu u xidhan yihiin, oo aan warbaahinta loo ogolaan waxay la yeesheen wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglo Toosiye).


Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska guddida joogtada ee golaha wakiiladu ku leeyihiin xarunta golaha wakiilada, iyadoo intii uu kulankaasi socday warfidiyeenadu ku sugayeen dibada, sidaasi awgeed ayaa markii uu kulankaasi dhamaaday waxa warbaahinta uga xogwaramay waxyaalihii lagaga wada hadlay  wasiirka caafimaadka.


kulanka wasiirka caafimaadka iyo guddida joogtada golaha wakiiladaWasiir xaglo toosiye oo ka hadlaya kulankan waxyaalihii lagaga wada , waxaana uu yidhi:-"Sidaad ogtihiin waxa ii yeedhay guddida joogtada ah ee Anshaxa golaha wakiilad Somaliland muhiimada iyo ujeedada ay iigu yeedheen waxa ahayd  inaan uga xogwaramo wasaaradda caafimaadka muddodii aan joogay ee aan masuuliyadeeda hayey, Dr Macaw annigu warqada uu wadanka kaga hawl galo kagana shaqeeyo maan siin ee waxaan u qoray waraaq aan kaga codsanayo cid ay khusayso in loo fududeeyo dhakhtarkaasi imaatinkiisa yoolka wasaaraduna maaha in dhakhaatiirta ka imanaysa dibada ay siiso ruqsada  ay ku joogaan dalka waxaana ruqsada siin karta guddida mihnadlayaasha caafimaadka somaliland oo Digreeto Madaxwayne ku Magacaaban maan dhaytkeeduna yahay dhakhatiirta dalka kasoo gasha dibada inay baadhaan oo ay go’aan ka gaadhaan.


Wasiir xaglo toosiye waxa uu intaasi ku daray “Cidii wadanka soo galaysa ee doonaysa inay caafimaad ku hawl gasho ama kaga hawl gasho wadanka somaliland waa inay ogolaansho ka haystaan guddida mihnadlayaasha marka ay baadho cid usoo gudbisay ogolaanshahooda haday aragto ama usoo baxdo inaanu xirfadahaas  uu dalka ka wado u qalmin ama shuruudihii ay wadeen aanu buuxin iyaga ayaa awood buuxda u haysta inay u diidaan.


Waxa kale oo uu sheegay wasiir saleebaan Axmed Ciise Xaglo Toosiyey inaanay  waxba ka jirin in ay wasiirada caafimaadka somaliland diiday inuu Digtoor Macaw Dalka Ka Shaqeeyo Waxaana uu yidhi:-


“Waxba Kama jiraan warka sheegaya in ay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka somaliland diiday inuu Dr Macaw Dalka Baadhitaan Caafimaad Ka Bilaabo iyo waxaan annigu ogolaaday oo ay wasiir ku xigeenka caafimaadku diiday ma jiraan waana ku tiri ku teen wasaarada caafimaadkana anniga ayaa wasiir ka ah maan-dhaydka madaxwaynaha somaliland igu magacaabayna anaa iska leh Waxaan Annigu ogolaaday wasiir ku xigeen ma diidi karto waa sheekooyin ay meelahaas laga sameeyey.


Mar Su’aal laga waydiiyey wasiirka Caafimaadka somaliland inuu isagu ku saxeexnaa waraaqda la siiyey Dr Macaw iyo halkii uu Digtoorku kaga hawl gali lahaa ayaa waxa uu ku jawaabay.


“Waraaqda waxaas aad sheegaysaan kuma qorna waxaana jecelahay inaad Waraaqda Akhridaan waxaana ku qoron dhakhtarkaas oo waliba waxa uu ku takhakhusay been la iiga sheegay oo la igu yidhi waa dhakhtar dumar   oo imanaya dalka ayaa kaa doonaynaa inaad wasiir noo fududaysid inuu soo galo somaliland.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland



No comments:

Post a Comment