Waxa aannu ahayn labadayada, isaga iyo aniga oo kali ah. Guriga ayaannu dhex joognayn oo ku wada ciyaaraynay. Waxa aan xidhnaa dharka guriga lagu joogo. Isagu waxa uu u labbisnaa sidii oo uu diyaar u yahay in uu tagayo xaflad lagu martiqaaday. Kama ay qasnayn ee labbiskaas buu igula ciyaarayey wali ba ciyaar aad u xammaasad badan. Aniga oo dhabarka u jiifa, ayuu shafka igaga fadhiistay. Labada lugood waxa uu iga saaray labada garab. Dabadeed isaga oo afar fool oo yaryari afkiisa madhan ka dhex muuqdaan buu kaadi wajiga igala eegtay. Markii uu si fiican ii rusheeyay, ayuu mar labaad qosol kale jagac ka siiyey. Xanaaq iyo farxad iyo wax kale oo isku walaaqan baa igu dhex milmay. Rooble se wali waa uu igu qoslayey.
Haddana inta uu mar kali ah isa soo daayey sidii agab meel ka soo dhacay, buu sankayga ilkihiisa curdinka ah iga camcamiyey oo dhareer igu bi’iyey ilaa dhabannada. Runtii aad buu u faraxsanaa oo uu u riyaaqsanaa. Farxaddii ay u ahayd baa anigana i saamaysay oo sidaas baa waxa aan dareemay farxad kale oo ka sii wayn. Intii aanan wali far dhaqaajin, isagiina igu qoslayo ayaan xasuustay kal hore, Rooble habeenkii uu dhashay dhibicdii roobku sidii ay ii qoysay iyo sida ay maanta kaadidiisu ii qoysay.
Kalhore, waxa uu ahaa habeen madow oo aad u dhaxan badan. Daruuraha gudgude caweyskaas dhulka maasheeyay baa hadba dhinac ka hig lahaa. Waa ay iskala gurayeen sidii ay gaatamayaan ama goolaaftamayaan. Daruuruhu waxa ay qariyeen iftiinkii dayaxa iyo xiddigaha. Habeenkaas dhulku waxa uu ahaa gabaahiir, noole kastaa waxa uu ku jiray hoygiisa oo uu gabaylaha iyo roobka kaga gabbanayey. Dhibcaha roobku si laxaad leh ayey u garaacayeen boodhka dhulka jiilaalku ragaadiyey. Muddo kooban gudaheed waxa qooqan walba jiiftay xareed kala miirantay oo nadiif ah. Habeenkaas roobka dhowr goor oo aan dhexqaaday baan aad ugu qoyey. Waxa se ka waynayd hawsha aan u qoyayey.
Habeenkaas baal cusub oo noloshayda ah waxa ku xardhantay xil cusub oo aan qaaday. Aabbe in aan noqday markii u horraysay baa habeenkaas diiwaanka ii gashay. Marwadayda Deeqa oo aan gu’ga habeenkaa curtay kii ka horreeyay la aqalgalay in ay iigu curatay wiil, aad baan runtii ugu farxay. Sidii waynayd ee ay ugu faraxday si la mid ah baan ugu riyaaqay. Wiilkaas habeenkaas ku soo biiray qoyskayagu kalgacayl iyo muxubbo saa’id ah ayuu nagu soo kordhiyey. Hooyadii oo magacyada sababta ku baxa aad u jecel baana u bixisay ‘Rooble’, maaddama goor roob da’ayey uu dhashay oo uu gu’ la curtay. Aniga qudhaydu magacaas waan ku taageeray, sidii baana loogu wanqalay. Markaas ay magaca u bixisay Deeqi curadkayaga, ayaan kula kaftamay “Gartay oo Rooble sababtiisu waa xilliga uu dhashay waana la suurayn karaa, ee adiga Deeqa yaa sii ogaa in aad Deeqa tahay oo kuu bixiyey?”. Iyada oo aan ii jawaabin inta ay qosol muunsood dhoollaha caddaysay bay labada dhaban ka dhunkatay Rooble oo aan dhabta ku hayey, intii ay isaga ku maqnayd anna iyada ayaan ku maqnaa. Labadii dhunkasho ee ay ku jiidday Rooble yare ayaan aniguna uga soo jaray.
Maanta waa kan Rooblihii kal hore dhashay wajiga iga rusheeyay, ee igu qoslaya, ee waliba afartiisa fool ee yaryar aan sankayga uga taag la ahay. Waa kan wali sii qoslaya ee aan aniguna la qoslayo. Hooyadii waa ta albaabka inta ay ka soo gashay ogaan iigu qososhay iyada oo farriinta “Aniga ba immisuu dhabtayda ku kaadshay” wajigeeda ku qortay igu qoslaysa. Isaga oo Rooble wali wajigayga ku mashquulsan waa taas hooyadii labada dhaban dhunkasho ugu mahad celisay, aniguna waaniga iyada mar labaad uga aargooyey Rooble!
Saddaam Carab
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment