Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Muwaadiniin Reer Somaliland ah ee dedaalka ka geystay aqoonsigii golaha deegaanka ee shafil (Sheffield Council Uk) Somaliland ku aqoonsadeen iyaga oo ka saxeexay golaha Deegaanka Sheffield.
Kulankan oo ay madaxweynaha shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen Muwaadiniintaasi ayaa waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagana Shahaado sharaf gudoonsiiyeen Muwaadiniintaasi.
Sidoo kale waxa Madaxweynaha Ku wehelinaayey Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.
Ugu danbayna waxa ka war bixiyey Kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xubno ka mid ah Weftigaasi.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/codadka-Kulanka-Mweynaha-iyo-Sheffield2.mp3"][/audio]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment