Friday, May 9, 2014

Dhakhtar Soomaaliyeed Oo Maxkamad Norway Ku Taalla Loogu Soo Taagay Kiis Kufsi ah oo 8-sano ka hor Geystay

 

Oslo:May,09,2014(Himilo)-42-jir dhakhtar soomaali ah ayaa lasoo taagay maxkamad ku taal degmada Romerike ee gobolka Akershus kadib markii lagu eedeeyay in uu ku dhex kufsaday gabadh 19-jir oo norwijiyad ah isbitaalka A-hus ee ku yaal deleedka magaalada Oslo.

kudia Dhacdadan oo dhacday 2006-dii ayaa markii ay gabadhani dacweysay dhakhtarka uu u baxsaday dalka Canada halkaas oo uu qoxootinimo iskaga dhiibay, balse siddeed sano kadib gacanta ayey kusoo dhigeen booliska dalka Canada.

 

Maxkamad dhawaan lasoo taagay 42-jirkan dhakhtarka soomaaliga ah ayaa waxaa uu ku qirtay falka kufsiga, waxaana uu maxkamada ka dhex  sheegay Hadalladan, “Waxaan siiyay kiniinka hurdada ee loo yaqaan Diazepam, oo waxaan sugay daqiiqado si uu kiniinka u saameeyo..”ayuu yidhi.

 

Gabadha la kufsaday ayaa sheegtay in ay la socotay waxa uu sameynayay dhakhtarka, balse aany hayn tabar ay ku joojiso maadaama kiniin la siiyay.

 

Qareen dowladda u dooda ayaa codsanaya in ninkan soomaaliga ah lagu xukumo xabsi saddex sano iyo sadex bilood, sanad ka mid ahna loo cafiyo maadaama uu qirtay dambiga uu galay.

 

Waxaa laga mamnuucay in uu ku shaqeeyo qaab kal-kaaliye dhakhtareed noloshiisa.

No comments:

Post a Comment