Friday, May 9, 2014

Waddadii Isku Xidhaysay Sanaag Iyo Togdheer Oo Saaka La Bilaabay Qaybteedii ka Imanaysay Dhinaca Burco

Burco:May,09,2014(Himilo)-Waxa si rasmi ah Saaka loo Bilaabay Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhi doonta Dhinaceeda Galbeedka oo ka bilaabmaysa Tuulada Ina Afmadoobe oo dhinaca Bariga kaga Beegan magaalada Burco.

ceeeeeerHawshan Bar-bilowga u ah Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhi Doonta, ayaa waxa Goob joog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dawladda Somaliland.

Xubnahan ayaa dhammaantood waji farxad leh ku soo dhaweeyey Bilowga Waddadaas Halbawlaha ah oo muddo la sugayey in la Bilaabo, waxana ay sheegeen  inay Garab joogi doonaan ilaa iyo inta Hawshu dhamaanayso.

Masuuliyiintan oo halkaasi hadalo kasoo jeediyey  ayaa guul ku tilmaamay iyo maalin taariikhiya in si rasmiya loo bilaabo jidkii dheeraa ee ceerigaabo iyo burco isku xidhaayey, waxaana ay xukuumada somaliland iyo Wasaarada madaxtooyada somaliland ku amaaneen waxqabadka muuqa iyo fulinta balan qaadkii ay samaysay.

 

Waddadan oo Masaafo aad u ballaadhan sii Mari doonta, ayaa lagu wadaa in dabagal iyo Ka Warhayn badan ay xukuumaddu ku Hayn doonto, maadaama ay tahay  udub-dhexaadka Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/Bilowga-Wadada-Ceerigaabo-oo-Saaka-bilaaban-tahay-iyo-Codadka-Masuuliyiinta.mp3"][/audio]

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment