Wednesday, May 7, 2014

Duqa Caasimadda Baaq Gubaabo iyo Digniin xambaarsan u jeediyey Shacabka Hargeysa




Hargeysa, 07 May, 2014 (Himilo)- Duqa Caasimadda ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay inay dawlad hoose ahaan todobaadkan dhammaadkiisa qaadayaan olole lagu binneynayo jidka wadnaha ee caasimadda.


soltelcoDuqa magaalada Hargeysa waxa uu ugu baaqay dhammaan dadku ku ganacsada jidadka hareerahooda inay banneeyaan, alaabadoodana ka qaataan ka hor inta aanay hawl-wadeennada dawladda hoose ugu iman goobahooda, taas oo qayb ka ah olole maalinta Khamiista ay bilaabayaan oo lagu kor loogu qaadayo bilicda magaalada ka hor xuska munaasibadda 18-ka May.


“Madaama oo aynu ku jirno u diyaar garawgii maalinta qaran ee 18-ka May, intii aanu xilka haynay dadka sida shacr- darrada ah u dagaya waddada hareeregeeda kuna haysta kolayada qaadka iyo meheradaha yaryar, waxaan leeyahayay in badan ayaanu idiin soo jeedinay inaad ka guurtaan anaga oo kala hadalnay saxaafada kuna boorinay in ay ka guuraan goobahaas sharci- darrada ah ee ay deggen yihiin,” sidaa waxa yidhi Maayarka magaalada Hargeysa oo shalay warbaabinta la hadlay.


“Dhamaan dadkaasi waxa ay diideen in ay u hogaansamaan dhawaaqaas. Markaad marayso xaafada shacabka oo kale ama waddada hal-bowlaha u ah caasimadda inaad arkayso meel alaale iyo meel laga maro in la waayey kolayadaas iyo meheradahaas oo si aad ah u soo buux dhaafiyey hareeraha wadooyinka.”


Maayarku waxa uu sheegay inay deg-deg ah u qaadayaan tallaabo ay wax kaga qabanayaan cidhiidhiga jidka halbowlaha u ah magaalada, waxaanu yidhi, “Laga bilaabo maalinta Khamiista ah ee toddobaadka soo socda waxaanu samayn doonaa olole bannayn ah cid alaale iyo cid kasta oo meel sharci-darro ah deggeni waa laga qaadayaa, waxa ay ka dhisteena waa laga duminayaa, shacabkana waxaanu leenahay imikaba waxaaga kasii fur-furo meesha intii aanad odhan waxbaa la iga burburiyey.”


Md Cabdiraxnaan SOLTELCO waxa uu shacabka caasimadda ugu baaqay inay kor u qaadaan xuska maalinta Qaranimada Somaliland isla markaana aanay uga hadhin xuskeeda. Waxaanu sheegay inay dawlad hoose olole nadaafad ah ka fulinayaan jidadka caasimadda.


“Waxa sidaas loo samaynayaa in ay noo qurux badnaato maalinata qaran ee 18-ka May, waxaanan shacabka reer Hargaysa usoo jeedinayaa inuu qof waliba wajahadiisa ku qoro calanka Somaliland hortiisa xaadho ayaa la doonayaa, qofkasta oo reer Somaliland u dhashay fariintaas ayaan usoo jeedinayaa,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan SOLTELCO.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment