Hargeysa, 07 May, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ururka ay leeyihiin Warshadleyda Somaliland.
Kulankan oo ujeeddadiisu dhiirrigelinta Wershadleyda dalka, dhiirri-gelinta Wax-soo-saarkooda iyo toosinta cashuuraha ku waajibay ee ay bixiyaan, waxa ka qayb-galay xubno ka mid ah hoggaanka Ururka Wershadleyda dalka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo markii kulankaasi dhammaaday ka warramay waxyaabaha ay ka wada-hadleen, ayaa sheegay inay iskula qaateen sidii loo dar-dar gelin lahaa cashuuraha ku waajibay Wershadleyda.
“Waxaanu ka wada-hadalney sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga ka soo xerooda wershadleyga gaar ahaan cashuuraha ay bixiyaan ee kala duwan oo runtii aanu isla qaadaney. Waxaanu ka wada-hadalnay sidii wershadaha dalku ay meel sare u gaadhi lahaayeen iyagana wax loola qaban lahaa, wixii ay wasaaradda maaliyadda uga baahan yihiin iyo sidii looga taakulayn lahaa. Waxaanay nooga warrameen wixii baahiyahooda ah, waxa aanu is-dhaafsanay wixii afkaar iyo talooyin ah,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa aanu isla qaadanney cashuuraha ku waajibay inay si wanaagsan u bixiyaan oo ay sii siyaadiyaan, in kasta oo immika ay bixiyaan runtiina waanu uga mahadcelinaynaa, runtiina waanu la saayirnaa maadaama wershadaha dalkeennu ay soo korayaan oo hana-qaadkoodu uu dhow yahay. Waxa uu ahaa kulan Qaranka iyo dalka iyo qiime u leh. Waan uga mahad-naqayaa guddigii wershadleyda iyo mulkiileyaasha ee aanu maanta (Shalay) isku nimi sida qiimaha leh ee aanu isku fahannay.”
Ugu dambayntii, waxa uu wasiirku baaq u jeediyey shacabka iyo Ganacsata, “Waxaanu ka codsanaynaa dadweynaha Somaliland, ganacsatada, Tijaarta iyo cid kasta oo cashuuri ku waajibtay inay si wanaagsan oo qiime leh u bixiyaan, gaar ahaan xilligan oo ah wakhtiga ay Wasaaradda Maaliyaddu qaaddo cashuuraha,” ayuu yidhih Md Cabdicasiis Samaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment