Wednesday, May 7, 2014

Wafti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Jarmalka Kenya u Fadhiya Oo Madaxweyne Siilaanyo Qasrigiisa ku Qaabilay

Hargeysa:May,07,2014 (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wafti uu hogaaminayo Ku Xigeenka Safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Nairobi.

 

silayoKulankan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ayaa waxa ay labadda dhinac kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada wadan.

 

Ka dib markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa waxa warbaahinta war kooban oo ku saabsan socdaalka waftigan siiyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire.

 

Wasiir Sacad ayaa sheegay in waftigan ay u socdeen sidii ay madaxweynaha ugu sheegi lahaayeen

 

 

 

 

caawimo ay u wadaan shacabka reer Somaliland.

 

Waftigan ayaa ujeedada socdaalkoodu ay ahayd sidii dalkan looga taageeri lahaa dhinacyada caafimaadka, biyaha iyo kaabeyaasha bulshada.

 

Safiir Ku Xigeenka Mr GMr Christian Resch, waxa ku wehelinayay safarkiisan Somaliland Dr. Philipp Rock, Desk officer for German Federal Ministry for Co-operation and Development, Bonn.

 

. Ms Julia Kronberg, Deputy Head of Development Co-operation, German Embassy Nairobi

 

. Mr Hendrix Linneweber, GIZ Country Director Kenya, Nairobi

 

. Dr. Christoph Schaefer, Senior Country Manager East Africa, German Development Bank KFW, Frankfurt am Main

 

. Mr. Thomas Herzberg, German Development Bank KFW

No comments:

Post a Comment