Sunday, May 4, 2014

Warankii Boobe, Weerarkii Maxamed Kaahin, Waanwaantii Wasiir Cukuse, Walaacii Ina C/Qaadir iyo Wadhafyadii Siyaasadeed ee Shalay




“Siilaanyo Saxaafaddii wuu ku guuray, Baarlamaankiina wuu ku guuray, intaaba immika wuu ka dul-tallaabsaday oo wuxuu yidhi; ‘idiinma baahnin…” Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax


 


“Dadku sidii ay u dhacsadeen ayay u dhacsanayaan, maaha waxay ka dhaqaaqayaan oo ay ka tegayaan, maaha wax baryo ah, maaha wax cid laga tuugayo, weliba nidaamka maanta jooga mid laga baryayo maaha..” Boobe Yuusuf Ducaale


 


“Maxamed Xaashi baa halkan fadhiya, shalayto dawladduu ahaa, Wasiirka Maaliyadduu ahaa, haddii maalintuu Wasiir ka yahayna ay dawladdu wada Malab tahay, maalintuu ka baxana ay wada Xun tahay maxaa laga yeelayaa? Saaxiibkay Boobe shalayto Wasiirka Warfaafinta ayuu ahaa..” Maxamed Kaahin Axmed


 


“Madaxweyna…Dawladdiisu inay xun tahayna idinkaannu idinka maqalnaa, Madaxweynaha haddaad nala qirteen inuu wanaagsan yahay, dee dhashiisuna way wanaagsan tahay...”  Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)


 


Hargeysa, 04 May, 2014 (Himilo)- Siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ah ee Somaliland, ayaa shalay si adag oo furan hadallo weerar iyo weerar-celin ah isku weydaarsaday Madal lagu Xusayey Maalinta Saxaafadda Madaxa-bannaan ee caalamka oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxay si kulul isu dhaafsadeen dhalliilo Mucaaridku jeediyeen iyo jawaabo Muxaafidku isku difaaceen.


22Siyaasiyiinta halkaa weerarka iyo weerar-celinta isku dhaafsaday waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo hore KULMIYE uga tirrsanaan jriay, balse laga saaray oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).


Haddaba, Siyaasiyiintii Madashaa shalay lagu xusay maalinta Saxaafadda madaxa-bannaan iyo xorriyatul-qawlka caalamka, waxaa ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxaanu yidhi; “Ninka yidhaada Saxaafadda Somaliland waxbay xumaysaa, waa nin aan waxba ogayn Saxaafadda Somaliland waa Saxaafadd qunyar socod ah, Saxaafadda Somaliland dhaqan-xumada ma taqaanno. Maanta Saxaafaddii culays xooggan ayaa saaran.”


“Madaxweyne Siilaanyo markii uu Mucaaridka ahaa laba qodob ayuu carrabka ku dhufan jiray, wuxuu odhan jiray; ‘Saxaafad la cubudhinayaa ma jirayso iyo in la ilaayo geeddi-socodka dimuquraadiyadda. KULMIYE waxyaabo badan ayuu xariif ku ahaa, Siilaanyo Saxaafaddii wuu ku guuray, Baarlamaankiina wuu ku guuray, intaaba immika wuu ka dul-tallaabsaday oo wuxuu yidhi; ‘idiinma baahnin’, Saxaafaddii immika waxaa laga ilaalinayaa in ay wax sheegto. Daahir Riyaale waxaannu odhan jirnay; ‘wuxuu ahaa Nabad-sugiddii, Saxaafadduu xidh-xidhaa.’ Riyaale intuu xilka hayey wuxuu xidhay 17 Suxufi, labadii Sannadood ee ugu horreeyay Siilaanyo wuxuu xidhay 58 Suxufi.” Sidaa ayuu yidih Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.


Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa isaguna si adag uga hadlay sida aanay shacabka reer Somaliland ugu duq-qaadan doonin cabbudhinta madax-bannaanida hadalka iyo Saxaafadda ee Xukuumadda Siilaanyo kula kacdo Hay’adaha warbaahinta madaxa-bannaan ee ay ka midka yihiin Hubaal iyo Haatuf. “Nin Beeralay ah oo Durdur Wabi ahi ag-marayey oo Beertiisu oommane ahayd oo Kannaallo u soo jeexday oo maanta la doonayo in Kannaalladii laga awdo, haddii laga awdo dib baa loo jeexayaa kannaalladaas, waxaasi wax si fudud ku tegaya maaha. Dadku sidii ay u dhacsadeen ayay u dhacsanayaan, maaha waxay ka dhaqaaqayaan oo ay ka tegayaan, maaha wax baryo ah, maaha wax cid laga tuugayo, weliba nidaamka maanta jooga mid laga baryayo maaha, waxa loo aanaynayaa inuu hoggaaminayey halgankaas, haddii ay taasi dhab tahay waxani ma dhacayaan.” Sidaa ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.


Boobe oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Taariikh kooban oo laga sii-daayey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal markii Xabaalaha (Malka-durduro) hadalladiisii waxaa ka mid ahaa ‘Sida la isugu kiin xidh-xidho ee la idiin toogtaa waa wax fudud, laakiin maalintaan idin xukumi kari waayo anigu waan idinka tegayaa.’ Caawa (xalay) baa la xusayaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal 12-guuradiisa. Illawshiiyii wakaas, waaka waxaa dhalay. Waa immika anigoo halkaa ka baxa oo gaadhigayga wata oo Saldhigga Booliska hor-maraya oo Taraafikadu I qabtaan oo ay I yidhaahdaan dhig halkan gaadihga eed buu galaye! Ma gaadhaa eed gala? Ma war-qad baa gasha, ma khadbaa gala ma qalin baa gala?”


“Ciddaad doonayso haa habel baa eed-galay dheh Hubaal baa eed gashay, Haatuf baa eed-gashay, Yuusuf Gaboobe ayaa jooga, Caloolay baa jooga dee Maxkamadda halla geeyo oo hallagu soo caddeeyo (dembigooda). Maxkamadduna waataas la idiinka sheekanayo ee la idin leeyahay dhinac bay u xaglinaysaaye Maxkamad Saxaafadi meesha dhigatay maaha ee dadka Xukuumadda haya ayaa meesha dhigo, iyada lafteeda halla geeyo iyadaa lagu qanacsan yahaye. Magaca Illaahay iyo Magaca Shacabka sidii loo soo dhacsaday ayaa loo dhacsaday, guulihii SNM iyo wixii dadku hantiyeen ee Dhiiggoodii iyo dheecaankoodii siisteen waa la ilaalinayaa, dadkaana guulaysan doona, Illaahay baana hiil u ah.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).


Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Muxaafidka ah ee Xuskaas ka hadlay, ayaa isaguna si adag ugu jawaabay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee halkaa ka hadlay. “Xaaska Siilaanyo dee xil looma dhiiban marka wax laga qrayo..Jaraa’idku markay Xaaska Siilaanyo caayayaan yaa ka hadlaya? Madashaannu halkan wada fadhinaa, Maxamed Xaashi baa halkan fadhiya, shalayto dawladduu ahaa, Wasiirka Maaliyadduu ahaa, haddii maalintuu Wasiir ka yahayna ay dawladdu wada Malab tahay, maalintuu ka baxana ay wada Xun tahay maxaa laga yeelayaa? Saaxiibkay Boobe shalayto Wasiirka Warfaafinta ayuu ahaa, Su’aalaadka maanta taagan ee Saxaafaddu maalintii uu Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) Wasiirka ka ahaana way taagnaayeen ee ma maalintii Cabdillaahi-Cukuse noqday ayey wada xumaanayaan?”


Maxamed Kaahin waxa uu soo jeediyey inay muhiim tahay in Ururka Saxaafadda ee SOLJA, Masuuliyiinta Hubaal iyo Haatuf iyo dhinacyada kale ee ay khusaysaa arrintaa ka wadahadleen, isla markaana si masuuliyad leh ay dhinacyada wax kala tirsanayaa isu qanciyaan. “Anigu waan ka dhawahay qoladii halkan ka hadashay ee tidhi; ‘Maxkamadaha si toosa halloo geeyo, waan ka duwanahay oo waxaan qabaa in wadahadal wax lagu dhammeeyo (arrinta Wargeysyada Xukuumaddu xidhay).” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.


Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo gebo-gabadii Xuskaas ka hadlay, ayaa hambalyo iyo bogaadin ka dib waxa uu jawaab duur-xul ah ka bixiyey weedhaha ay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah qaarkood ku dureen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee talada hadda haysa, waxaanu yidhi; “Anigu ma doonayo inaan ka hadlo Odayaashii waa waynaa ee Xisbiyo ka soo jeeday ama aan ka soo jeedin ee Madasha ka soo jeeday, Nin Siyaasi ah oo iska xanaaqsanaa iyo nin kale oo cadhaysan-ba inaan halkan uga jawaabo ma doonayo maaddaama oo aannu annagu Masuuliyaddii hayno.”


Waxa uu Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Waxaannu leenahay Walaal wixii qaldan ee runtaa ah dadkaa ka markhaati furi doona, wixii been ah ama adigu aad is-moodsiisay ama xanaaqu kaa keenayna waannu kaa bogsiin doonnaa, dhibaatana dalka ma jirto, Madaxweyneheennu inuu Madaxweyne hoggaamiye ah yahay oo dalkana taariikh ku leeyahay waad nala qirteen, dawladdiisu inay xun tahayna idinkaannu idinka maqalnaa, Madaxweynaha haddaad nala qirteen inuu wanaagsan yahay, dee dhashiisuna way wanaagsan tahay, oo Madaxweynaha lama kala reebi karo.”


“Cabdiraxmaan Cabdiqaadir baan u bushaaraynayaa, anigu markaan Afhayeenka ahaa Madaxweynuhu wuxu afkiisa igaga yidhi; ‘Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Cali Guray midna ha u jawaabin, waayo? Innamadaydii bay ahaayeen’ buu yidhi. Maaddaama ooo uu intaa I yidhi weligay labadiinna midna umaan jawaabin, immikana idiin jawaabi maayo, laakiin waxaan idin leeyahay waar waxaa Odaygu xasuusan yahay xasuusnaada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Cabdillaahi-Cukuse.


 


Himilomedia.com                     


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment