Milan 04 May, 2014 (Himilo)- Golaha Deegaanka magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa shaaciyey inay ugu magac-dari doonaan xarunta tartanka orodka ee Carraro ciyaaryahanad Soomaali ah oo ku doontii ay saarnayd kula qarraqarantay xeebta dalkaasi iyada oo tahriib ku galaysay qaarada Yurub.
Golaha deegaanka Milan ayaa sheegay inay xarunta Carraro ugu magac-dari doonaan
Saamiya Yuusuf Cumar oo ku geeryootay badda Mediterranean bishii April 2, 2012, wakhti ay isku deyeysay inay gaadho jasiiradda Lampedusa ee dalkaasi Talyaaniga.
"Saamiya waxay ku riyoonaysay soo gaadhitaanka Yurub si ay tababar fiican uga hesho, kana qeybgasho ciyaarahii Olympics oo ka dhici lahaa magaalada London,” sidaa waxa yidhi xildhibaan Chiara Bisconti oo golaha deegaanka Milan u qaabilsan ciyaaraha.
Ku-xigeenka guddoomiyaha ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo ka warramaysay xaaladdii naxdinta lahayd ee galaaftay nolosha gabadhaas, ayaa sheegay inay Saamiya safarkeeda ka bilowday dalka Itoobiya oo ay ku noolayd, ilaa ay ka gaadhady dalka Liibiya, halkaas oo ay doonni uga raacday si ay u gaadho Talyaaniga si ay tababar ugu sii qaadato ciyaaraha Olympic ee sannadkii 2012-kii ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska. "Waxay ahayd geeri murugo leh, waxay ahayd fursad aan u haysanay ciyaarahii London."
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment