Dilka uu Xildhibaankan Hore Gesytay ayaa Hargeysa ka dhacay muddo sanad ka hor ah, waxana uu dilay Marxuum Cabdirashiid Aadan Warsame, waxana ay Maxkamaddu ku Xukuntay xukun dil ah.Mustafe Cismaan Daahir oo ilaa haatan maxbuus ah, ayaa warqadda isticaaqaladiisa u gudbiyey Golaha Deegaanka Hargeysa, waxana sheegay inaanu sii wadan Karin shaqadiisa, sidaas darteedna uu Go’aan ku gaadhay inuu iska dhiibo Xilkaas uu Bulshada u hayey.
Hadaba goor dhaweyd ayaa waxa shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews soo gaadhay Warqada Iscasilaada Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, waxaanay u dhignayd sidan.
Warqadda is-casilaadda Mustafe Cismaan Daahir oo soo Gaadhay Himilo, ayaa u qornayd Sidatan:
Saaxiibeyaal Maanta oo ay taariikhdu tahay 10.05.2014 Waxa aan halkan idiinku soo gudbinayaa is-casilaadii xubinimo ee aan u hayay
qaranka Somaliland maadaama aanan maanta wax hawl ah aanan idinla wadi Karin.
Sidaas darteed laga bilaabo maanta waad buuxsan kartaan xubintaydii aan ka hayay golaha deegaanka Caasimada sida sharciga waafaqsan
Kaalinta uu baneeyay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa waxa lagu wadaa in uu soo buuxiyo Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Afqalooc oo ka mid ahaa Raggii ay ka wada sharraxnaayeen Ururkii UMADDA.
Himilo
Hargeysa Desk
No comments:
Post a Comment