Friday, May 16, 2014

Xubno Hore Ugu Eedaysnaa Al-shabaab Oo Maxkamad Ku Taalla Puntland Oodda Ka Qaadday

Garowe:May,16,2014 (Himilo)-Maxkamada Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sii daysay dad eedeysanayaal oo muddo bilooyin ah ku xirnaa xabsiga magaaladaas kaddib markii lagu waayay dambigii loo haystay oo ahaa inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

MAXMA Eedeysanayaashan dambiga lagu waayay oo ahaa saddex ruux ayaa sii-daynta la sii daayay waxay timid kaddib markii qareenka difaacayay uu soo bandhigay inaanay dembiga loo haysto ku lug lahayn.

“Raggan waxaa loo haystay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, muddo bilooyin ah ayay ku jireen xabsiga Garoowe, balse markii aan caddeymo lagu qanci karo u gudbinnay maxkamadda ayaa la amray in lasii daayo,” ayuu yidhi qareenkii u doodayay saddexdan ruux ee lasii daayay.

 

Xabsiyada Puntland ayaa waxa ku jira rag looga shakisan yahay inay xidhiidh dhow la leeyihiin Al-shabaab  oo fadhiisimo ku leh deegaannada Puntland, kuwaasoo qaarkood hore loogu riday xukunno dil ah iyo xabsi ah.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer kula dagaalamay ciidamada Puntland buuraha Gal-gala; howlgalo ay ku sheegaan inay amniga Puntland inay ku sugayeen amniga ayay ku qabqabteen rag badan oo looga shkisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment