Eedeysanayaashan dambiga lagu waayay oo ahaa saddex ruux ayaa sii-daynta la sii daayay waxay timid kaddib markii qareenka difaacayay uu soo bandhigay inaanay dembiga loo haysto ku lug lahayn.“Raggan waxaa loo haystay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, muddo bilooyin ah ayay ku jireen xabsiga Garoowe, balse markii aan caddeymo lagu qanci karo u gudbinnay maxkamadda ayaa la amray in lasii daayo,” ayuu yidhi qareenkii u doodayay saddexdan ruux ee lasii daayay.
Xabsiyada Puntland ayaa waxa ku jira rag looga shakisan yahay inay xidhiidh dhow la leeyihiin Al-shabaab oo fadhiisimo ku leh deegaannada Puntland, kuwaasoo qaarkood hore loogu riday xukunno dil ah iyo xabsi ah.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer kula dagaalamay ciidamada Puntland buuraha Gal-gala; howlgalo ay ku sheegaan inay amniga Puntland inay ku sugayeen amniga ayay ku qabqabteen rag badan oo looga shkisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment