Mahlakadda, Aafadda iyo masiibadda Qaran ee TAHRIIBTU waa mid deris iyo rafiiq la noqotay Da'yarta ka qalin-jebisa Dugsiyadda sare Iyo Jaamacaddaha Somaliland.
Masiibadda TAHRIIBTU Wa dariiq dheer oo Dhalintu ku raadsanayso camal Iyo Shaqooyin Ay quuskaga Taagan Yihiin Dhulkoodda Hooyo inta badan waxa loo nisbeeya Maamul xumi ku habsatay Haayadaha laamaha Dawladda ee ku shaqo leh camal usamaynta Jiilka Dhalinta Ee Dalka u kacaya.
Dabaaqaddi 2013 Ayay ahayd markii Saxiibkay marna Ah Walalkay Uu goor aan habeena ahayn maalina Ahayn Ukolayaystay Safarka dariiqa Dheer ee tahriibka.
Kedis ayay noqotay talo iyo go'aan uu goor habeen ah maankiisa ka keenay in laga hor istaago fulinteeda waxana uu habeenkaas isku qanciyay in uu siyar dhaldhalaalka Yurub ugaadhi doono isla subixii habeenkii uu tashadayna Waxa uu qaatay ka dhabaynta Riyaadiisi habeenimo waxa uu udiraay garoobay safarkii Dheeraa tahriibka.
Kol ay xili qado tahay salaadii duhur dabadeed ayuu iridda iga soo Galay waxana uu iga dalbaday Inaan iso soo duceyno Fajac amakaag iyo yaab kadib Hadaladiisa waxa uu iweydiiyay Go' Cas oo agtayda yaalay ''GO' Xidig Ah'' in aan udhiibo waxana uu sheegay in Uu Tahriibayo.
Su'aal Xagu qabanayo, qaadashada go'aanka Xiligu ku dhashay iyo ujeedadiisaba ilaahay amarkii dhayal iyo dheeshiisi Ayay Saxiibkay ila ahayd maankaygana maan Gelin waa Ka rubad run ah Oo Wuu Tahriibayaa.
Kolku dareemay inaanay Iqudhqudhsamaynin Hadaladdi Xanafta badnaa iyo kelmadda qadhaadh ee uu maalintaasi Ku Hadlayay ''WAAN TAHRIIBAYAA'' Waxa uu gostay in uu hadalkiisa bedelo kuyee Safar gaaban ayaan Hadaba saxiiboow kasoo laabanayaa Ee An Soo wada Haddalo.
Gortaa Dabadeed Galabtaa dabadeed Iyo gelinkaa dambe ee maalintaasi waxa noqotay tii igu dambaysay maqalkiisa iyo muuqiisaba.
Ehel iyo Xigaal gacal iyo Sokeeye Cid ka war qabtay may jirin Safarkiisa marka laga Reebo aniga oo uu hadalka ii saray iyo weliba Cidi uu waqtigiisa dhalinyara nimo Iyo Dareenka jacaylku mataaneeyay Mooyaane.
SAXARAHA:- Waa gawaan madhan oo cidla ah saxaraha libia hadh iyo biya la' halis ah inbadan dadka tahriiba waa halka galaafatay
Ale haw naxariistee Saxiibkay Biimaddi iyo halistii saxaraha silic uu maray iyo xanuun badan kadib LIBIA Ayuu gadhay.
LIBIA:- Wa kawaanka Dadka lagu qasho hadaad hore umaqasheen kawaanka Hilibka, Dadka fara ku tiriska ah ee tahriibka ka badbaaday waxay weriyaan in ay isbaarooyin u yaalan rag loogu yeedho MA NAXAYAAL , MA GAFAYAAL Iyo Qaar kale oo ka ganacsada gadashada jidhka biniaadamka iyo weliba adoonsiga Dadka aan udhalan dalkaasi ee sharci darada ku Gala.
LIBIA :- Jeelal waaweyn ayaa ku yaala waxana lagu adoonsadaa dadka tahriib doonka ah qaar badan oo ka mid ah dadkaasi waxay xanuuno la garan waayay ugu dhinteen jeelashaasi qaar kale nafta ayaa laga qaaday markii qoyskoodu soo bixin waayeen madax furashada qawlaysatada Magafayaashu Sheegtaan.
In badan dadka tahriibaa waxay ka sheekeyaan Saxaraha LIBIA Balse waxa jira SAXARAHA MADOW Oo u dhexeeya SUDAN IYO ETHOPIA dadka ka badbaada silica iyo saxariirkaasi Tahriibka iyo safarka saxaraha waxay inta badan ku madhaan Jeelasha libia iyo Badaha
Kooxaha MAGAFAYAASHA Iyo MANAXAHU, Waa budhacad arxan laawayaal ah waxaanay Cida ay gacanta Ku dhigaan ku xidhaan jeelashooda iyagoo u qabsada madax furasho.
In badan oo dadka Tahriiba ka mid ah qoysaskoodu waa dan yar iyo dad aan waxay haystaan noloshooda dhafsiisnayn.
Magafuhu marka uu Dhalinta tahriibaysa qabsado waxay u soo qayla dirtaan qoyskooda si loogu soo diri lacagta madax-furashada ah ee ay ku xukumaan inta badan ma awoodaan qoysaska danyarta ahi waxa ay ururiyaan iyo maqdaraha u qabtaana ma noqdaan wax ku filan lacagta Ay caado-qaatayaashu sheegtaan Oo fara badan awgeed muddo ayaana loo qabtaa qofka qoyskiisa lagaga sugayo lacagtaasi.
Qaarkood waxa la sheegay in lacagtu soo dhacdo iyadoo Qofku muddo mootan yahay lana dilay markii ay qoyskiisu ku soo bixin waayeen lacagta mudadii loogu tala galay.
Haddaba isagu nasiibkiisa lama kulmin Xaalada adag ee Saxaraha Qafaalashada Magafayaasha oo markiiba si yar ayuu uga baxay inkastooy dhibteeda leedahay.
Waxa la sheega inuu habeen ay doon ka raacayeen LIBIA iyagoo isugu jira Somali, Xabashi iyo Afrikadda Kale dad ka yimi oo iyaguna tahriib doon ah.
Doontaasi waxay ku xumaatay badda waxaana ka go'ay wixi yaraa ee uu mid walba guntiga ku sitey ee quud ahaa waxa la weriyay dadki saarnaa in mid ba midka uu ka xoog Weyn yahay naftiisa hunguriyeey waxaana lanoo soo sheegay in Saaxiibkay ka mid noqday dadki lagu Cunay Doontaasi.
SOMALILAND: Xukuumadda jirta waxay ololaha ku gashay inay wax ka qabanayso aafadan TAHRIIBTA Balse waxaynu odhan karnaa waxay horseeday in Magafayaasha iyo Tahriibiyaashu Safaarado ka furtaan WAJAALE
TAHRIIBTU WAA MASIIBO QARAN OO DA'YARTA HAYSATA
W/Q Reporter:- Mohamed Yousof Bakayle
Mbakayle@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Monday, June 30, 2014
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Sharraxay Baahida Loo Qabo In la Kordhiyo Tirada Komishanka Doorashooyinka Qaranka
London:June,30,2014(Himilo)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Ka Hadlay Wax-ka-beddel lagu sameeyo Tirada Guddida Doorashooyinka Somaliland ee Haatan jira.
Guddoomiye Faysal oo Haatan ka Maqan Somaliland, ayaa sidoo kale soo Hadal qaaday in la samayn karo Guddi cusub, haddii taas la waayana ay suurgtogal tahay in Tiradooda wax lagu kordhiyo.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay laanta xisbiga UCID ee dalka Ingiriiska oo casho-sharaf loogu sameeyey Guddoomiye Faysal habeenkii Axadda, waxa uu sheegay in wadahadal laga yeelan doono qaabka loo dhigayo tirada guud ee Komishanka Doorashooyinka oo hadda ka kooban 7 xubnood.
Warsaxaafadeedka Xisbigu laanta London ka soo saaray ayaa u dhignaa sidatan:
“Guddoomiyaha xisbiga UCID mar uu ka hadlayey doorashooyinka soo socda waxa uu sheegey inay imminka meel fiican marayso diyaargarowgii diiwaangalintu, Komishanka Doorashooyinkuna ay qabteen shaqo fiican, tijaabadiisana ay sameeyeen. Waxa Guddoomiyaha UCID caddeeyey in Guddida Doorashooyinka Qaranka la beddeli doono, suurtogalna ay tahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo xubnaha uu ka koobnaan doono Komishanka Doorashooyinku, hasayeeshee, arrintaas laga wadahadli doono,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay laanta UCID ee dalka UK.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka qaybgalaya shir ay leeyihiin xisbiyada The Socialist International oo xisbiga UCID xubin ka yahay, kaasoo dalka Mexico ee Qaaradda Waqooyiga Ameerika ka furmaya Isniinta maanta, socona doonaa ilaa Salaasada berri, waxa uu sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo damacsan tahay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan badhtamaha sannadka 2015, isagoo xusay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay weli go’aan ka gaadhin in labada doorasho la is-raaciyo iyo in midba mar la qabto.
Hasayeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 12 June ee sannadkan soo jeediyey in aan mar la wada qaban doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaannu ku baaqay in labada doorasho mid walba gaarkeeda loo qabto, isagoo hore u soo jeediyey in tiradda guud ee Komishanka Doorashooyinka oo hadda ah 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood oo saddexda xisbi qaran mid walba saddex xubnood magacaabo.
Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland tahay mid aad u hoosaysa, isla markaana ay mareyso in waddamada jaarku xidhaan xuduudka ay la wadaagaan Somaliland, arrintaasoo uu ku sifeeyey inay muujinayso hoos-u-dhac ku yimi siyaasadda khaarajiga xukuumada madaxweyne Siilaanyo.
Waxaa kale oo uu sheegey in khilaafkii ka taagnaa degmada Taleex lagu dhameeyey guul, lana qareemeyey maleeshiyaad degaanka ah, maamulna loo sameeyey degmada Taleex ee Gobolka Sool, arrintaasoo uu ku dooday inay tahay talo uu soo jeediyey kulankii madxweynuhu golayaasha qaranka isugu yeedhay ee lagaga tashaday arrimaha Sool iyo guud ahaanba xaaladaha Somaliland.
Himilo Media

Fallaagada ONLF Oo Sheegatay Inay Dileen 70-ka Mid ah Ciidamada Ethiopia
Qabri-dahar:June,30,2014(Himilo)-Kooxaha Jabhadda ah ee ka dagaalama Deegaanada somalidu ka degto dalka Ehiopia, ayaa sheegtay inay ciidamada Ethiopia ka dileen askar tiradoodu gaadhayso ilaa 70-Askari.
Sarkaal u hadlay ONLF oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdilaahi Sooc oo sheegtay inuu yahay madaxa Siyaasada Jabhada ONLF ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamo gaadhaya 70-askari ay dileen maanta iyo shalay dagaallo ay la galeen Ciidanka ethiopia.
Wuxuu sheegay dagaalkii ugu cuslaa inuu maanta ka dhacay Qabri dahar nawaaxigeeda, halkaasina lagu dilay askar badan oo Itoobiyaan ah, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo gaadhaya 4.
Majirto ilo ka madaxbanaan Jabhada ONLF oo xaqiijinaysa sheegashada ku aadan in 70 askari oo Itoobiyaan ah ay ku dileen dagaal ka dhacay deeganada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
ONLF ayaa dagaal kula jirta Dowladda Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Magaalo madaxdiisa ay tahay Jig-jiga.

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Geystay Oo Goor Dhaweyd Ka Dhacay Suuq Mashquul ah Oo Muqdisho ku Yaalla
Muqdisho:June,30,2014 (Himilo)-Qarax Xooggan oo dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay ilaa iyo Hadda laba qof ayaa dhimashadooda la sheegay, iyadoo dhaawacana lagu sheegay ilaa 14-qof, iyadoo qaraxuna ka dhacay xafiis lagu ururiyo cashuurta Dawladda Somaliya oo ku yaalla Suuqa Kaaraan.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid miino, iyadoo wararku ay sheegayaan inay miinadu ku jirtay bac la ag-dhigay xafiiska, dabadeedna ay qaraxday, iyadoo ay ku sugnaayeen xafiiska dadka shacab ah iyo ciidamada cashuuraha degmada.
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxaas, balse wuxuu imanayaa xilli dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay ammaanka Muqdisho adkeynayaan si ay uga hortagaan falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay geysanayso inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Qaraxan khasaaraha geystay ayaa kusoo beegmaya maalintii labaad ee Ramadaan iyadoo shalay oo ahayd maalintii koowaadna lagu toogtay Muqdisho saddex askari oo laba ka mid ahi ay ahaayeen ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada.

Guddoomiyihii Deegaanka Dilalka Badani ka Dhaceen Ee Lamu Oo Maanta Dammiin Lagu Sii Daayey
Lamu:June,30,2014(Himilo)-Masuuliyiin sare oo ka tirsan Maxkamadda Dalka Kenya ayaa sheegaya in Guddoomiyihii deegaanka Xeebta ee dhawaan dadka lagu laayey lagu sii daayey qaab dammiin ah.

Qaadiga maxkamada xukunka dhageysanaysay Martin Muya ayaa sheegay inaanay jirin qorshe lagu sii wadi karo in xabsi KMG ah lagu sii hayo gudoomiyaha, iyadoo lagu sii daayay 5 milyan oo Kenya Shillings oo u dhiganta 57, 000 oo doolar.
Qareenka maxkamada Alexander Muteti ayaa sheegay in gudoomiyaha in baadhitaano ku aadan dilalka lagu eedeeyay lagu sameeyay, isla maantana la sii daayey.
Dembiga masuulkan lagu haysto oo ah dilal kala dambeeyey ayaa waxa masuuliyadeeda sheegtay kooxaha Alshabaab, balse Madaxweyne Uhuru ayaa ku eedeeyey siyaasiyiin dalka Kenya u dhashay.
Gudoomiyaha deegaanka Lamu Ciisa Timamy ayaa kamid ah xubnaha dimuqraadiga ee dalka Kenya.
Bisha july 16 ayaa la filayaa inuu markale kasoo muuqdo Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Himilo Media
Soddomeeyo Tahriibayaal ah Oo Ku Geeriyooday Doonni ay Saarnaayeen oo ku jihaysnayd Talyaaniga
Lambadusa:June,30,2014(Himilo)-Dad kor u dhaafay soddon qof kana mid ahaa Tahriibayaal Doonayey inay Doonni Cidhiidhi ah ku galaan Dalka Talyaaniga ayaa ku dhintay Badda u dhexaysa Italy iyo Libiya.
Dadkan Geeriyooday ayaa la sheegayaa inay ku neef-qabatoobeen Khanka hoose ee Doonnida oo culaysku ka batay, waxana Dadka ay sidday tiradooda lagu sheegay 600-Qof.
Marka laga reebay Soddomeeyada dhimatay dadkaas intoodii kale waxa Badbaadiyey ciidamada badda Talyaaniga, kuwaas oo u qaaday dhinaca Jasiirradda Sicily.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada Bada ee Talyaaniga sidan oo kale ugu gurmadeen dad gaadhaya 1.600 tahriibayaal ka yimid qaarada Afrika oo u jihaysnaa dhinaca Xeebaha waddanka Talyaaniga.

Saacadaha Muslimiinta Adduunka Sooman yihiin -W/Q: Cali Cabdi Coomay
Dalka Saacadaha ay sooman yihiin
Ustareliya……………………………….9 Saacadood
Indoonisiya…………………………….. 13 saacadood
Maleesiya………………………………… 13 Saacadood
Hindiya……………………………………… 14 iyo 38 Miridh
Bangaladhesh……………………………… 15 saacadood
Baakistaan…………………………………. 15 saacadood
Sucuudi Arabiya…………………………14 saacadood iyo 53 miridh
Masar………………………………………..15 saacadood iyo 50 miridh
Iiraan…………………………………………16 saacadood iyo 20 miridh
Marooko…………………………………….16 saacadood
Shiinaha………………………………………17 saacadood
Turkiga………………………………………..17 saacadood
Ingiriiska………………………………………18 saacadood iyo 53 miridh
Jarmalka……………………………………….19 saacadood
Kanada…………………………………………17 saacadood iyo 14 miridh
Alaska ( USA)…………………………………19 Saacadood iyo 51 miridh
Iswiidhan……………………………………….20 saacadood iyo 57 miridh
Iceland…………………………………………..21 saacadood iyo 57 miridh
Chicago ( USA)……………………………….16 saacadood iyo 54 miridh
Chile……………………………………………….13 saacadood
Baraasiil………………………………………….12 saacadood
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalism
Hargaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Islaamfinder.org

Ramadaan 5 badso 5 yarayso
Ramadaan waa bil barako badan haddaba si aynu uga faa’iidaysano waa in aynu badsanaa camalada wanaagsan oo dhan oo aynu joojinaa wax kasta oo xun oo soonkeena wax u dhimaya.
Waxyaabaha aynu badsanayno waxaa ka mid ah:-
1. Akhriska Quraanka kariimka ah
Qur’aanku waa kalaamkii Illaahay Swt waxaana Ilaahay uu jecel yahay Ehlul qur’aanka waana dadkiisa gaarka u ah,
Qur’aanka hadii aan ka akhrino xaraf ka mid ah waxa la inooga qorayaa 10 ajar hadii qofku akhriyo alif-laam-miim wuxuu helayaa ajar dhan 30 xasanadood.
Qur’aanku wuxuu u shafeeco qaadaa qofka akhriya maalinta qiyaame, qur’aanku wuxuu dawo u yahay quluubteena iyo nafteena qur’aanku waa ka nooleenaya quluubteena ee nuurinaya, qur’aanka akhriskiisa oo la badiyaa waxay ka dhigan tahay in qofku uu yahay ka dadka ugu khayrka badan, qofba qofka uu ka qur’aan akhris badan yahay ayuu ka ajar badan yahay oo Illaahay xagiisana uga dhow yahay,
Quraanka akhriskiisa waa inaynu ku dedaalnaa inaan fahano macnihiisa waxaana la yidhaahaa qur’aanka wuxuu noqonayaa in si fiican qofku u akhriyo marka uu sadex isla helo
1. Carabkoo saxaya akhriskiisa waa inaan qur’aanka la jejebin
2. Caqligoo Tarjuma marka carabku akhriyo .
3. Iyo qalbigoo fahma ama ku khushuuca.
Saddexdaas marka qofku isla helo xaqiiqo ahaan qur’aanka ajar aad u wayn ayaa Alle uga qorayaa.
Qur’aanka inta aynu ka naqaanaa haba yaraatee waa inaynu akhrinaa oo ku dedaalnaa fahankiisa.
2 Xuska Alle
Waa qodobka labaad ee mudan inaan badsano Illaahay xusitaankiisa qofku hadii uu badsado xusitaanka Alle swt wuxuu ka dhigan yahay qof ka dhuuntay ama ka badbaaday cadawgeena koowaad oo ah Iblays,
Qofka Ilaahay xusaya wuxuu ka dhigan yahay qof nool qofka aan ilaahay xusayni waa qof dhintay sidaas waxaa yidhi Xabiibkeenii scw.
Qofka Illaahay xusaa wuxuu ku jiraa dhufays adag oo uu kaga badbaadayo shar oo dhan,
Qofka Illaahay xusayaa qalbigaa u nuura oo naftaa u xasisha oo werwerka adduunayadaa ka yaraada,
Qofka Illaahay xusaa Alle ayaa jeclaada oo maalinta qiyaame ka dhiga qof derejo leh oo ka horeeya kuwii aan Illaahay xusi jirin,.
Qofka Illaahay xusa isagana Alle ayaa xusa oo malaa’iigtiisa ka dhex sheega oo ka amaana,
Qofka Illaahay xusa dhamaan kuwa Alle aan xusin wuu ka derejo sareeyaa.
Hadii qoom fadhiistaan meel oo Alle ay xusaan waxay abaal u helaan afar arrimood oo waa weyn sida uu sheegay Nebigeenu scw wuxuu yidhi : qoom marka ay meel fadhiistaan ee Illaahay xusaan waxaa lagu abaal mariyaa 4 shay oo kala ah
1. Malaa’iig ayaa ku soo degta
2. Raxmad ayaa daboosha
3. Xasilooni ayaa ku soo degta.
4. Illaahay ayaa ka xusa agtiisa
Dhamaanteen waynu jecelnahay in sidan uu Illaahay inagu abaal mariyo, walaalayaal Alle xuskiisa aan badino ,
Waxaa ka mid ah xuska Alle kelmadahan,
Subxaan alaah , Alxamdulilaah. Laa, Illaaha illa laahu afartaas kelmadood adduuunyada iyo wixii qoraxi u soo baxdoba way ka qiimi badan yihiin sida uu inoo sheegay Xabiibkeenu scw,
3 Istiqfaarta,
Qodobka saddexaad ee muhiimka ah in la xasuusnaado waa in Illaahay aynu denbi dhaaf waydiisano, Xabiibkeenana waxa caado u ahayd mar kasta inuu Illaahay denbi dhaaf weydiisto,
Waxa liibaanay qofka laga helo kitaabka xasanaadka loogu qoro Istiqfaar fara badan.
Luqmaan inankiisa wuxuu ku odhan jiray inankaygiiyow Carrabkaaga uga caado dhig Istiqfaar fara badan.
Nin ayaa u yimi IImaamkii waynaa ee la odhan jiray Xasanulbasri oo waydiiyey : Xassanow waxa I haysa dhibaato faqri ee ii ducee wuxuu ugu jawaabay Illaahay denbi dhaaf waydiiso, mid kale ayaa waydiiyey Xasanow iiga ducee beertii oo iga xumaatay midna wuxuu yidhi Abaar ayaa na haysee noo ducee dhamaantood na wuxuu ku yidhi :Ilaahay denbi dhaaf waydiista.
Nin ag fadhiyey ayaa yidhi: sheekh Xassanow qofkasta oo cabanaya waxaad leedahay denbi dhaaf Illaahay waydiisto waa maxay sababtu? Wuxuu Iimaamka ku jawaabay: miyaanad maqal Qowlkii Nabi Nuux ee uu ku yidhi dadkiisii: Illaahay denbi dhaaf weydiista Waa denbi dhaaf badane, Roob ayuu idiin shubi, wuxuu idin siin doonaa awlaad iyo adduunyo iyo arzaaqadba, Beeraha ayuu idiin hagaajin iyo webiyada )
Haddaba sidaas ayay muhiim u tahay in Istiqfaarta la badsado Nebigeenuna wuxuu Illaahay maalintii Istiqfaar samayn jiray in ka badan 100 maalintii, xataa marka uu meel fadhiisto wuxuu badsan jiray kelmada Istiqfaarta,
Walaalayaal waqti wax walba waa inaan badsanaa Istiqfaarta marka aynu jiifno marka aynu soconayno marka aynu shaqaysanayno , waayo shaqadaas Istiqfaarta carrabkeena culays kuma hayso waa shaqo fudud.
4-Saliga nebiga scw.
Saliga nebigu (scw ) waa arrin aad u muhiima wuxuuna yidhi nebigeenu scw : ma garanaysaan bakhaylka ? bakhaylku waa qofka inta agtiisa la igu soo qaaday igu saliyi waaya.
Qofka mar qudha ku saliya 1 mar Illaahayna wuxuu ku saliyayaa 10 goor.
Maadaama oo ay sidaas tahay miyaanay mudnayn inaynu badino saliga Xabiibkeena scw.
5-Taraawiixda & Hadalka wacan.
Taraawiixdu waa salaad aad u muhiima sida uu sheegay Nebigeenu waa inaan la tukano jamaca hadii aan karno weliba qofka caynkaas sameeya Illaahay ayaa u denbi dhaafaya qofka salaadaas tukada.
Sidoo kale
Hadalka wacan oo qofku caadaysto waxay ka tarjumaysaa wanaagiisa iyo taqwadiisa had iyo goor waxaa mudan inaynu caado ka dhigano, dherigu marka uu karayo waxa ka soo ura wixii lagu dhex ritay sidaas oo kale qofka hadalka wacani wuxuu ka dhigan yahay in tarbiyadiisa iyo akhlaaqdiisu sarayso uuna yahay qof qalbigiisu wacan yahay.
Laakiin marka qofku uu hadlo ee uu ku hadlo hadal xun ummaddoo dhan ayaa wada karhaysa oo nacaysa oo la yaabaysa oo u khajilaysa,
Walaalayaal hadii aynu caado ka dhigano cayda xumaanta xanta isku dirka umada waxaa la inooga qorayaa denbi aad u weyn khaasatan maalmahan aynu ku jirno waa maalmo sumad gaar ah leh.
Waxa yaab ah in dadku yidhaahaan waan soomaynaa oo cuntadaan ka soomaynaa, dadka hilibkoodana ka soomi mayno oo waanu xamanaynaa.
Waxay ka dhigan tahay wixii Illaahay iga xaaraantimeeyeyna waan samaynayaa wixii uu ii xalaaleeyeyna waan iska daynayaa.
Walaalayaal Illaahay aan ka cabsano oo aan iska dayno hadalka xun iyo xanta iyo laqwiga.
Shan aan yaraysano bisha ramadaan
1-Cuntada iyo cabitaanka
Dadku waxay caadaystaan had iyo goor inay maalintii soomaan habeenkiina aad moodo inay ka aargoosanayaan gaajada maalintii, cunto badan iyo cabitaan badana sameeyaan taaso sababta marka qofku dhergo inuu taraawiixdii tukan kari waayo oo uu caajiso.
2-Qaflada iyo mooganaanta.
Qofku marka uu soomo sidii aan hore u sheegnay waa inuu badiyaa dikriga Alle oo iska ilaaliyaa inuu qaflad galo ama xuska Alle iloobo.
3-Hurdada iyo waqti lumiska.
Sidoo kale waxaan yaraynaynaa in aan waqtigeena ku dayacno oo ku lumino ciyaar iyo hurdo si waqtigu inoo dhaafo oo waqtiga eedaanka uun aan u yaacno cuntadii iyo cabitaankii.
4-Fadhi ku dirirka iyo filimaanta.
Bishan Ramadaan waxaa dadka qaar caado ka dhigteen inay daawadaan filimo ay waqtiga ku dhaafaan iyo waqtiyada qaarkood ayay ku dhameeyaan makhaayado ay ka sheekaynayaan taasina waa inaan ka dheeraano oo ka fogaano, waayo daqiiqad kasta oo waqtigeena ka mid ah Illaahay wuu inaga xisaabin doonaa.
5-Fududaysadka taraawiixda.
Ogow qofku hadii uu fudadaysto waajibaadka Alle saaray iyo sunayaasha wuxuu adeecay Iblays taraawiixdu waa salaad ay mudan tahay inaynu ilaalino bishan ramadaan oo tukano.
Qalinkii
Hussein Jama Guudcade.
Diintuwaanasteexo1@gmail.com

Sunday, June 29, 2014
Tiro Dad ah Oo Ku Geeriyooday Dhismiyaal Ku Dumay Dalka Hindia
New Delhi:June,2014(Himilo)-Laba dhisme oo ku Yaallay Magaalada New Delhi ee Caasimadda Dalka Hindia ayaa la sheegayaa inay sababeen geerida 16-Qof oo shacab ahaa.
Mid kamid ah dhismaha oo ku yaalla magaalada caasimadda ee New Delhi oo ka kooban afar dabaq ayaa 10 qof oo shan kamid ah ay caruur yihin ay ku dhinteen.
Saacado kadib ayaa sidoo kale dabaq ka kooban 12-Mandaradood oo dhisme weli ku socda soo dumay, ayna ku dhinteen lix qof.
Daraasiin dad ah ayaa lagu soo waramaaya in la la’ayahay iyadoo loo badinaayo in ay ku xaniban yihin burburka dhismaha, waxaana kooxaha gurmadka ay ku mashquulsan yihin soo badbaadintooda.

Himilo Meida
Muqdisho Oo Maalin Cad Dariiqyada Lagu Laayey Saddex Askari Xilli Waddooyinka Lagu Soo Daadiyey Ciidamo Magacyo Cusub leh
Muqdisho:June,29,2014(Himilo)-Waxa Cabsi weyni soo wajahday Ciidamada ilaalada waddooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii maanta Badhtamah Caasimadda Lagu khaarajiyey Laba Askari.
Taliyaha Ciidanka NabadGalyada somalia Waddooyinka Jen Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa xaqiijiyay in labada askari oo ka tirsanaa Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka maanta lagu dilay Laamiga Maka Al-mukarama gaar ahaan isgoyska Dabka.
Jen Cali Gaab ayaa sheegay in ay baxsadeen kooxihii dilka u geystay labada askari ee ka tirsanaa Ciidanka Taraafikada , wuxuuna ku hanjabay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan ragii dilkaasi ka dambeyn ayna horgeyn doonaan Sharciga.
Dhinaca Kale Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ,waxaana dilka kadib la sheegayin askarigaasi laga qaatay qore nooca ah AK-47-uu watay.
Dilalka Maanta xili dharaar cad ah ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa imanaya xilli la guda galay Maalintii koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan , waxa ayna Dowladu sheegtay in la diyaariyay Ciidamo loogu magac daray “Nabad ku afur” oo loogu tala galay xaqiijinta amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Shacabka Muqdisho ayaa arrintani warwar gelisay, waxana sababta Ciidanka Taraafikadda loo laynayo lagu sheegay inay kooxaha shabaabku diiddan yihiin Baadhitaannada ay ku samaynayaan Gaadiidka waddooyinka maraya oo mararka qaarkood ay ku soo dhex qariyaan gaadiid waxyaabaha qarxaa ku jiraan.

Warbaahinta Ruushka Oo Baahisay in Diyaarad Dalkaas Laga Leeyahay ay Ku Burburtay Somalia
Moscow:June,29,2014(Himilo)-Wargeyska Lagu Magacaabo voice of Russia ee ka soo baxa dalka Ruushka, ayaa waxaa lagu sheegay in Diyaarad dagaal oo laga leeyahay Dalka Russia ku qaraxday Somalia.
Diyaarada ayaa la sheegayaa inay aheyd mid ku howlgali jirtay magaca QM, balse ay aheyd mid xog aruurin iyo basaasnimo ku howl-leh oo muddo joogtay deegaano ka mid ah somalia.
Gubashada Diyaarada ayaa waxa ay timi kadib markii uu dab ka kacay, islamarkaana ku baahay halkaasina ku gubatay.
Dhanka kale, waxaa jira warar kaasi khilaafsan oo sheegaya in Diyaarada oo noceedu ahaa Mi-8 oo ah helicopter laga helay god dhexdiis loona malaynayo in la rasaaseeyay diyaarada lana soo riday sida dowlada Ruushka ay sheegtay.
Lama garanayo Goobta ramsiga ah ee diyaaradaasi ku gubatay iyo meesha lagu soo riday midna, waxana loo malaynayaa in Goobaha Kooxaha shabaabku ka taliyaan ay tahay Meeshu, maadaama goobaha kale ay adagtahay in diyaarad gubatay ku qarsoonto.

Wasaaradda Boosaha Somaliland Oo Beenisay War Kasoo Yeedhay Dhiggeeda Somalia
Hargeysa:June,29,2014(Himilo)Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa beeniyey warar ka soo yeedhay Masuul ka tirsan Wasaaradda Boosha ee Somalia oo lagu sheegayey in shaqaale ka tirsan wasaaradda Boosaha somalia ay Hargeysa ku sugan yihiin.
Hadalkaas ooh ore uga soo yeedhay agaasimaha wasaaradda Boosaha Somalia ayaa wax uu wasiir Abgaal ku sheegay mid aan sal iyo raanna lahayn oo aanay waxba ka jirin,
“waxan iftiiminayaa inaanu Hargeysa ka jirin cid Somalia uga wakiil ah Boos Somalia leedahay,” ayuu yidhi wasiir Abgaal.
Wasiirka oo saxaafadda kula Hadlayey Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa xusay inay Xukuumadda Somaliland iyo wasiirradeedu ku shaqeeyaan Rabitaanka shacabkooda, waxana uu masuuliyiinta Somalia u soo jeediyey in Hadallada waxba kama jiraanka ah ee ay Bulshada ku jaah wareerinayaan ugu beddelaan wax qabad, waxana uu yidhi,
“annagu(somaliland) waxanu ku shaqaynaa oo ixtiraamaynaa Rabitaanka shacabka reer Somaliland, Mar haddii aanay magaalada muqdisho ka jirin xukuumad la sooo doortay oo shacabkii lahaa ilaashanayaan, waxan jeclaan lahaa inay si xilkasnimo ah oo masuuliyadi ku jirto inay umadooda u hagaan, inta ay maalinba arrin aan jirin umad kale ku eedaynayaan oo ay sheegayaan war aan Albaabka dhaafaynin.”
Mar uu wasiirka ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey ballan uu hore ugu qaaday inuu Somaliland u samaynayo Fure gaar u ah, kaas oo ka madax bannaan midka Somalia leedahay ee ay haatan isticmaasho, ayuu sheegay inaanay Somalia oggolayn in la kala gurto wixii labada dal iskaga jirey, waxana uu yidhi,
“somalia ma oggola in wixii isaga keen jirey in la kala saaro inana ma oggolin wax dambe oo iskaga keen sii jira,”
Hadalkan wasiirka ayaa daba socday hadal uu hore agaasimaha Guud ee wasaarada Boostada somalia ku sheegay inay Hargeysa u fadhiyaan wakiillo wasaaraddiisa metela oo halkan ka wada Shaqooyin uu isagu u igmaday.

Maraykanka iyo AMISOM oo ka digay Weerarro Argagixiso oo ka dhaca Muqdisho, Hanjabaadda Al-Shabaab iyo Jawaabta Madaxweynaha Somaliya
“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed aan u sheego in dowladdu ay diyaarisay qorshe ku aaddan sugidda amniga oo la dhaho ‘NABAD KU AFUR’,” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Muqdisho, 29, June, 2014-(Himilo)- Dawladda Maraykanka iyo Ururka Midawga Afrika (AMISOM), ayaa digniino ka soo saaray weerarro halis badan dhalin kara oo inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay Kooxda Al-Shabaab doonayso inay ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya iyo deegaannada kale ee dalkaas qaarkood-ba, waxaanay digniintaasi ku soo beegan tahay wakhti hanjabaado kululi ka soo yeedhayaan Al-Shabaab.
Qoraallo ay soo kala saareen Wakiillada AMISOM iyo Mareykanka ee Soomaaliya, waxay ku sheegeen inay dawladda iyo Shacabka Soomaaliya uga digayaan weerarro argaggixiso oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan; iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta lagu jiro Ramadaan-ta.

Mareykanka iyo AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay inay hambalyo u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta, tasaoo ku aaddan bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan oo lagu maanta maalintii koowaad laga Soomman yahay dunida Islaamka.
Hase-yeeshee, Afhayeenka Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere) oo la hadlay Warbaahinta Afka Malleeshiyadaas ku hadasha, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan dawladda Soomaaliya iyo Xulufadeeda Midawga Afrika, waxaanu ku hanjabay inay ka go’an tahay inay dagaal la galaan cid kasta oo isku dayda samayn Maamul-goboleed gobolkasta oo uu Soomaaliya ka yahay, isagoo dhismaha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka socda ku eedeeyey reer Galbeedka iyo Gaalada.
“Maanta dalkii oo dhan waa la goo-gooyay tuulo-tuulo ayaa loo kala jaray, Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa la leeyahay loogama taliyo Xamar ciddii diiddana waxaan ula dagaallamaynaa sida Al-shabaab oo kale, taas waxaan yeeli karno ma aha, waan la dagaallamaynaa dhammaan waxa loogu yeedho Maamullada gobollada ka jira.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.
Balse, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay dawladda Soomaaliya ay bisha Ramadaan diyaarisay qorshe loogu magac-daray “Nabad Ku Afur,” kaasoo loogu tala-galay in lagaga hor-tago falalka amni-darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho Bisha Ramadaan, waxaanu fadliga Bisha Ramadaan ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka oo uu u rejeeyey inay Soontan Soonteeda ku gaadhaan nabad, barwaaqo iyo wada-jir.
“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed aan u sheego in dowladdu ay diyaarisay qorshe ku aaddan sugidda amniga oo la dhaho ‘NABAD KU AFUR’, si kooxaha nabad-diidka ah looga hor-tago in Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay ka carqaladeeyaan Cibaadada Alle, waxaanan shacabka ka codsaneynaa inay Ciidammada kala shaqeeyaan hirgelinta arrimahaas.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan isugu naxariistaan, isla markaana siday u kala jilicsan yihiin isu gacan-qabtaan oo isu caawiyaan.
Al-Shabaab ayaa sida dhaqanka iyo caadada u ahaa lixdii sannadood ee u dambeeyey oo ay ka dagaallamaysay dalka Soomaaliya inay Bisha Barakaysan ee Ramadaan laban-laabaan dagaallada iyo weerarrada Argagixisannimo ee ay ka fuliso goobaha dawladda, goobaha Ciidammada AMISOM iyo meelaha ay Shacabku ku kulmaan ee dalka Soomalaiya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Booliiska Waddanka Kenya oo Toogasho ku dilay Dad ka badan 1,000 Qof
Nairobi, 29, June, 2014-(Himilo)- Booliiska Waddanka Kenya, ayaa toogasho ku dilay Kun (1,000) oo ku noolaa dalkaas muddo shan sannadood gudohood ku siman, sida lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Urur Madax-bannaan oo ka shaqeeya Caafimaadka kana howlgala Kenya.
Ururkan oo magaciisa loo soo gaabiyo IMLU ayaa Ciidamada Booliska Kenya ku eedeeysay dhimashada inta badan dad tiradoodu gaadhayso 1,873 qof oo ku dhintay shilal la xidhiidha hub intii u dhexeeysay 2009 iyo 2013, sida uu qoray Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.
“In ka badan 60% ayaa laga gudbaa iyagoo aan bixin sababihii keenay inay qofka toogtaan ama xaaladdii kalliftay inuu Askarigu hubka lasoo baxo. Waa hal-ku-dhig inaan maqalno tuhmanaha ayaa rasaas nagu soo furay oo Wiilasheenna ayaa xabbad ugu jawaabay ama qofka la tuhmayo ayaa qori ula soo baxay askarteenna. ” Sidaa waxa Eric Thuo oo ah Masuul ka tirsan IMLU kana mid ah Saraakiishii Daraasadda sameeyay.
Warbixinta ayaa muujisay in dhallinyarada da'doodu u dhexeeyso 20-ka illaa 29-sano jirka ay u badan yihiin dhibbanayaasha ku dhinta Xabbadaha. In ka badan 86% oo dhimashada guud ah ayaa ka timid is-rasaaseyn ka dhacday Nairobi, sida lagu sheegay War-bixintaas.
Hase-yeeshee, Booliska Kenya, ayaa dhinacooda shaaciyay inaanay dib dambe uga tiirsanaan doonin adeegga Sirdoonka Qaranka (NIS) si ay warbixin uga helaan Jariimooyinka, laakiin ay taas ku beddelayaan ballaadhinta laanta Sirdoonka dembiyada (CIU) si ay xogta Sirdoonka u ururiyaan.
Tani waxay timid markii weerarro waaweyn ay dhawaan ka dhaceen Kenya lagu eedeeyey Saraakiil Booliiska ka tirsan inay ku fashilmeen ka hor-tagga weerarradaas iyo inay fulin waayeen digniinihii Sirdoonka bixiyeen ee ay kaga digeen ka hor intii aanay weerarradaasi dhicin inay dhici karaan.

Xoghayaha QM oo ku biiray Shakhsiyaad Caan ah oo Kafaalo-qaaday Koritaanka Xayawaan ku nool Kenya
Nairobi, 29 June, 2014 (Himilo)- Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki Moon, ayaa damaanad-qaaday korinta Cago-baruur (Libaax dhasha ah) oo lix bilood jir ah, oo uu ugu magac daray Tumaini kaas oo uu ka qaatay beerta Xayawaanka lagu xannaaneeyo ee Nayroobi.
Mr. Ban ayaa sababta uu u kafaalo qaado korinta Caga-baruurka ku tilmaamay tallaabo uu ku dhiirrigelinayo sidii bani’aadamku u baran lahaa inay si nabad ah u wada noolaan karaan.
“Waxaan u korsanayaa caga-baruurkan, sidaan u gaadhi lahayn in dhamaan bani’aadamka iyo dugaagu ugu noolaan lahaaayeen nabadgelyo, isla markaana u baran lahayn inaan nabad kula noolaano dabeecadeena,” ayuu yidhi Ban Ki Moon.
Xoghayaha Qaramadda Midoobay ayaa lacag gaadhaysa 703,170 oo shillinka Kenya ku bixiyey korintiisa muddo saddex sannadood ah oo uu ku wareejiyey maamulka xarunta xayawaanka Nayroobi.
“Waxaan ku kalsoonahay in Libaaxani si caafimaad leh u kori doono, isla markaana awoodi doonto wakhtiga dhow inay dhasho caruur, si xaruntani u siiso fursadaa,” ayuu raaciyey.
Mr. Moon ayaa warbaahinta u sheegay in caga-baruurkani yahay xayawaankii saddexaad ee uu kafaalo qaado koriinkiisa intii uu hayay xilka Xog-hayaha Qaramadda Midoobay oo uu qabtay sannadkii 2007.
“Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir waxa uu hadyad igu siiyey DIBI si kaftan ah loogu magacaabay Ban ki Moon. Ka dib, mar aan booqasho ku tegay waddanka Mongolia, waxa laygu siiyey Faras qurux badan, immika waxaan haystaa saddex xayawaan, dibi, faras iyo libaax,” ayuu sheegay isagoo qoslaya.
Ban ayaa ku biiray orodyahanka Hussein Bolt iyo raysal wasaarahii hore Kenya Raila Odinga oo ka mid ah magacyada dadka caanka ee hore u kafaalo qaaday cagabaruuro xaruntan ku jiray.

Ujeeddada Shir lagu martiqaaday oo Guddoomiyaha UCID kaga Qayb-galayo Waddanka Mexico
Mexico City, 29 June, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe, ayaa socdaal la xidhiidha hawlaha xisbiga ugu ambo-baxay caasimadda dalka Mexico ee Koonfurta Maraykanka, halkaas oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Axsaabta Hantiwadaagga ah adduunka oo sannadkiiba hal mar lagu qabto waddamada ay ka jiraan xisbiyada hanti-wadaagga oo ku midaysan dallad magaceeda la yidhaahdo (Socialist International).
Guddoomiyaha UCID oo xisbigiisu xubin ka yahay Golaha Xisbiga aaminsan mabada’ Hanti-wadaagga, ayaa isaga oo metelaya Somaliland waxa uu Shirweynaha kaga qayb galayaa magaalada Mexico City ee Caasimadda dalkaasi oo uu shirkani ka furmi ka socon doono inta u dhaxaysa 30-June ilaa 1-da July, waxaana si rasmi ah u furi doona madaxweynaha dalka Mexico Mr. Enrique Peña Nieto.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo galabnimadii Khamiistii ee toddobaadkii hore ka dhoofay dalka isaga oo ku sii jeedda dalkaas Mexico ayaa waxa uu ku sii hakaday dalka Ethiopia.
Sida lagu shaaciyey Marti-qaadka guddoomiyaha UCID kaga qayb-galayo shirkaas oo uu ku saxeexan yahay Xog-hayaha guud ee Dalladan, Mr. Luis Ayala, waxa shirka ajendihiisu koobsanayaa arrimo kala duwan oo khuseeya xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, Ammaan iyo degennaansho ee dunida, gaar ahaan waddamada ay ka jiraan xisbiyada Hanti-wadaagga ee dunida.
“Ajandaha Goluhu waxa muhiimadda lagu saari doonaa dimuqraadiyadda iyada oo la tixgelinayo dhaqaalaha dunida, caqabadaha ku gedaaman nabadda iyo ammaanka caalamka, xoogjinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha khuseeya Muhaajiriinta,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka marti-qaadka ah ee xoghayaha Golaha Xisbiyada Hanti-wadaagga ah Mr Luis Ayala.

Somaliland oo Mawqif Adag Iska taagtay Maamulka Hawadeeda oo Soomaaliya Dooneyso Inay kala wareegto Qaramada Midoobay
Hargeysa, 29 June, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa meel adag iska taagtay dedaallo dawladda Soomaaliya ku doonayso in ay Qaramada Midoobay kala wareegto Maamulka Hawada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, waxayna sheegtay in aanay dhici karin in Hawada Somaliland laga maamulo magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti ay ka mid ahaayeen wasiirrada Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Caafimaadka oo toddobaadkii hore socdaal ugu kicitimay Magaalada Nairobi, ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada sare u gudbiyey mowqifka Somaliland ee la xidhiidha Maamulka Hawadeeda, taasi oo deba socotay hadal uu dhawaan Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya ku sheegay in hay’adda ICAO ku wareejinayso Maamulka hawada.
Wasiirka Duulista Somaliland oo shalay dalka dib ugu soo laabtay iyo xubnaha kale ee Weftiga oo iyaguna isla shalay soo laabtay, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxay kaga hadleen natiijada safarkooda iyo mowqifka ay u gudbiyeen hay’adda ICAO.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa hore loogu heshiiyey in Guddi ka Madax-banaan dawladaha (Somaliland iyo Soomaaliya) ay maamulaan hawada, xarunta laga maamulayaana noqoto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida muuqata walaalahayo Soomaaliya heshiiskaasi way baal-mareen, markii ugu dambaysay ee aanu kulannayna muran-bay ka keeneen hadalkii qoraa ee lagu heshiiyey, imikana annaga oo ku heshiinay in bisha koowaad ee sanadka 2015-ka maamulka hawada gacmaha Soomaalida dib loogu soo celiyo, mudada ka horeysana la isla eego qaabka wax loo maamulayo, khilaafaadka soo dhex galeyna la saxo, qodobka ay tafsiirkiisa qaldeena ay soo saxaan, ayaanu ku kala nimid markii u dambaysay.”
Wasiir Maxamuud Xaashi, waxa kale oo uu sheegay, “Qaramada Midoobay waxay soo dirtay wefti culus oo qiimaynaya Madaarada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo hawshaasi socota ayay Masuuliyiin ka mid ah Soomaaliya tageena xarunta qaramada Midoobay ee laga maamulo hawada ee Mountreal, waxay la tageen dacwad ah Maamulka hawada ha lanagu wareejiyo, anaga ayaa dawladdii ah’e. Arrintaasina waxay baalmarsan ku tahay heshiiskii hawada laga waday, ayna adag tahay si arrintaasi isfaham buuxa looga sameeyaa. Arrintaasi markii aanu xogteeda hellay, weftigayagan culus ee Wasiirka arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka oo naga dambeeyay (Wasiirka Gaashaandhigga) iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, shaqooyinkii aanu Nairobi u tagnay ayay ka mid ahayd inaanu beesha caalamka u gudbino mowqifka Somaliland arrintan ka taagan tahay, inaanu beesha caalamka iyo qaramada Midoobay uga digno khataraha ka iman kara muran ka dhasha hawada ama khilaaf hor leh oo hawada ka dhasha, Soomaali khilaafkii dhulka ayay qaadi la’dahay, mid cirka ah oo ku soo kordhaana halisihiisa ayuu leeyahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba waxa ka go’an inay hawadooda gaar u maamushaan, qaramada Midoobayna waanu u sheegnay in Somaliland tahay dal maamul leh, xuduudo sugan leh, cir sugan leh, waxaanu u gudbinay FIR gaar ah (Flight Information Region). Dalal waxa jira aan Marxadaladdeena oo kale ku jira oo leh FIR (Macluumaadka u gaarka duulimaadka Hawada ee dal leeyahay), waxaana ka mid ah Taiwan iyo Falastin, waa dalal sideenna oo kale aan aqoonsi helin, arrimahaasi oo daliil cad ah ayaanu u gudbinay. Waxaanu u sheegnay in xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland oo isku duubani aanay marnaba ogolaanayn in hawadooda laga maamulo Muqdisho, waayo dawladda Soomaaliya ka xukunto halkan, mana maamuli karto hawadeena. Mudada ka horeysa inta la inoo qaybinayo waxaanu ogollahay in Maamulka Hawada ay gacanta ku sii hayso qaramada Midoobay, taana si wanaagsan oo togan-baanu ugu gudbinay, duniduna way noogu wada garaabeysay inaanu gar leenahay, wax na yidhaahda waad gardaran tihiin maanu arag.”
Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, waxa uu ka digay mushkilado uu hawada labada dal u horseedo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. “Hawadu waxay u baahan tahay bad qab, waayo diyaarado badan-baa hawadn mara, 150 diyaaradood-baa mara hawada Somaliland iyo Soomaaliya 24-kii saacadoodba, haddii si wanaagsan loo maamulana waxa mari kara in intaa ka badan, qaar badan-baa ka baydhay , haddii khalkhal iyo murug soo gelana cidna ku lulan mayso, Somaliland-na maaha dad go’aan loo gaadha,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey, “Qadiyaddani noqon mayso mid aanu Soomaali oo kaliya kala hadlayno, cidda ugu horeysa ee aanu kala hadlaynaa waa Qaramada Midoobay, waayo cidda wax noo haysaa waa iyaga, waxaa ay hayaan ayaynu wax ku leenahay. Ta kale Somaliland waxa ka go’an inay tallaabooyin adag qaaddo haddii maamulka hawada lagu wareejiyo Soomaaliya. Imikana hawo Soomaaliya lagu wareejiyey ma jirto, laakiin waxa jira han ay ku doonayaan inay la wareegaan, mowqifka Soomaaliya wuu cad yahay, mowqifka Somaliland-na wuu cad yahay, go’aankana qaramada Midoobay-baa leh, mid aynu innagu gacanta ku hayno maaha, iyaguna mid ay gacanta ku hayaan maaha, martina ugama nihin Soomaaliya, innagu cidda aynu martida uga nahay waa cidda wax inoo haysa. Bulshada caalamkana waxaanu ugu sharaxnahay si garasho leh, bulshada Somaliland waa bulsho nabad jecel, waa bulsho taqaana sida loo heshiiyo, waa bulsho taqaana heshiisyada sida loo dhowro, intaasi oo kaliya maaha ee colaaddana waanu naqaanaa.”
Wasiiika Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay, “Arrinka hawada waxa gacanta ku haysa Qaramada Midoobay, Turkiga waanu kaga wada hadalley (Soomaaliya), mowqifka ay Somaliland qabtana waanu u caddeynay, taasina sida wasiirku u sheegay marka go’aan dhaco ayaa taladeeda la goosan doonaa. Sida Qaramada Midoobay u shaqeyso markaan eegana, waxaan qabaa in aanay ku deg-degayn in cid la siiyo hawl laba qolo u dhaxeysa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Madaxweynaha oo u duceeyey Bukaan-jiifka aan awoodin iyo intoodii aan wakhtigu ku Simin gudashada Bisha Ramadaan
Gud. Kulmiye oo Shacabka ku hambalyeeyey Curashada Ramadaan
Hargeysa, 29 June, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Caafimad-qab uga baryey Ebbe Bukaan-jiifka aan caafimaadkoodu u saamaxayn inay gutaan waajibaadka Soonka, kuwoodii aan nasiibka u yeelan inay kheyrka bishan soo gaadhaan ee geeriyoodayna waxa uu Eebbe uga baryey naxariistiisa Janno inuu ugu deeqo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Shucuubta Muslimiinta gaar ahaan shacabka Somaliland ku hambalyeeyey Curashada Bisha barayskan ee Ramadaan oo Maanta bilow ah, waxaau u rejeeyey caafimaad-qab iyo cimri-dherer inay ku gaadhaan sannadkan dambe.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha oo lagu shaaciyey dhambaalka hambalyada madaxweynaha, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay maanta oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 29/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435.
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Diraya Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.
Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xannuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu Janatu Fardawsa ka waraabiyo,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka hoggaamiya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Muslimiinta ah ku hambalyeeyey curashada bisha Barakaysan ee Ramadan.
Dhambal xambaarsan hambalyada Guddoomiyuhu munaasibadda kheyrka badan awgeed uu shacabka ugu diray, ayaa u qornaa sidan: “Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.
Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Hargeysa, 29 June, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Caafimad-qab uga baryey Ebbe Bukaan-jiifka aan caafimaadkoodu u saamaxayn inay gutaan waajibaadka Soonka, kuwoodii aan nasiibka u yeelan inay kheyrka bishan soo gaadhaan ee geeriyoodayna waxa uu Eebbe uga baryey naxariistiisa Janno inuu ugu deeqo.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha oo lagu shaaciyey dhambaalka hambalyada madaxweynaha, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay maanta oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 29/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435.
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Diraya Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.
Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xannuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu Janatu Fardawsa ka waraabiyo,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Dhambal xambaarsan hambalyada Guddoomiyuhu munaasibadda kheyrka badan awgeed uu shacabka ugu diray, ayaa u qornaa sidan: “Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.
Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Shirkad Sharci-darro ku tilmaantay Warbixin Qaramadda Midoobay ku diidday abuuritaanka Ciidamada ilaalinta Sahaminta Shidaalka ee Somaliland
Stockholm, 29 June, 2014 (Himilo)- Shirkad Sahamin Shidaal ka wadda deegaannada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadashay halis Qaramada Midoobay kaga digeen Ciidammada ilaalinta Sahaminta Shidaalka kala shaqeeya Maamulkaas iyo Abuuritaanka Ciidanka ilaalinta Sahaminta Shidaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay Shirkaddu Warbixintaas ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo aan sax ahayn.
Guddiga ilaalinta Cuna-qabataynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eretria oo 27 bishii hore Warbixin digniin ah ka soo saaray abuuritaanka Ciidammo loogu talo-galay ilaalinta Sahaminta Shidaalka Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ayey Shirkadda Africa Oil sheegtay inay khaldan tahay warbixintaasi, isla markaana jebinayn cuna-qabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya Ciidanka kala shaqeeya Sahaminta Shidaalka ay wadaan.
Warbixinta Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Block Nugaal 1 oo Shirkadda laga leeyahay dalka Norway ee DNO Somaliland heshiis Sahamin kula gashay. Dhinaca kale Shirkad lagu magacaabo Africa Oil heshiis Sahamin kula galeen Maamul-goboleedka Puntland xaalkiisu adag yahay, Wakiillada Qaramada Midoobay ku adag tahay inay booqasho ku tagaan.
Shirkadda Africa Oil oo Wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa magaalada Stockholm ee dalka Sweden, isku deyey inuu Wareysi kala yeesho shalay, ayaa ka gaabsaday, balse Guddoomiyaha Shirkaddaa Keith Hill ayaa jawaab qoraal ah u soo diray Wargeyska.
Mr. Hill Guddoomiyaha Africa Oil, ayaa jawaabtiisa ku yidhi: "Qaramada Midoobay War-bixinteedu waa khalad, waxaan u caddeynaynaa Qaramada Midoobay sidaan uga soo horjeedno si muuqata. Marnaba maannu samayn tallaabo aannu ku jebinay shuruucda cuna-qabataynta Qaramada Midoobay. Isticmaalkayaga Ciidammada Puntlandregeringens wuxuu waafaqsan yahay hawlaha Urrurada caalamiga ah, sidoo kalena Xukuumadaha ayaa ku tiirsan sugitaanka ammaanka rasmiga ah.”
Bishii August ee sannadkii 2011, Shirkada Sahaminta Shidaalka Maamul-goboleedka Puntland, ayaa u soo kiraystay Shirkad ammaanka ilaalisa oo Koonfur Afrika laga leeyahay Pathfinder arrimaha ammaanka iyo saadaalinta halista.
Shaqaalaha Pathfinder oo kaashanaya Saraakiisha ammaanka Puntland oo Masuul ka ah arrimaha nabadgelyada ayey shaqadaasi sharci-darro tahay, isla markaana jebinaysaa shuruucdii cuna-qabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, ayaa lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Prof Cali Khaliif iyo Kooxdiisa oo lagu khasbay inay Firxad ka baxaan magaalada Saax-dheer Si Habqan ahna ku galay Buuhoodle
Buuhoodle, 29 June, 2014 (Himilo)- Hoggaamiyeyaasha Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, ayaa firxad ku soo galay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas, ka dib markii ay ka soo baxsadeen degamada Saaxdheer ee gobolka Sool oo ay muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaayeen.
Ninka ku magacaaban Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) oo hoggaaminaya malleeshiyo-beeleedyo iyo siyaasiyiin kale, ayaa dorraad subaxnimada ka soo baxay magaalada Saax-dheer oo ku taala Xuduudka Somaliland la wadaato Itoobiya, gaar ahaan Hawdka gobolka Sool, ka dib markii ay deegaankaas gaadheen cutubyo ka mid ah Ciidamada Qaranka Somaliland oo fadhiisimo ka samaystay, taasina ay sababtay in ay u baxsadaan magaalada Buuhoodle.
Hoggaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo oo ay weheliyaan siyaasiyiin uu ka mid yahay Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Cali Khaliif Galeydh, ayaa markii hore ka firxaday magaalada qadiimiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, ka dib markii ciidamada Qaranka Somaliland la wareegeen gacan ku-haynta magaaladaas oo uu ka socday shir aanay dadka deegaanku isku-mawqif ka hayn ujeeddadiisa isla markaana xukuumadda Somaliland uga baqatay isku-dhac iyo nabadgelyo-darro shirkaasi ku keeno shacabka ku dhaqan deegaanka.
Indho-sheel waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland fadhiismo ka samaysteen deegaanka Kala-baydh oo u dhexeeya Laascaanood iyo Saax-Dheer, balse ma sheegin sababta ay deegaankaas uga yimaaddeen inay la xidhiidho culays iyo baqdin ay ka dareemeen milatariga Somaliland.
“Way Jirtaa in Maamulku (Somaliland) iyo Ciidankiisiiba inay joogaan Saax-dheer. Magaalada Kala-baydh waxa jooga cusubyo ka tirsan ciidamadooda (Somaliland), wixii aanu ka yeeli lahaynna halkan ka sheegi mayno,” Sidaa waxa idhi Maxamed Indho-Sheel u warramayey wariye ka tirsan Telefishanka Somali Channel isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle.
Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaamada hoos yimaadda gobolka Buuhoodle, ayaa sheegay wefti uu hoggaaminayo Prof Cali Khaliif Galeydh oo ka soo kicitimay magaalada Saax-dheer inay soo gaadheen deegaanka Marqaan oo ka tirsan Buuhoodle oo u dhexeeya labada magaalo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey isaga iyo xubnaha kale ee ku weheliya socdaalkiisa, halkaas oo loogu sameeyey marti-qaad dadka deegaanku ku qaabileen, waxaana la filayaa inuu magaalada Buuhoodle kaga daba-tago Saaxiibkii Indho-sheel oo ay ka soo wada-firxadeen magaalada Taleex ee gobolka Sool ka hor intii aanay gaadhin magaalada Saaxdheer.
Ciidamada Qaranka oo laba todobaad ka hor gacanta ku dhigay degmada Taleex, ayaa la sheegay inay maalinimadii Khamiista ee todobaadkii hore ka soo baxeen magaaladas, ka dib markii kulan dhexmaray Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyo Madax-dhaqameedka Deegaanku si wada-jir ah u qarameeyeen 150 malleeshiyo-beeleed deegaanka ah oo ka mid noqday Milatariga Somaliland, kuwaas oo ciidamada Qaranka ee hore ugu sugnaa kala wareegay gacan-ku-haynta amniga iyo kala-dambaynta magaaladaas.
Ciidamada Qaranku waxa ay dib ugu soo ruqaansadeen fadhiisimo ay ku leeyihiin magaalada Xuddun oo 106 KM dhinaca Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Taleex oo ay ka wada-tirsan yihiin gobolka Sool.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Ninka ku magacaaban Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) oo hoggaaminaya malleeshiyo-beeleedyo iyo siyaasiyiin kale, ayaa dorraad subaxnimada ka soo baxay magaalada Saax-dheer oo ku taala Xuduudka Somaliland la wadaato Itoobiya, gaar ahaan Hawdka gobolka Sool, ka dib markii ay deegaankaas gaadheen cutubyo ka mid ah Ciidamada Qaranka Somaliland oo fadhiisimo ka samaystay, taasina ay sababtay in ay u baxsadaan magaalada Buuhoodle.

Indho-sheel waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland fadhiismo ka samaysteen deegaanka Kala-baydh oo u dhexeeya Laascaanood iyo Saax-Dheer, balse ma sheegin sababta ay deegaankaas uga yimaaddeen inay la xidhiidho culays iyo baqdin ay ka dareemeen milatariga Somaliland.
“Way Jirtaa in Maamulku (Somaliland) iyo Ciidankiisiiba inay joogaan Saax-dheer. Magaalada Kala-baydh waxa jooga cusubyo ka tirsan ciidamadooda (Somaliland), wixii aanu ka yeeli lahaynna halkan ka sheegi mayno,” Sidaa waxa idhi Maxamed Indho-Sheel u warramayey wariye ka tirsan Telefishanka Somali Channel isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle.
Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaamada hoos yimaadda gobolka Buuhoodle, ayaa sheegay wefti uu hoggaaminayo Prof Cali Khaliif Galeydh oo ka soo kicitimay magaalada Saax-dheer inay soo gaadheen deegaanka Marqaan oo ka tirsan Buuhoodle oo u dhexeeya labada magaalo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey isaga iyo xubnaha kale ee ku weheliya socdaalkiisa, halkaas oo loogu sameeyey marti-qaad dadka deegaanku ku qaabileen, waxaana la filayaa inuu magaalada Buuhoodle kaga daba-tago Saaxiibkii Indho-sheel oo ay ka soo wada-firxadeen magaalada Taleex ee gobolka Sool ka hor intii aanay gaadhin magaalada Saaxdheer.
Ciidamada Qaranka oo laba todobaad ka hor gacanta ku dhigay degmada Taleex, ayaa la sheegay inay maalinimadii Khamiista ee todobaadkii hore ka soo baxeen magaaladas, ka dib markii kulan dhexmaray Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyo Madax-dhaqameedka Deegaanku si wada-jir ah u qarameeyeen 150 malleeshiyo-beeleed deegaanka ah oo ka mid noqday Milatariga Somaliland, kuwaas oo ciidamada Qaranka ee hore ugu sugnaa kala wareegay gacan-ku-haynta amniga iyo kala-dambaynta magaaladaas.
Ciidamada Qaranku waxa ay dib ugu soo ruqaansadeen fadhiisimo ay ku leeyihiin magaalada Xuddun oo 106 KM dhinaca Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Taleex oo ay ka wada-tirsan yihiin gobolka Sool.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Markaynu Diinta Siyaasadaynay! -W/Q: Burhaan Cali
Maanta waxa ka dhacaya dunida Muslimka waa wax dhakafaar ku ridaya inta miyirka qabta, waaba hadday jiraane. Waxa ka socda gees illaa ka gees waxa lagu tilmaami karaa uun ‘cadaabtii oo ifka la keenay’. Laakiin wax walba sabab ayay leeyihiin. Marka xaaladdu calawdana dadku waxay la soo baxaan dhaqan waalli ah iyo is eedayn joogta ah. Aragtidaydu kama duwana boqolaalka aragtiyood ee la is dhaafsado ee dhammaantood ku dhammaada far-fiiq iyo is eedaynta joogtada ah, waayo ma miyir qabno balse waxaan diiradda saarayaa marka aynu diinta islaamka ku walaaqno dano shaqsi, reer ama xarako gaar ah natiijada ka dhalata.
Labada shay waa Diinta iyo Siyaasadda oo aynu kala fahamno waxay innaga xallinaysaa ugu yaraan inaan u helno dhabbe lagu xalliyo mushkiladaha is biirsaday. Siyaasaddu, sida la isla wada ogol yahay, waa maaraynta arrimaha dunawiga ah oo badidood aynaan aakhiro u baahnayn halka diintu aad uga gun iyo baaxadba weyntahay siyaasadda. Diintu waxay aas aas u tahay waxyaabo badan oo siyaasaddu xitaa ka hadli karin. Siyaasaddu waa wax la xidhiidha aragti aadane oo is badbaddalaysa, waxaana dhacda in mararka qaarkood ay waafaqdo diinta mararka qaarkoodna ay ka hortimaaddo. Tusaale: cilmiga iyo teknoolajiyada tayada sare leh ee maanta dunida taal, laguma helo bilaash iyo baryo toona. Waddanka ku siinayana dano badan buu kaa leeyahay oo qaarkood dhaawacayaan damiirka iyo diinta, si danahaa loo gaadho, siyaasigu wuxuu qaataa go'aamo liddi ku ah diinta. Siyaasaddu waxay ilaashataa ama daba socotaa maslaxad gaar ah, waxayna kulmisaa saaxiibo siyaasadeedna ka dhigtaa kuwa kala diin iyo deegaan ah, waxayna iska hor keentaa kuwa isku diin ah, mararka qaarkoodna diin, dhaqan iyo afba wadaaga. Mushkiladda wayni waxa ay ka taagan tahay sidii la isu fahamsiin lahaa diinta iyo maslaxadaha siyaasaddu gadh-wadeen ka tahay ee ka hor imanaya diinta.
Siyaasaddu waa in ay diinta u adeegtaa ee ma ahan in diintu noqoto aalad siyaasadda u adeegta! Maanta dunida waxa ka dhacaya waa diintii oo laga dhigay aalad lagu adeegto si loogu gaadho dano siyaasadeed oo u gaar ah shaqsi, qoys ama koox dadka ka summad duwan. Bal dhacdooyinkan ila dhuux.
Maalin dhaweyd Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamud ayaa ka qayb galay caleema saarkii Madaxweynaha Masar Jeneraal Cabdelfataax Sisi. Waxaa af labadii yeedhay ikhwaanul muslimiinka Soomaaliya (Al Islaax). Sida cad ikhwaanku waxaa dhankooda isku mid ka ah diinta Islaamka iyo xarakadooda oo qofkii xarakadooda ku xadgudbay wuxuu ka dhigan yahay qof diinta dembi weyn ka galay! Waxay meesha ka saareen in Xasan Sh Maxamud uu madaxweyne u yahay malaayiin Soomaali ah, muslimiin ah aanse ikhwaan ahayn. Ikhwaanka in dhib weyn loo gaystey shaki kuma jiro laakiin dhibta loo geystay waa dhib siyaasadeed ee mid caqiido ma aha. Fagaaraha ay tageenna faataxo lagama akhrinayn. Muslimiinta oo siyaasad isku dishana wax ay iyagu bilaabeen ma aha se qarnigii koobaad ee islaamka ismaandhaaf siyaasadeed oo qaybiyey midnimadii ummadda ayaa dhacay welina socda.
Laga soo bilaabo dagaalkii qaboobaa hoggaamada siyaasadeed ee carabta iyo muslimiinta kalaba waxay kala ahaayeen keli-taliyayaal xukuma jamhuuriyado kuna xidhan shuuciyadda iyo boqorro kuraastooda ka ilaashanayey qawmiyiintaa oo ka hoos galay reer galbeedka. Waxaa weheliyey dhaqdhaqaaqii dhallinyarada ee Ikhwanul muslimiin ee uu aas aasay Xasan Albannaa (AUN). Ikhwaanku waxay markiiba khatar ku noqdeen keli taliyayaashii, boqorraduna waxay u arkeen fursad ay ku sumcad tiraan qawmiyiinta carbeed. Ikhwaanka oo ka soo cararay keli-taliyayaasha ayaa saldhigtay waddamada Khaliijka barnaamijyadoodii siyaasadeedna diimeeyey. Waa la ogaa gulufkii ay bilaabeen iyo wiilashii ay qiiro geliyeen illaa ay soo baxeen kuwan afka duuban ee cid af garan karta la waayey. Siyaasaddu dan joogta ah bay leedahaye saaxiib joogta ah ma leh. Maanta waxaa ikhwaanka si wadajir ah u ugaadhsanaya boqorradii shalay biyaha iyo caanaha siinayey iyo askartii horay u cadaabi jirtey tusaalana waxa inooga filan Sisi iyo boqorrada garab taagan.
Danaha is diiddan ee siyaasaddu gadh-wadeen ka tahay waxaa tusaale inoogu filan shaxda isgoynaysa ee Bariga Dhexe maanta ka taagan. Sunni iyo Shiica baa la isu gumaadayaa Ciraaq iyo Suuriya, laakiin Falastiin (Xamaas) iyo Lubnaan (Xisbullaah) Sunni iyo Shiica ayaa isku garab ah! Iiraan iyo Sacuudigu meelaha qaar waa isku cadaw meelaha qaarna waa isku dan. Muuqaalkaa siyaasadeed waxa uu maanta ka socdaa meel kasta oo muslimiintu degaan. Soomaaliya, Afghanistan, Mali iyo waddamo badan - waxay masrax u noqdeen danaha siyaaaadeed ee is diiddan ee xididkoodu ku dhammaado Aqalka Cad iyo Kereminiilka. Horraantii todobaatameeyadii, waa markii carabtu shidaalka xidhatay, ayaa siyaasi Maraykan ah laga hayaa; “Boqorrada Khaliijku waa in ay kordhiyaan soo saarista shidaalka waayo shidaalka waxaa adeegsada diyaaradaha Maraykanka ee la diriraya Shuuciyiinta Vietnam, haddii Shuuciyuuntu guulaystaan boqortooyadiinu ma jiri doonto”. Oo tolow Dameeraha Sucuudiga iyo Vietnam ma is gaadhaan? Nasiib darro, xannuunka ugu daran waa marka siyaasadahaas saldanadaha iyo nacfiga lagu ilaashanayo la huwiyo diin oo dadku kala garan waayaan diinta iyo siyaasadda, diintana ka dhigaan aalad lagu gaadho dano siyaasadeed.
Burhaan Cali
Email:burhaan1999@yahoo.co.uk

Haddii Jaceylka la waayo’!- W/Q: Amina Mussa Wehelie
Koonkan aanu ku nool nahay Illaahey ayaa taagay, dhulka u fidiyey, Samadana dushaas ku taakeeyey, biyahana badaha iyo webiyada goobo cayiman kula ballamay. Isla Eebbahaas ayaa dadkana Aadan uga dhigay Aabbe, Xaawa oo uu feedha Aadan ka abuurayna Hooyo uga dhigay.
Illaahay ayaa haddana dadka dhex dhigay jaceyl iyo nacayb, labadaas oo ay dunida si nabdoon ugu wada joogaan ama isku laayaan.
Bal hadaba inaba waligaa dib ma u eegtay noloshaada? Adoo carruur ah iyo adoo cirroole ahse weli ma is weydiisay, horta sidaad dunidan ku timid?
Jiirooyinku waa kala dhaadheer yihiin, marka nolol ama waaya jira la dhiraandhirinayo, waxay u baahan yihiin in dhowr jiiro ama leexo loo soo galo, macna badan kuu soo bixi maayaan daraasadaadiina ka gun gaadhi meysid hadaad luuq-luuq soke u marto si aad u ogaato xogta iyo taariikhda ka dambeysa in aad dunidaan timaaddo.
Markaad rabto in aad ogaato, halkaad maalinba cag soo dhigtay, intaad dunidaan ku soo socotay si aad uga mid noqoto nafleyda ku dul nool tan iyo berigii aad ku soo biirtay ibna’aadanka yaacaya dusheedaba, waxeey kugu qaadaneysaa waqti dheer, waxeyse ku xidhan tahay in aad adigu dooneyso in aad leexooyinka aad u mareyso ama soo gaabsato ama sii dheereysato.
Bal dib u eeg, sidee baad dunidan ku timi? Inta aanad faaqidaadda hore u gelin maskaxdana aanad ka sii dhalaalin, in yar intaad halkaas ku qabato, is weydii horta, INNABA NOLOSHAADU JACEYL LA’AAN MA JIRI LAHAYD?
Dooddaas oo aan ogahay in qaar badan oo iminka maqaalkaan akhrinaya, ay xiiso la karkarayaan, isna heyn kari la’yihiin qodobka laga hadlayo muhiimaddiisa darteed, ayaad hadana waxa dhici karta in aan isaga soo boodno jawaabta innaga oo aan waxba si aad ah ugu fiirsan.
Laakiin wax deg-degsiiyo ku hagaagaba ma jiraane, si tartiib ah aan isugu dayno in aan u fekerno.
Illaahey ayaa ina uumay, waa sax, Aabbe iyo Hooyo ayuu inoo yeelay, waa hubaal kale, deetana nolosheenii oo dhan buu ina hordhigay, run weeye, ka bacdina halkaas ayuu inoo xukmay in aanu ka ambaqaadno, waa biyo kama dhibcaan taasina; ka dibna maalinba si baanu soo ahayn, sax Iyana, deetana, deetana, deetana….
Haye, waxaasoo dhami waa sax, waana rune, inabase ma isa soo gasheen adiga iyo jaceyl? Wax lug ahse bahalkaas la sheeg-sheego ma kugu yeeshay?
Waxa la yidhaahdo sal-fudeydka ayaa aadanaha lagu imtixaanay, waxaa laga yaabaa in aad kaba booddo waxyaabo badan oo dunida ku anfici lahaa, inaad si qoto-dheer ugu fiirsatana ay dani kuugu jiri lahayd, sida qaayibka ahna noloshu waxey ku macdahay inaad aad ugu dhugyeelato oo aanad dhayal iyo ciyaar kugu dhaafin joogista ay tahay in aad ku hakato si aad u dhiraandhiriso waddada ku hor taalla.
Haddii markan aan u soo dhaadhacno is daraasadeynteenii yarayd, ma kula tahay in Aabahaa iyo Hoyadaa is arki lahayn, kulmi lahayn, adiguna aanad dhalateen iyagoo bilaa jaceyl ah?
Mase dhici kartaa in badankeen aanu iska nimi dunida inagoon wax jaceyl ah ku dhalan?
Dad islaam ah baanu nahay, Diinteenana waa lagu weyneeyey jaceylka waxaana ku soo arooray Aayaad badan iyo Xadiisul-qudsi, balse hadana waxaad mooddaa in aanu si uga fara madhan nahay, ama aanu isku diidsiineyno jiritaankiisa, ku dhaqankiisa iyo koolkoolintiisa. Sidaas oo ay tahay, kulligeen waanu u wada bugnaa oo hoostaas baanu ka wada rabnaa in aan nolol jaceyl ka buuxo ku dhex harqano, kuna naaloono.
Nashaadka nolosha ayaa Jaceylka ku qiima leh, kuna dhisan, bal malee kiiyoo dunidaba laga wada suuliyo?
Side bay nolosheenu noqon lahayd, haddii ardayda dugsiga Qur’aanka ku dhigan jiray ku wada nici lahayeen, qaar aad si u jeceshihiinna aanay ku jiri lahayn? Ka waran hadaad daris is jecel aanad ku soo dhex korteen? Bal malee haddii aanad walaalahaa jeclaan lahayn, kuwa waaweyn kuu tudhi lahayn adiguna aad ku taagsan lahayd kuwa kaa yaryar?
Ka waran, miyaad guursan lahayd (waa hadaad guur gaadhaye) bilaa Jaceyl? Qoys is necebse ma jiri lahaa?
Maxaa bal markaa dhici lahaa haddii jaceylka la waayo sidiisaba? Waxaa yaraan lahaa tirada iyo korodhka dadka, haddii dadku dunida ku yaraadana waxaa badan lahaa dugaagga, sidaasna dadka yar ee dunida ku nooli waxay maaro isaga weyn lahaayeen dugaag ugaadhsada, oo maf ka siiya, noloshooduna khatar bay ku jiri lahayd.
Dhanka kale, waxa badan lahaa cuduradda maskaxda ee cuqdadda badan keena, waxaana kordhi lahaa xaasidnimada. Lama heleen ibnu aadam isu naxariista, is kaalmeeya, abaaraha iyo dhibaatooyinkana isaga gurmada.
Waxa soo koobmi lahaa isku socodka dadyowga adduunka, waxaa hoos u dhici lahaa ilbaxnimada bislaatey ee dunida, waxaa yaraan lahaa aqoonta, cilmiguna maba jireen, waayoo waxa aqoon iyo cilmi ah waxay iminka ku dhasheen dad niyaddooda Jaceyl ku jiro oo jecel in ay dunida wax qabsadaan, horumarkana ka shaqeeyaan.
Dadku waxey yeelan lahaayeen qalbiyo dhagaxyo ah oo aan debecsaneyn, dhego adag oo aan waxba maqlin iyo maskax aan fariimaha si waafi ah ugu gudbin jidhka intiisa kale, sidaas darteed dadka qudhiisa ayaa dugaagoobi lahaa.
Diinta ayaa iyana dhibaato ku iman lahayd maadama iyada oo dhami ay ku dhisan tahay naxariis iyo nabad gelyo, labadaasna waxa fulin kara oo meel marin kara dad naxariista ah oo qalbigoodu jilicsan yahay, waxa qabliga jilciyana jaceylkaa ugu horeeya, sidaad darteed ayaa dadku bilaa diin ku soo bixi lahayeen, cawaan iska nool ayeyna ahaan lahaayeen, oo iyaga iyo dugaaggu dunida ku hirdami lahaayeen, wax kala celiyana aaney jirin.
Waxaa yaraan lahaa in xitaa qofku nolosha jeclaado, sidaasna waxaa qaribmi lahaa in qofku camal fiican sameysto inta uu nool yahay.
Waxaa dhammaan lahayd kalsoonida nolosha markaasna duniduba iska gabaabsi ayey noqon lahayd, mana jirteen rejo nololeed oo muuqata, hiigsi, iyo jiritaanba.
Lama heleen hogaamiyayaal maskax furan oo dunida ka taliya, inta iminka colaadaha iyo madax adayga la soo taaganna waxaa dhici karta in eey yihiin kuwo bilaa Jaceyl ah oo maskaxdu shaandho noqotay, sidaasna naxariistu uga suushay, dunida bilaa jaceylka ahina noocaas ayeey la soo bixi lahayd, sidaasna waxaa ku yaraan lahaa xasiloonida dunida iyo wax wada qabsigeeda.
Geba-gebadii haddii jaceylka la waayo waxa xilli hore idlaan lahayd dunida, inta ay sii jirtana wax macna muuqda ah lama aanay jirteen, maadaama ay dhexdeeda ku nool yihiin ummad is wad neceb oon noloshaba isu diidan.
Markaa, maadaama uu Jaceylku ka qoto-dheer yahay sida aanu u heysano, waxa hagaagsan in aan wayneyno nolosheenana ku ladhno, kuna dedaalno in aan mar kasta qeyb ka siino, si jacayl badani innoo dhex maro, nolosheenuna u noqoto mid dhisan, kownkan dushiisana ugu noolaano innagoo ah dad nolosha isu ogol, bini’aadmi ah, dhaqan aadamina leh, nolol fur-furan-na aanu u helno iyo fursado innoo saamaxaya in aan horumarkeenna ballaadhino.

Ramadaanta Fadligeeda iyo Cidda ay ku waajibtay?
Mahad oo dhan Illaahay ayaa leh (SWT) , ina soo gaadhsiiyey bishan Barakaysan ee Ramadaan.
Waxaynu wada dareensanahay in ay jiraan qaar badan oo walaaleheen ah oo inala soomay bishii hore laakiin waqtigu u saamixi waayey inay inala soomaan oo ku qarsoomay qubuuraha, inaguna
ma garan doono in bishan aynu dhamaystiran doono iyo in kale.
Waxaa mahad leh Illaaha inoogu nimceeyey cimrigeena oo yar inuu ina siiyey waqti kaabaya cimrigeena oo barakaynaya sida bisha Ramadaanta iyo waqtigayada khayraadka ee sanad walba uu inoo jideeyey inaynu waajibaado qabsano iyadoo Alle swt khayraadkeena ku siyaadinayo.
Ramadaanta waxaa Alle waajibiyey habeen Isniin ah oo laba maalmood ka
tageen bisha Shabcaan sanadkii labaad ee Hijriyada,
Fadliga Ramadaanta
Maalmahan inagu soo fool leh ee Ramadaan waa maalmo farxad leh oo barako badan waa maalmo Illaahay inoo fududaynayo khayraadka iyo ka faa’iidaysigiisa, Waa maalmo inoo dhaafi doona si degdeg ah iyadoo qofka muslimka ahi uu sii jeclaysano inay la sii joogaan maalmahani.
Maalin kasta oo ka mid ah maalmahani way dhawaaqdaa waxayna tidhaa: qofkii khayr doonayow bushaarayso qofkii shar wadow xishood oo ka gaabso xumaanta.
Ramadaanta dadka muuminiintu gacmohooda ayay kor u qaadayaan iyagoo Alle baryaya iyagoo is miskiininaya oo is dhul dhigaya, mid Illaahay.
Wuxuu waydiisanayaa inuu ka dhaafo sinbiriirixooyinkii uu galay, mid labaadna wuxuu Alle waydiisanayaa in uu daacadiisa waafajiyo , mid sadexaadna wuxuu Alle waydiisanayaa inuu cadaabkiisa ka badbaadiyo, mid afraadna wuxuu Alle waydiisanayaa inuu ku abaal mariyo
Janooyinkiisa, mid shanaadna wuxuu Alle waydiisanayaa inuu dikrigiisa ku mashquuliyo iyo xuskiisa.
Soomtu walaalayaal waa gaashaan , gaashaanku waa shay ka samaysan xadiid oo la isaga dhigi jiray warmaha waqtigii warmaha iyo seefaha lagu dagaalami jiray. Soontu qofka waxay gaashaan uga tahay Naarta, xumaanta ,macaasida iwm.
Nin ayaa waydiiyey Abii umaama la odhan jiray Xabiibkeena scw wuxuu ku yidhi: Nebi Allow iiga waran camal faa’iido badan leh oo Illaahayna igu jeclaanayo ? Nebigu wuxuu ugu jawaabay waar soonta ogow soonta wax loo dhigaa ma jiraan!
Waxaa kale oo fadligeeda ka mid ah Jannada waxaa ku yaal albaab la yidhaaho Ar-rayaan oo ay galaan keliya dadka soomaa cid kale albaabkaas ma gasho.
Waxaa ka mid ah fadliga Ramadaan maalinta qiyaame Soonka iyo Quraan akhriskuba way u shafeeco qaadaan cidii camalkaas la iman jirtay,
Soomtu waxay tidhaahaa: Illaahow waxaan u diidi jiray intii aduunka uu joogay markuu soomo cuntada iyo cabitaanka iyo wixii shahwaad ah ee naftiisu jeceshahay, Illaahow iga aqbal inaan u shafeeco qaado
markaasaa Ilaahay ergadaas ama shafeecadaas ka aqbalaa Soomta.
Quraan kuna wuxu yidhahaa: Illaahow wuu igu camal fali jiray oo wuu igu dhaqmi jiray oo wuu igu tukan jiray Illaahow iga aqbal shafeecada aan u qaadayo, markaasaa Illaahay ka aqbalaa shafeecada.
Waxaa kale oo ka mid ah fadligeeda in qofka muuminka ah ee sooma lagu abaal mariyo laba farxadood mid waa marka uu afuro midna waa marka uu xisaabta Alle la kulmo Illaahay hortiisa.
Hadii intaas aan ku joojino fadliga ramadaanta oo aynaan soo koobi kari aynu is waydiino yay ku waajibtay Ramadaantu?
Yay ku waajibtay Soonka Bisha Ramadaan?
Ramadaantu waxay ku waajibtay qofku inuu yahay qof ah Muslim, miyir qaba, qaangaadh ah, caafimaad qaba, negi oo aan safar ahayn, cudur daar aan lahayn sida gabadhii caadada lahayd iyo tii umushay.
Lixdan shuruudood ayaa ku xidhan waajibnimada Ramadaanta.
- Muslim marka la leeyahay Ramadaan kuma waajibin Gaalo.
- Miyir qaba marka la leeyahay kuma waajib Ramadaantu qof waalan.
- Qaangaadh marka la leeyahay Caruurta kuma waajibin Ramadaantu, laakiin caruurta masuulkooda ayaa amraya inay soomaan si uu ugu sii tarbiyadeeyo.
- Qofku waa inuu yahay qof aan safar ku jirin, safarka uu ku jiraa haduu yahay mid banaan dhibna ay ku keenayso soomitaanku wuu afurayaa oo kuma waajibayso maalmo kalena wuu qalaynayaa , laakiinse hadii safarku uu yahay mid fudud sida diyaarad iyo gaadhi ama tareen oo qofku soonta iska xejin karo wuu soomi karaa.
- Gabadha ku jirta usbuuceedii ama waqtigii dhalmada iyadana waqti kale ayay qalaynaysaa Ramadaanta.
Goormay waajibaysaa Ramadaan?
Ramadaan waxay waajibaysaa marka la helo laba arimood oo keliya.
- Bishii Shabcaan oo dhamaystiranta .
- Bishii Ramadaan oo la arko.
Haddii la soo tiriyo bishii shabcaan oo ay dhamaystiranto waxaa waajibaysa in la soomo , hadii bishii Ramadaan la arko iyadoon dhamaan shabcaan, Sidoo kale hadii bishii Shabcaan habeen ka dhiman yahay laakiin bishii Ramadaan la arko waa la soomayaa.
Arkaanta Soomta
Arkaanta soomtu waa laba rukni
- In la joojiyo wixii qofka afuriya marka waagu beryo ilaa gabalku ka dhacayo.
- Rukniga labaad waa NIYO inuu qofku niyaysto soomta waqtiga waagu beryo ilaa gabal dhaca laga eedaamayo.
Rukni sedexaad ayay ku darraan culumadu oo la yidhaaho Ikhlaas in
qofku camalkaas Illaahay wax kaga doono oonu cid kale waxba kaga
rabin,
Casharka labaad waxa aynu ku eegi doonaa dadka aan Soomayn, kuwa qalaynaya iyo kuwa Fidyada Bixinaya?
Qalinkii: Hussein Jama Guudcade, Diintuwaanasteexo1@gmail.com

Saturday, June 28, 2014
Madaxweyne Silaanyo Oo Shacbiga Somaliland U Diray Hanbalyo Ku Aadan Bisha Barakaysan Ee Ramadaan
Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa curashada bisha barakaysan ee ramadaan awgeed hanbalyo u diray guud ahaan shacbiga somaliland.
warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxweynaha oo goor dhaweyd na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan Dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 28/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435,
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.
Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.
ALLAA MAHAD LEH

Wakiilkii Maraykanka U Qaabilsanaa Dhexdhexaadinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iliyiinta Oo Is Casilay
Washington:June,28,2014(Himilo)-Wakiilka Dalka Maraykanka ugu qaabilsanaa Dhexdhexaadinta Falastiin iyo israa’il, Marin Indyk, ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay.
Wakiilkan ayaa sheegay inuu wax guul ah ka gaadhi waayey isu soo dhaweynta Labada dhinaca oo in muddo ah ku hawlanaa, taasina ay dhaxalsiisay inuu Booskaas Banneeyo.
Wakaalada Reuters ayaa sheegtay in la sii filayay is-casilaadda masuulkan,isagoo dib ugu laaban doona Washington si looga dhagaysto waxyaabaha keenay fashilkan siyaasadeed ee ku yimid wada hadaladii socday.
Jane Ferguson oo ah wariyaha Aljazeera ee Ramallah ayaa iyaduna sheegtay in iscasilaaddan aaanay la yaabin dadka ku nool magaaladaas, xilli ay dowladda Israel ka dhaga adeygayso is-baalidhin-tooda Gaza.
“Waqtiga kama danbaysta ee wada hadalada waxa ay ahayd in ay dhacaan dhamaadka bishii April ,balse waa ay bur-bureen ,waana sababta keentay in aanay dadku la yaabin is-casilaaddan,” ayay tidhi Forgoson oo halkaa kasoo waranta.
Duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Israel ayaa lagu dilay maalinimadii shalay ahayd laba ruux oo falastiiniyiin ah, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhawacmeen sida la xaqiijiyay ,waxaana duqayntan lala beegsaday gaadhi marayay meel ku dhow kaam qaxooti oo ku yaalla Gaza.
Ugu danbayn, xiisadaha laba dhinaca ka dhaxeeyay ayaa sii kordhayay sanadihii dambe, waxaana dowladda Israel ay sheegtay in kooxaha mucaaradka ah ay inta badan gantaalo ku soo weerareen xadka Israel.

Nickolas Kay Oo Shacabka Soomaaliyeed u Diray Farriin Ku Aaddan Bisha Barakyasan ee Ramadaan
Nairobi:June,2014(Himilo)-Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Somaliland Nicholas Kay, ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed ee isu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan oo Caawa Bilaabmi doonta.
Ergayga ayaa faahfaahiyey qiimaha ay bishan barakaysani leedahay iyo waliba sida ay Bulshada soomaalida ahi u xasuusato Qaybaheeda jilicsan ee Daciifka ah,
“Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshadu isla wadaagaan farxad iyo rayn-rayn markay isugu yimaadaan afurka iyo salaadaha. Waa waqti la yeesho fikir qotodheer iyo dibuheshiisiin, laguna xusuusto dadka danyarta ah oo naga liita. Bishan waxaa nala xusuusinayaa in nabadda, sinaanta iyo naxariistu ay yihiin waxa isku kaaya xidha, aadna uga xoog badan wax kasta oo ina kala qaybiya. Anigoo tan rumaysan, waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda u rajaynayaa bil Ramadaan oo nabad ah oo barakaysan. Ramadaan Kariim!” ayuu yidhi Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.
Kay oo muddo kooban ka soo shaqaynayey arrimaha soomaalida, ayaa Hadalkiisan ku muujiyey sida uu u fahmay nidaamka ay soomaalidu u dhaqan xilliyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo sida ay wanaagga iyo khayrka ugu diyaar garoobaan.

Ciidamada Badda Waddanka Iiraan Oo Badbaadiyey Markab Shidaal Oo Budhcad-badeeda Soomaalidu Afduubi lahayd
Ayl:June,28,2014(Himilo)-Ciidamada qeybta ka ah la dagaalanka budhcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay inay ka badbaadiyeen budh-cad badeeda isku dayeysay inay Afduubaan Markab shidaal oo waddanka Iraan laga leeyahay.
Ciidamada dowlada iran ayaa qeyb ka ah la dagaalanka budh-cad badeeda tan iyo sanadkii 2008, markii kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ay afduubteen markab shixnad siday oo laga leeyahay dalka Iran, xili uu marayay xeebaha dalka Yemen.
Ciidamada badda Iran ayaa sheegay in kooxaha budhcad badeeda ee weeraray markabka ay ka koobnaayeen sideed ruux oo watay hal dooni, laakiin ma ay sheegin sida ay ka yeeleen kooxaha budhcad badeeda ee ay qabteen.
Waxaa hoos u dhac laga dareemay kooxaha budhcad badeeda Soomaalida wixii ka dambeeyay markii maraakiibta dagaalka ay kusoo kordheen la dagaalanka budhcad badeeda Soomaalida.

Somaliland oo ka hadashay Qorshe Sucuudigu ku doonayo inuu ku joojiyo Geela loo dhoofiyo, tirada dadka kaga dhintay Cudurka MERS Sababta keentay iyo saamaynta dhaqaale ee ka dhalan karta
“Qalabka Xanuunka MERS lagu baadhaa dunnida wuu ku cusub yahay, innaga weli innama soo gaadhin, laakiin, wax digniin ah oo dhinaceenna dalka Sacuudigu ka soo saaray nama soo gaadhin.” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odowa
"Waxaan ka soo dhoofsan jirnay Geela waddamada Geeska Afrika..laakiin, waannu joojin doonnaa illaa aannu helayno Macluumaad dheeraad ah inay Xanuunkaa qabaan iyo….” Madaxa Xakamaynta Xanuunka Neefsashada ee Bariga Dhexe (MERS Dr. Tariq Madani
London, 28, June, 2014-(Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay, dhawaaq dawladda Boqortooyada Sucuudigu shaacisay inay waddo, isla markaana ay socoto doodda ay ka leeyihiin go’aan ay ku joojin doonaan Xoolaha Geela ee uga dhoofa dalalka Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo haddii uu Sucuudigu ku dhaqaaqo dhibaato dhaqaale ku keenaysa waddamada Afrika ee aynu ka midka nahay.
Dr. Tariq Madani, oo Madax ka ah Golaha Talinta ee Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga oo loo abuuray Xakamaynta Xanuunka Neefsashada Bariga Dhexe (MERS), ayaa sheegay inay wakhtigan baadhitaan ku wadaan Geela Dekedahooda taga intaan la siinnin oggolaansha ay dalkooda ku galayaan Gaadiidka Badda ee Geelaas qaadaa.
"Waxa jira shaki aan ka qabno in Xanuunka laga soo dhoofiyey Geela ganacsiga uga yimaadda Geeska Afrika, inkastoo weli caddeymo suggaya la haynin.” ayuu Madani u sheegay Wakaallada Wararka ee Reuter oo wareysi kula yeelatay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.
Dr. Madani ayaa sheegay in go’aan kama dambays ah oo lagu joojinayo Geela loo soo dhoofiyo Sacuudiga waddamada Geeska Afrika awood u leeyahiin Wasaaradda Beeruhu ku dhawaaqistiisa, balse weli aanay soo saarin go’aan lagu joojinayo, inkastoo Saraakiil ka shaqeeya Wasaaradda Beeruhu u sheegeen inay socoto go’aankaas dooddiisu. “Waxaan ka soo dhoofsan jirnay Geela waddamada Geeska Afrika….Laakiin, waannu joojin doonnaa illaa aannu helayno macluumaad dheeraad ah inay Xanuunkaa qabaan iyo inkale.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey oo uu yidhi Dr. Madani.
Dr. Jaamac Maxamed Odowaa oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Wargeyska HIMILO shalay wax ka weydiiyey Xogaha ay ka hayaan hadalka ka soo yeedhay Sarkaalka sare ee Xukuumadda Sacuudiga ka tirsani ku sheegay inay joojin doonaan Geela uga Dhoofa Somaliland iyo Soomaaliya inta ay hubinayaan inuu qabo Xanuunka MERS iyo inkale, ayaa ku jawaabay; “Waan la soconbaa Xanuunka MERS oo ku dhaca Geela, una gudbi kara dadka ka shaqeeya, sannadihii u dambeeyeyna dad badani ugu dhinteen dalka Sacuudiga.
“Qalabka Xanuunkan lagu baadhaa dunnida wuu ku cusub yahay, innaga weli innama soo gaadhin, laakiin wax digniin ah oo dhinaceenna dalka Sacuudigu ka soo saaray weli nama soo gaadhin.”
Mar la weydiiyey maaddaama oo uu Sarkaal sare oo Sacuudiga ka tirsan laga soo xigtay inay joojin doonaan Geela looga dhoofiyo waddamada Geeska Afrika inuu jiro wax xidhiidh ah oo Masuuliyiinta Sacuudigu kala soo yeesheen ama iyagu (Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ahaan) kala samaysay ayuu ku jawaabay; “Maya, ma jiro wax xidhiidh ah oo Sacuudigu arrinkaa nagala soo yeeshay, iyo mid aanbu annagu weli kala yeelannay toona, maaddaama oo aannaan warar sugan haynin. Sidoo kale haddii Xoolo dhinaceenna ka tegay ay ka helaan ayey joojin karaa, laakiin, halla wada joojiyo go’aan ah macquul ilama aha.”
Agaasimaha guud ee Xannaanada Xoolaha Somaliland mar la weydiiyey maaddaama oo uu Sacuudigu sheegay inay sii joojin doonaan Geela loo dhoofiyo illaa ay macluumaad dheeraad ah helayaan waxa Wasaarad ahaan uga qorsheysan, waxa uu ku jawaabay; “Markabkii u danbeeyay ee ka baxa Dekadda Berber 6 cisho ka hor waxa la saaray 200 oo Neef oo Geel ah, lamana joojin Geela ee wuu socdaa. Arrintaa baadhitaan iyo daba-gal ayaannu ku samayn doonnaa, waxay ka qabaan. Suuqeenna ugu weyn ee lagama maarmaanka u ah Xoolaheenna ayuu ka mid yahay Sacuudigu, maaddaama oo Geela ugu badan aynu u dhoofinno.” ayuu yidhi Dr. Odowaa.
Tirada dadka uu haleelay una dhimatay Xanuunka MERS dalka Sacuudiga, ayaa sare u kacday, ka dib markii dib u hubin loogu sameeyey tirooyinkii ay hore loo diiwaangeliyey, taasoo ka dhigaysa 688 inta uu haleelay, halka tiro gaadhaysa 282 la sheegay inay ku dhinteen.
Bishan horraanteedii, Wasiirkii labaad ee Wasaaradda Caafimaadka Abdel Fakieh ayaa xilkii laga qaaday, halka bishii April Boqortooyada Sucuudigu xilka ka qaadday Wasiirkii hore Caafimaadka Abdullah Al-Rabeeah, ka dib saamaynta Xanuunka MERS ku yeeshay dalkaas.
Saraakiisha Sacuudiga, oo ay ku jiraan Wasiirrada ayey qaar ka mid ah khubadara caalamku ku dhaleeceeyeen sida ay u waajaheen xaaladda wax-ka-qabashada iyo ka hor-tagga Xanuunkan iyo inay ka gaabiyeen wada-shaqeyn ay kala yeeshaan xarumo baadhitaan oo ka caawinayey baadhitaanno lagu sameeyo Xanuunkaas.
Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO oo qoraal ka soo saartay calaamadaha lagu garto, sida la isugu gudbiyo iyo sida loo daweeyo xanuunkaas, ayaa lagu sheegay in Xanuunkani haleelo habka neefsashada, calaamadaha lagu gartana ka mid yihiin Madax-xanuun, Qufac iyo Neefsashada oo adkaata.
Xanuunkan MERS oo sannadkii 2012 lagu arkay dalka Sacuudiga ayey WHO sheegtay inaanay weli sugnayn qaabka laysugu gudbiyo, balse Xanuunku isaga gudbi karo marka qof qaba Candhuuftiisu ku gaadho, illaa wakhtiganna aanay jirin dawo loo helay Xanuunka MERS.
Joojin kasta oo dalka Sacuudigu saaro Ganacsiga Geela uga dhoofa Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta dhaqaalaha dalalka Afrika, maaddaama oo Ganacsiga ugu badan ee Xoolaha Geelu ka midka yahay loo dhoofiyo dalkiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
"Waxaan ka soo dhoofsan jirnay Geela waddamada Geeska Afrika..laakiin, waannu joojin doonnaa illaa aannu helayno Macluumaad dheeraad ah inay Xanuunkaa qabaan iyo….” Madaxa Xakamaynta Xanuunka Neefsashada ee Bariga Dhexe (MERS Dr. Tariq Madani
London, 28, June, 2014-(Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay, dhawaaq dawladda Boqortooyada Sucuudigu shaacisay inay waddo, isla markaana ay socoto doodda ay ka leeyihiin go’aan ay ku joojin doonaan Xoolaha Geela ee uga dhoofa dalalka Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo haddii uu Sucuudigu ku dhaqaaqo dhibaato dhaqaale ku keenaysa waddamada Afrika ee aynu ka midka nahay.

"Waxa jira shaki aan ka qabno in Xanuunka laga soo dhoofiyey Geela ganacsiga uga yimaadda Geeska Afrika, inkastoo weli caddeymo suggaya la haynin.” ayuu Madani u sheegay Wakaallada Wararka ee Reuter oo wareysi kula yeelatay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.
Dr. Madani ayaa sheegay in go’aan kama dambays ah oo lagu joojinayo Geela loo soo dhoofiyo Sacuudiga waddamada Geeska Afrika awood u leeyahiin Wasaaradda Beeruhu ku dhawaaqistiisa, balse weli aanay soo saarin go’aan lagu joojinayo, inkastoo Saraakiil ka shaqeeya Wasaaradda Beeruhu u sheegeen inay socoto go’aankaas dooddiisu. “Waxaan ka soo dhoofsan jirnay Geela waddamada Geeska Afrika….Laakiin, waannu joojin doonnaa illaa aannu helayno macluumaad dheeraad ah inay Xanuunkaa qabaan iyo inkale.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey oo uu yidhi Dr. Madani.

“Qalabka Xanuunkan lagu baadhaa dunnida wuu ku cusub yahay, innaga weli innama soo gaadhin, laakiin wax digniin ah oo dhinaceenna dalka Sacuudigu ka soo saaray weli nama soo gaadhin.”
Mar la weydiiyey maaddaama oo uu Sarkaal sare oo Sacuudiga ka tirsan laga soo xigtay inay joojin doonaan Geela looga dhoofiyo waddamada Geeska Afrika inuu jiro wax xidhiidh ah oo Masuuliyiinta Sacuudigu kala soo yeesheen ama iyagu (Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ahaan) kala samaysay ayuu ku jawaabay; “Maya, ma jiro wax xidhiidh ah oo Sacuudigu arrinkaa nagala soo yeeshay, iyo mid aanbu annagu weli kala yeelannay toona, maaddaama oo aannaan warar sugan haynin. Sidoo kale haddii Xoolo dhinaceenna ka tegay ay ka helaan ayey joojin karaa, laakiin, halla wada joojiyo go’aan ah macquul ilama aha.”
Agaasimaha guud ee Xannaanada Xoolaha Somaliland mar la weydiiyey maaddaama oo uu Sacuudigu sheegay inay sii joojin doonaan Geela loo dhoofiyo illaa ay macluumaad dheeraad ah helayaan waxa Wasaarad ahaan uga qorsheysan, waxa uu ku jawaabay; “Markabkii u danbeeyay ee ka baxa Dekadda Berber 6 cisho ka hor waxa la saaray 200 oo Neef oo Geel ah, lamana joojin Geela ee wuu socdaa. Arrintaa baadhitaan iyo daba-gal ayaannu ku samayn doonnaa, waxay ka qabaan. Suuqeenna ugu weyn ee lagama maarmaanka u ah Xoolaheenna ayuu ka mid yahay Sacuudigu, maaddaama oo Geela ugu badan aynu u dhoofinno.” ayuu yidhi Dr. Odowaa.
Tirada dadka uu haleelay una dhimatay Xanuunka MERS dalka Sacuudiga, ayaa sare u kacday, ka dib markii dib u hubin loogu sameeyey tirooyinkii ay hore loo diiwaangeliyey, taasoo ka dhigaysa 688 inta uu haleelay, halka tiro gaadhaysa 282 la sheegay inay ku dhinteen.
Bishan horraanteedii, Wasiirkii labaad ee Wasaaradda Caafimaadka Abdel Fakieh ayaa xilkii laga qaaday, halka bishii April Boqortooyada Sucuudigu xilka ka qaadday Wasiirkii hore Caafimaadka Abdullah Al-Rabeeah, ka dib saamaynta Xanuunka MERS ku yeeshay dalkaas.
Saraakiisha Sacuudiga, oo ay ku jiraan Wasiirrada ayey qaar ka mid ah khubadara caalamku ku dhaleeceeyeen sida ay u waajaheen xaaladda wax-ka-qabashada iyo ka hor-tagga Xanuunkan iyo inay ka gaabiyeen wada-shaqeyn ay kala yeeshaan xarumo baadhitaan oo ka caawinayey baadhitaanno lagu sameeyo Xanuunkaas.
Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO oo qoraal ka soo saartay calaamadaha lagu garto, sida la isugu gudbiyo iyo sida loo daweeyo xanuunkaas, ayaa lagu sheegay in Xanuunkani haleelo habka neefsashada, calaamadaha lagu gartana ka mid yihiin Madax-xanuun, Qufac iyo Neefsashada oo adkaata.
Xanuunkan MERS oo sannadkii 2012 lagu arkay dalka Sacuudiga ayey WHO sheegtay inaanay weli sugnayn qaabka laysugu gudbiyo, balse Xanuunku isaga gudbi karo marka qof qaba Candhuuftiisu ku gaadho, illaa wakhtiganna aanay jirin dawo loo helay Xanuunka MERS.
Joojin kasta oo dalka Sacuudigu saaro Ganacsiga Geela uga dhoofa Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta dhaqaalaha dalalka Afrika, maaddaama oo Ganacsiga ugu badan ee Xoolaha Geelu ka midka yahay loo dhoofiyo dalkiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Munaasibad lagu Xusay 37-guurada Xornimada Jabuuti oo Xalay lagu Qabtay Hargeysa
Hargeysa, 28 June 2014 (Himilo)- Waxa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland lagu qabtay Munaasibad Ballaadhan oo lagu xusayey 37-Guuradii ka soo wareegtay Maalintii dalka Djibouti uu xorriyadiisa ka qaatay Dalka Faransiiska.
Munaasibaddan oo Lagu qabtay Hutel Crown ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddiga Jaaliyadda Djibouti ee ku sugan Somaliland, Masuuliyiin ka kala socday Saddexda Xisbi-qaran ee Somaliland, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, Bahda fanka reer Hargeysa iyo marti-sharaf kale.
Munaasibadda oo qaban-qaabadeeda ay iska kaashadeen HCTV iyo Crown Hotel, waxa ugu horeyn ka hadlay, Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen shacabka Jabuuti ku hambalyeeyey dabbaal-degga munaasibada 37-guurada ka soo wareegtay markii dalka Jabuuti xoriyadda ka qaatay guumaystihii Faransiiska oo ku beegnayd 27 June, 1977-kii.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu u rajeeyey Dhammaanba shacabka reer Djibouti inay munaasibaddan teeda kale ku gaadhaan rayn-rayn, Barwaaqo iyo Ammaan Buuxa oo ay ka Gudbaan Caqabad kasta oo ka soo wajahda Dhinacyada Nolosha.
Xildhibaan Ibraahim Cali Rayte oo ka mid ah Golaha Wakiillada somaliland oo isaguna Halkaas ka Hadlay ayaa si weyn ugu hambalyeeyey Shacabka Djibouti Maalinta ay u dabaal-degayaan Xorriyadooda, waxana uu soo dhaweeyey Sida quruxda Badan ee Jaaliyadda Reer Djibouti ee somaliland ku dhaqani u soo abaabuleen Munaasibaddan ka dhacday Caasimadda somaliland ee Hargeysa.
Xogyaha Maaliyadda ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Marwo Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa ku bogaadin ay u dirtay qaranka Djibouti ka sokow si gaar ah salaan gacaltooyo ugu dirtay Marwada koowaad ee Jamhuuriyadda Djibouti Marwo Khadra Xayd iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo ku majeeratay horumarka ay ku hoggaamiyeen Dalkooda.
Cabdi dhakhtar oo ku hadlayey Magaca Jaaliyadda Jamhuuriyadda Djibouti ee ku dhaqan Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray helitaanka Xorriyadda Dalkaasi oo uu sheegay in dhimasho iyo dhiig badani u daatay xorriyadda dalkaasi wakhtigan ku naaloonayo.
“Intaas aanu halganka ku soo jirnay waxa na garab taagnaa shacabka reer Somaliland oo nagu guubaabinayey inaanu xorriyadda gaadhno, waayo waa laba umaddood oo isu ehel ah oo aan sinnaba u kala maarmi karin, taana waan uga mahad naqayaa shacabka reer Somaliland, waanan ku faraxsanahay in caawa (Xalay) laga xusayo Magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Cabdi Dhakhtar.
Ugu dambayntii waxa halkaas Heeso kala duwan oo Qiimaha Qaranimada dalka Djibouti ka hadlayey ka qaaday Fannaaniin u dhalatay Somaliland, kuwaas oo qiiro geliyey dadweynihii halkaas ku sugnaa, isla-markaana xasuusiyey neecowda Xorriyadda iyo Halgankii dalkan laftigiisa lagu xorreeyey.
Dawladda Jabuuti, ayaa shalay u dabbaal-degtay xuska 37-guurada xorriyaddooda, waxaana munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Magaalo-madaxda Dalka Djibouti ka qayb-galay hay’adaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Djibouti, iyada oo Ciidamada kala duwan ee dalkaasi ku soo bandhigeen gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar Cajab-geliyey dadweynihii daawashada u tegay goobaha Bandhiggu ka dhacayey.

Madaxweynaha Somaliland oo Luuqad deggan kaga jawaab-celiyey Baaqyo ka soo yeedhay Soomaaliya
“Walaalahayaga Soomaaliya wax badan bay mar walba isku dayaan inay noo yeedhaan, wax badan bay isku dayaan inay Soomaaliya mid tahay, waxaannu leenahay Soomaaliya mid maaha…”
Hargeysa, 28, June, 2014-(Himilo):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inay Soomaaliya wax badan isku dayday inay u yeedho oo ay u gacan-haadiso Somaliland, isla markaana ay jecel yihiin wax-wadalahaansho iyo inay Soomaaliya mid tahay, hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaanay Soomaaliya mid ahayn ee ay Somaliland gaar ka tahay, kuna adag tahay gooni-isu-taaggeeda halganka dheer loo soo galay.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu sheegay inkasta oo aan Somaliland weli Beesha caalamka aqoonsi buuxa ka helin, haddana inay xidhiidh fiican la leedahay, isla markaana ay dunida ka hesho waxay u baahan tahay Somaliland. Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo rejeeyey in guusha la gaadhi doono wakhti dhaw oo aan dheerayn, balse loo baahan yahay midnimo, wada-jir, wada-shaqan iyo waddaniyad inay muujiyaan Bulshada reer Somaliland.
Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo sidaa ku sheegey khudbad ka jeediyey Munaasibad Habeen-hore lagu qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Hargeysa oo loogu dabbaal-degayey 54-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii oo ku buuxday 26 June 2014 oo dorraad illaa habeen-hore, illaa habeen-saddexaadkii looga dabbaal-degayey Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya-ba.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu horreyn sheegay inay dhammaan Somaliland farxad u tahay xuska 54-guurada ka soo wareegtay xornimadii ay Ingiriiska ka qaateen, waxaanu yidhi; “Waxa farxad innoo wada ah kullligeen inaynu u dabbaal-degayno 26-ka June 54-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland Isticmaarkii Ingiriiska xornimadeeda ka qaadatay, intii aynaan u gudbin ee aynaan ku darsan walaaleheenna Somaliland.”
Md. Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay in halgan dheer loo soo maray helidda calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato oo ay hanatay Somaliland 26 June 1960-kii ka hor intii aanay Soomaalida Koonfurta la midoobin afar cisho ka dib helidda xorriyadda, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay dalka Somaliland muddo badan buu u soo shaqaynayey oo u soo halgamayey inuu xorriyaddiisa helo, waxaa jirtay caaddifad aad u ballaadhan oo ahayd in dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee Geeska Afrika oo dhan la isu wada keeno, Xamaasad caynkaas ah baa jirtay, Ururradii iyo Asxaabtii jirtayna ay ku wada shaqaynayeen, Xamaasaddaas ayaa inna geysay. Markii dambena waa tii la ogaa halgankii dheeraa ee aynu u galnay la soo noqoshada xorriyaddeenna iyo madax-bannaanideenna.”
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mar uu ka hadlayey waxa maanta la gudboon dadka iyo dawladda Somaliland iyo heerka ay hadda marayayaan waxa uu yidhi; “Maanta waxa habboon, oo innala gudboon intii ka dambaysayna aynu ku dedaalaynay wixii inna soo maray daraaddeed inaynu dalkeenna iyo dadkeenna dhisanno, xorriyaddeenna la soo noqonno, ummadda iyo dalkeenna ka dhigno dal iyo ummad la aqoonsan yahay oo caalamka intiisa kale aqoonsan tahay. Maanta meel fiican baynu maraynaa, wax badan baana dadkeennu soo qabsaday, meel aad u wanaagsan baynu maraynaa, waanan ku sii wadi doonnaa.”
“Yeynaan Ictiraaf buuxa helin, laakiin caalamku wuu innala dhaqmaa, dunidu way innala shaqaysaa, waxaynu u baahannahay waynu ka helnaa, Insha Allaahu Tacaalaa halkaasna hore ayaynu uga sii mari doonnaa. Waxaan ummadda iyo dadweynaha Somaliland ku guubaabinayaa oo aan mar walba leeyahay waa inaynu midnimada, wada-jirka, wada-shaqaynta iyo waddaniyaddeenna ay meel uga soo wada jeesanno inaynu had iyo gooraale aynu aad iyo aad ugu dedaalno, Insha Allaahu Tacaalaa Illaahay waxaan ka rejaynayaa inuu guusha inna gaadhsiin doono wakhti aan fogeyn.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay marar badan Soomaaliya isku-dayday inay u gacan-haadiso Somaliland, balse aanay taasi wax dhici kara ahayn, waxaanu yidhi; “Walaalahayaga Soomaaliya mar wax badan bay mar walba isku dayaan inay noo yeedhaan, wax badan bay isku dayaan inay Soomaaliya mid tahay, waxaannu leenahay Soomaaliya mid maaha ee Somaliland way ku adag tahay gooni-isu-taaggeeda, waanay ku soconaysaa, maqlina mayno, wax badan baannu u soo halgannay waana gaadhi doonnaa halkaan ku soconno Insha Allaah.”
Munaasibaddaas Habeen-hore lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay ka sokow Madaxweynaha, Marwadiisa, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Marwadiisa, Shir-guddoonnada Golayaasha Baarlamaanka, Axsaabta Qaar, Xildhibaanno, Golaha Wasiirrada, Madax-dhaqmeed, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale. Waxay Fannaaniinta Qaranka Somaliland iyo Fannaaniinta Xiddigaha Geesku ku bandhigeen xuskaas Riwaayad, Heeso iyo Majaajillooyin kala duwan oo ay dadkii ka qaybgalay aad u jaclaysteen intooda badan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Hargeysa, 28, June, 2014-(Himilo):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inay Soomaaliya wax badan isku dayday inay u yeedho oo ay u gacan-haadiso Somaliland, isla markaana ay jecel yihiin wax-wadalahaansho iyo inay Soomaaliya mid tahay, hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaanay Soomaaliya mid ahayn ee ay Somaliland gaar ka tahay, kuna adag tahay gooni-isu-taaggeeda halganka dheer loo soo galay.

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo sidaa ku sheegey khudbad ka jeediyey Munaasibad Habeen-hore lagu qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Hargeysa oo loogu dabbaal-degayey 54-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii oo ku buuxday 26 June 2014 oo dorraad illaa habeen-hore, illaa habeen-saddexaadkii looga dabbaal-degayey Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya-ba.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu horreyn sheegay inay dhammaan Somaliland farxad u tahay xuska 54-guurada ka soo wareegtay xornimadii ay Ingiriiska ka qaateen, waxaanu yidhi; “Waxa farxad innoo wada ah kullligeen inaynu u dabbaal-degayno 26-ka June 54-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland Isticmaarkii Ingiriiska xornimadeeda ka qaadatay, intii aynaan u gudbin ee aynaan ku darsan walaaleheenna Somaliland.”
Md. Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay in halgan dheer loo soo maray helidda calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato oo ay hanatay Somaliland 26 June 1960-kii ka hor intii aanay Soomaalida Koonfurta la midoobin afar cisho ka dib helidda xorriyadda, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay dalka Somaliland muddo badan buu u soo shaqaynayey oo u soo halgamayey inuu xorriyaddiisa helo, waxaa jirtay caaddifad aad u ballaadhan oo ahayd in dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee Geeska Afrika oo dhan la isu wada keeno, Xamaasad caynkaas ah baa jirtay, Ururradii iyo Asxaabtii jirtayna ay ku wada shaqaynayeen, Xamaasaddaas ayaa inna geysay. Markii dambena waa tii la ogaa halgankii dheeraa ee aynu u galnay la soo noqoshada xorriyaddeenna iyo madax-bannaanideenna.”
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mar uu ka hadlayey waxa maanta la gudboon dadka iyo dawladda Somaliland iyo heerka ay hadda marayayaan waxa uu yidhi; “Maanta waxa habboon, oo innala gudboon intii ka dambaysayna aynu ku dedaalaynay wixii inna soo maray daraaddeed inaynu dalkeenna iyo dadkeenna dhisanno, xorriyaddeenna la soo noqonno, ummadda iyo dalkeenna ka dhigno dal iyo ummad la aqoonsan yahay oo caalamka intiisa kale aqoonsan tahay. Maanta meel fiican baynu maraynaa, wax badan baana dadkeennu soo qabsaday, meel aad u wanaagsan baynu maraynaa, waanan ku sii wadi doonnaa.”
“Yeynaan Ictiraaf buuxa helin, laakiin caalamku wuu innala dhaqmaa, dunidu way innala shaqaysaa, waxaynu u baahannahay waynu ka helnaa, Insha Allaahu Tacaalaa halkaasna hore ayaynu uga sii mari doonnaa. Waxaan ummadda iyo dadweynaha Somaliland ku guubaabinayaa oo aan mar walba leeyahay waa inaynu midnimada, wada-jirka, wada-shaqaynta iyo waddaniyaddeenna ay meel uga soo wada jeesanno inaynu had iyo gooraale aynu aad iyo aad ugu dedaalno, Insha Allaahu Tacaalaa Illaahay waxaan ka rejaynayaa inuu guusha inna gaadhsiin doono wakhti aan fogeyn.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay marar badan Soomaaliya isku-dayday inay u gacan-haadiso Somaliland, balse aanay taasi wax dhici kara ahayn, waxaanu yidhi; “Walaalahayaga Soomaaliya mar wax badan bay mar walba isku dayaan inay noo yeedhaan, wax badan bay isku dayaan inay Soomaaliya mid tahay, waxaannu leenahay Soomaaliya mid maaha ee Somaliland way ku adag tahay gooni-isu-taaggeeda, waanay ku soconaysaa, maqlina mayno, wax badan baannu u soo halgannay waana gaadhi doonnaa halkaan ku soconno Insha Allaah.”
Munaasibaddaas Habeen-hore lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay ka sokow Madaxweynaha, Marwadiisa, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Marwadiisa, Shir-guddoonnada Golayaasha Baarlamaanka, Axsaabta Qaar, Xildhibaanno, Golaha Wasiirrada, Madax-dhaqmeed, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale. Waxay Fannaaniinta Qaranka Somaliland iyo Fannaaniinta Xiddigaha Geesku ku bandhigeen xuskaas Riwaayad, Heeso iyo Majaajillooyin kala duwan oo ay dadkii ka qaybgalay aad u jaclaysteen intooda badan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Qodobbada lagaga wadahadlay Shir-Madaxeedka 23-aad ee dalalka Bariga Afrika iyo Heshiis lagu saxeexay
Soomaaliya oo Saxeexday Heshiiska Ciidammada Heeganka Dalalka Bariga Africa iyo Kulan dhex-maray Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh & Ban Ki-moon
Malabo, 28, June, 2014-(Himilo):- Shir-Madaxeedka dalalka Bariga Africa oo Khamiistii ka furmay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, ayaa Jimcihii shalay Madaxdu ku saxeexeen heshiis dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo Ciidammada heeganka ee ay yeelanayaan dalalka ku bohoobay Bariga Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo (EASF).
Heshiiskaas waxaa dawladda Soomaaliya u saxeexay Raysal-wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ah ee Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Soomaaliya Shirkaag uga qaybgalay ku sugan yihiin magaalada Malabo ee xarunta Equatorial Guinea. Waxaana ka sokow Madaxda ka socotay dalalka Bariga Afrika Shirkaas ka qaybgalay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ay kulan gaar ah wada yeesheen Raysal-wasaaraha Soomaaliya.
Waxa Shirkaas aad looga hadlay qodobbo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen ka hor-tagga iyo la-dagaallanka hawlgallada Ururrada Argagixisada ah ee ay ugu horreyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallami jirtay dalka Soomaaliya, balse shirkaas laga sheegay inay hadda ku sii fidayaan dalalka Geeska Afrika oo uu ugu horreeyo Waddanka Kenya oo ay hawlgallo badan oo argaggixisa-nimo ka fuliyeen labadii sano ee u dambeeyey.
Sidoo kale, waxa Shir-Madaxeedka 23-aad ee dalalka Bariga Afrika diiradda lagu saaray, laguna falanqeeyey horumarinta Beeraha iyo amniga cunnada, taasoo ujeeddadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dedaalka loogu jiro kor-u-qaadista wax-soo-saarka Beeraha Qaaradda Afrika. Waxay Madaxda Shirka isugu tegay ka hadleen helitaanka hannaan lagaga hor-tegi karo Fakhriga iyo Cunto-yarida, waxaanay halkaas ka caddeeyeen in loo baahan yahay baahida loo qabo in la helo nidaam iyo qorshe cad oo isbeddello cusub oo dhinaca wax-soo-saarka ah lagu sameeyo iyo abuuridda iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Ururrada Beeralayda Qaaradda.
Waxa kale oo Shirkaas ay Madaxda dalalka Bariga Afrika kaga hadleen, kobcinta dhiirrigelinta iyo Suuq-geynta wax-soo-saarka Beeraha, kobcinta aqoonta iyo Xirfadda ay u baahan yihiin Beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhallinyarada dalalka Bariga Afrika. Waxaana Shirkaas lagu ammaanay tallaabooyinka ay sannadkii u dambeeyey qaadday dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida nabadeynta Beelo diriray, la-dagaallanka Kooxda Al-Shabaab iyo inay dhinacyada adeegyada horumarka iyo kaabayaasha noqolasha qaarkood wax ka qabatay.
“Soomaaliya waxay kasoo kabanaysaa dhibaatooyinkii gaaray, waxyaabaha qorshaha noogu jira waxaa ka mid ah sidii dib loogu soo nooleyn lahaa wax-soo-saarka Beeraha Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed ay helaan si loo yareeyo shaqo la’aanta.” Sidaa waxa yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka hadlay Shirkaas, waxaanu Raysal-wasaaruhu soo dhaweeyey Heshiiska dhex-maray Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ay shirkaas ku saxeexeen shalay oo uu ku tilmaamay mid guul ah.
Raysal-wasaarraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed waxa kale oo uu ka warramay nuxurka kulanka dhex-maray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaanu yidhi; “Qaramada Midoobay waxaa ay gacan muuqata ka gaysatay ammaanka, xasiloonida, dhismaha dawladnimada iyo taageero joogta ah, waan uga mahad-naqaynaa taageerada kala duwan. Waxyaabaha aan kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, waxaa ka mid ah sidii Qaramada Midoobay ay u dadejin lahayd gargaarka aan doonayno in la gaadhsiiyo qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka jirto cunno-yari, arrimaha qaxoontiga iyo in ay Qaramada Midoobay ay sii xoojiso taageerada ay noola diyaarka tahay xilligan muhiimka ah .”
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan dawladda Soomaaliya, isla markaana ay go’antahay in ay Soomaaliya aanay dib ugu laaban dhibaatooyinkii ay hore u soo martay, balse ay ku dedaalayaan sidii ay hore ugu sii socon lahayd, loona soo afjari lahaa dhibaatooyinka soo jiitamay iyo kuwa hadda ka taagan dalkaas-ba.