Sunday, June 29, 2014

Booliiska Waddanka Kenya oo Toogasho ku dilay Dad ka badan 1,000 Qof

Nairobi, 29, June, 2014-(Himilo)- Booliiska Waddanka Kenya, ayaa toogasho ku dilay Kun (1,000) oo ku noolaa dalkaas muddo shan sannadood gudohood ku siman, sida lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Urur Madax-bannaan oo ka shaqeeya Caafimaadka kana howlgala Kenya.

KENYAUrurkan oo magaciisa loo soo gaabiyo IMLU ayaa Ciidamada Booliska Kenya ku eedeeysay dhimashada inta badan dad tiradoodu gaadhayso 1,873 qof oo ku dhintay shilal la xidhiidha hub intii u dhexeeysay 2009 iyo 2013, sida uu qoray Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.

“In ka badan 60% ayaa laga gudbaa iyagoo aan bixin sababihii keenay inay qofka toogtaan ama xaaladdii kalliftay inuu Askarigu hubka lasoo baxo. Waa hal-ku-dhig inaan maqalno tuhmanaha ayaa rasaas nagu soo furay oo Wiilasheenna ayaa xabbad ugu jawaabay ama qofka la tuhmayo ayaa qori ula soo baxay askarteenna. ” Sidaa waxa Eric Thuo oo ah Masuul ka tirsan IMLU kana mid ah Saraakiishii Daraasadda sameeyay.

Warbixinta ayaa muujisay in dhallinyarada da'doodu u dhexeeyso 20-ka illaa 29-sano jirka ay u badan yihiin dhibbanayaasha ku dhinta Xabbadaha. In ka badan 86% oo dhimashada guud ah ayaa ka timid is-rasaaseyn ka dhacday Nairobi, sida lagu sheegay War-bixintaas.

Hase-yeeshee, Booliska Kenya, ayaa dhinacooda shaaciyay inaanay dib dambe uga tiirsanaan doonin adeegga Sirdoonka Qaranka (NIS) si ay warbixin uga helaan Jariimooyinka, laakiin ay taas ku beddelayaan ballaadhinta laanta Sirdoonka dembiyada (CIU) si ay xogta Sirdoonka u ururiyaan.

Tani waxay timid markii weerarro waaweyn ay dhawaan ka dhaceen Kenya lagu eedeeyey Saraakiil Booliiska ka tirsan inay ku fashilmeen ka hor-tagga weerarradaas iyo inay fulin waayeen digniinihii Sirdoonka bixiyeen ee ay kaga digeen ka hor intii aanay weerarradaasi dhicin inay dhici karaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment