
“Waxaan u korsanayaa caga-baruurkan, sidaan u gaadhi lahayn in dhamaan bani’aadamka iyo dugaagu ugu noolaan lahaaayeen nabadgelyo, isla markaana u baran lahayn inaan nabad kula noolaano dabeecadeena,” ayuu yidhi Ban Ki Moon.
Xoghayaha Qaramadda Midoobay ayaa lacag gaadhaysa 703,170 oo shillinka Kenya ku bixiyey korintiisa muddo saddex sannadood ah oo uu ku wareejiyey maamulka xarunta xayawaanka Nayroobi.
“Waxaan ku kalsoonahay in Libaaxani si caafimaad leh u kori doono, isla markaana awoodi doonto wakhtiga dhow inay dhasho caruur, si xaruntani u siiso fursadaa,” ayuu raaciyey.
Mr. Moon ayaa warbaahinta u sheegay in caga-baruurkani yahay xayawaankii saddexaad ee uu kafaalo qaado koriinkiisa intii uu hayay xilka Xog-hayaha Qaramadda Midoobay oo uu qabtay sannadkii 2007.
“Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir waxa uu hadyad igu siiyey DIBI si kaftan ah loogu magacaabay Ban ki Moon. Ka dib, mar aan booqasho ku tegay waddanka Mongolia, waxa laygu siiyey Faras qurux badan, immika waxaan haystaa saddex xayawaan, dibi, faras iyo libaax,” ayuu sheegay isagoo qoslaya.
Ban ayaa ku biiray orodyahanka Hussein Bolt iyo raysal wasaarahii hore Kenya Raila Odinga oo ka mid ah magacyada dadka caanka ee hore u kafaalo qaaday cagabaruuro xaruntan ku jiray.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment