Tuesday, June 17, 2014

Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Dhaawac Gaadhsiiyey Afar Qof Oo Iskugu Jira Rayid iyo Ciidan.

Hargeysa:June,17,2014(Himilo)-Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland ayaa dhaawac u geystay Laba qof oo rayid ah iyo Lab aka tirsan ciidanka Booliska.

rasaasDhacdadan ayaa maanta ka dhacday Badhtamah Magaalada Hargeysa, gaar ahaa Xarunta dhexe Ee Shirkadda Somtel, iyadoo dadkii dhaawaca ahaana lagu daaweynayo Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Dhaawac Dadkan ciidanka iyo Rayidka iskugu jira ayaa Xaaladoodu kala duwan tahay, waxana la sheegayaa inay qaarkood qabaan dhaawacyo culus, iyadoo Askarigii rasaasta ridayna loo taxaabay Xabsiga.

Hannaanka uu askarigani Rasaasta ugu furay dadka dhaawaca ah ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, waxase inta Badan loo Badinayaa inay rasaastaasi ka qaraxday  oo aanu si kas ah ugu ridin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrintan saxaafadda ugu warramay ayaa ku gaabsaday in baadhis la wado oo aanu wax   faahfaahin ah bixinaynin.

Taliye Fadal ayaa sheegay inay jiraan Dadka dhaawaca ahi, balse xilliga Baadhistu  dhamaato ay sheegi doonaan wixii ka soo baxa, “Arrintaasi imika ayuun bay dhacday Laba Qof oo rayid ah iyo Laba Askari ayaa dhaawac ah, baadhistiina way socota kana hor dhici maayo.” Ayuu yidhi Taliye Fadal.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment