Hay’da BFI-da si xooggan ugu hawllan inay warar rasmi ah ka Helaan Tiro Tobanaan Gaadhaysa oo ka mid ah dhallinyarada shakiga laga Muujiyey.Kooxaha kacdoonka ka wada Suuriya ayaa ka kala yimid dalal badan oo reer galbeed ah, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah dowladda uu hogaamiyo Bashar Al-Asad oo muddo saddex sano iyo badh dagaalo ku socdaan.
Afhayeen u hadlay FBI Mr Kyle Loven ayaa sheegay inay hayaan xog sheegeysa in ilaa 15 ruux Soomaali Mareykanka ah oo ka tagay magaalada Minneapolis, gaar ahaan agagaarka xaafada St Paul ay tageen dalka Turkiga, iyagoo uga sii gudbay dalka deriska la ah ee Suuriya.
Dhalinyaradan ayaa ka bar bar dagaalamaya dagaalo taabacsan ururka Al-Qaacida oo ka dagaalamaya dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Afhayeenka u hadlay FBI ayaa sheegay inay baadhayaan cida u fududeysay dhalinyaradan inay tagaan dalka Suuriya, isla markaana ku dhiirri gelisay inay ku biiraan ururka Al-Qaacida.
Sanadkii 2008-dii ayay aheyd markii dhalinyaro Soomaali Mareykan ah ay ku biireen Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaaliya, kuwaasoo qaarkood fuliyay weeraro is qarxin, qaarna ku dhintay dagaalada socda.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment