Ciidamada ayaa iyaga oo amar ku qaba ka hortegidda fidnada uu cali khaliif soo wada Maalintii shalay Galay Magaalada Taleex oo uu shirk a Abaabulayey, balse Habeennimadii ayuu Guure kaga Baxay oo Halkaas laguma Gaadhin.Sida ay noo sheegeen Dadka Deegaanku, waxa Haatan Cali Khaliif iyo tiro maleesho ah oo uu wataa ay gaadheen Degmada Saax-dheer si ay uga Gabaddaan Gulufka ciidanka qaranka Somaliland Halkaas ku kiciyeen.
Kooxda Cali Khaliif ayaa la sheegayaa inay Halkaas soo Galeen Subaxii hore ee Saaka, waxana isla halkaas ku sii jeeda Ciidamo ka tirsan kuwa qaranka Somaliland oo u jeeddadoodu tahay sidii ay deegaankaas uga sifayn lahaayeen Fidnada uu cali Khaliif wado iyo danaha uu Somaliland kala soo horjeedo ee uu ku Foofan yahay.
Ciidanka qaranka ayaa la sheegayaa inaanay wali gaadhin degaanka Saax-dheer 70-km dhinaca K/Bari kaga Beegan Magaalada Lascaanood, waxase jira Dhaqdhaqaaqyo ay ciidanku ugu diyaar garoobayaan sidii ay Halkaas ku gaadhi lahaayeen.
Ciidamada qaranka Somaliland ee Ku sugan aagga Gobolada bariga dalka ayaa ilaa shalay waday Dhaqdhaqaaqyo ay ku daba socdeen Cali khaliif oo caan ku ah fikirro ka soo horjeeda Somaliland, waxase uu Baxsad ku Yahay Goobo aanay ciidanku Haatan gaadhin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment