Ninka Madaxda ka ah Xidhiidhka Dadweynaha ee Safaaradaha Britain ay ku Leedahay Nairobi Stephens Burns ayaa warbixin uu Khamiistii Shalay soo saaray waxa uu ku sheegay in dawlada Engiriisku aanay dib uga fiirsanayan go’aankeeda ay ku mamnuucday qaadka isla markana uu go’aankaasi uu dhaqan geli doono 24 bisha June-2014Waxana uu masuulkani sheegay in go’aankani aanu ahayn mid si gaar ah u taabanaya dawlada Kenya balse uu jiray qorshe dheer oo dib loogu eegayay sharci ahaanta qaadka
Waxana uu intaas ku daray in dawlada UK ay ku baraarugsan tahay saamaynta dhaqaale ee mamnuucista qaadku ee ku keenayo dalka Kenya balse dawlada Britian ay dawlada Kenya u fidin toonto taakulayn dhaqaale ,waxaa sidoo kale uu masuulkani sheegay in dawlada Ingiriisku halis u noqotay in ay ahaato gabaad looga sii daabulo qaadka dalalka kale ee la deriska ah kuwaas oo hore u mamnuucay qaadka.
Kenya ayaa tallaabada qaadka lagu mamnuucay si weyn uga soo horjeedsatay, maadaama ay dhaqaale badan ka heli jirtey, waxase jawaabta ingiriiska ka timi ay noqotay mid niyad jab ku ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment