Sanca, 17 June, 2014 (Himilo)- Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadey in kalluumaysatada dalka Yemen fasax u haystaan Kalluumaysiga biyaha baddahooda, sida ay baahisay warbaahinta dalka yemen.
Kulan Axaddii todobaadkan dhexmaray Wasiirka kheyraadka Badda ee Yemen Awadh al-Socatri iyo Wasiirka Kalluumaysiga Puntland Xasan Maxamuud, ayaa lagu sheegay in heshiiska noocan ah ee dhexmaray labada dhinac qeyb ka yahay iskaashiga dhexmari doona.
Kalluumaysatada dalka Yemen ayaa hore uga kaluumaysan jiray qaybo qaar ka mid ah xeebaha Soomaaliya, inkasta oo markii ay dillaaceen kooxaha budhcadbadeedda ay dhibaatooyin kala kulmeen, taasoo keentay in kalluumeysigooda uu hakad galo.
Heshiiska noocan ee dhexmaray maamul-goboleedka Puntland iyo dalka Yemen, waxa uu saamayn ku yeelan karaa Biyaha Badda Somaliland oo ay hore uga kalluumasan jireen si sharci-darro ah.
Ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland ayaa looga baahan yahay feejignaan dheeraad ah oo ay siiyaan ilaalinta xuduud biyeedka ee Somaliland la wadaagtno Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment