
“Waxaan doonayey in aan ka hadlo arrin inagu cusub oo ayeynaa hore u arki jirin oo dalka ku cusub oo la yidhaahdo qoladan RRU. Kolka hore waxaa is weydiin leh RRU waa maxay? Yaa xukuma? Yaa kharashka bixiya? Halkay inaga soo gashay? Ma wax ka baxsan dawladeenaa oo ajinabi ayaa xukumada? Oo taasina ay wax u dhimayso madaxbanaanideeni. Kolka daalikhiliga la waydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi, Gerneralka ciidanka booliska marka la waydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi, markaa waxaa is waydiin leh RRU-da xagee laga amraa” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Eng maxamed Xaashi waxa uu Doqoniimo ku tilmaamay in xubno ka mid Wasaaradaha Daakhiliga iyo Boolisku ku andacoodaan inaay fahan sanayn waxa dhacaya, waxana uu yidhi,
“Waxaa yara doqoonimo ah in nimankaas madaxda ah ee daakhiliga iyo booliska ah inay yidhaahdaan waxan dhacaya garan mayno iyaga ayey ku tahay doqonimo weyn, inay is casilaan ayey ahayd ilaahbaa risiqa hayee hadii aanay joojin karayn waxan socda”
Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi ayaa intaas ku daray in hadii qaabka maanta dalku maraayo wax laga badali waayo xaalku noqon doono sida uu sheegay Soomaaliyadaa is wada cunaysa.
Eng Xaashi oo hadalkiisa ku dheeraaday ayaa dhamaadkii soo jeediyey in guud ahaan xilka dawladanimo ay iska casilaan xukumada Kulmiye, waxaanu sheegay inay maamuli kari waayeen xisbigoodii, taasina ay cadayn u tahay sida uu carabka ku dhuftay in aanay dalna maamuli Karin, waxaanu yidhi,
“Xisbiga KULMIYE wixii uu ka cabanaayey oodhan, haday musuqmaasuq tahay, haday sharci daro tahay wixii oo dhan maanta isaga ayaa ku dhaqmaaya, KULMIYE waxaan u malaynayaa ta qudha ee u fiican waa madaxweynaha iyagoo iska casila oo dariiqa u baneeyaan oo dawlada ku meel-gaadh ah, sidii loo sheegaayey Baarlamanka wakhtigiisi uu dhamaaday sharci daro ayuu ku joogaa, kolkay shaqadooda qabsan waayaan ayaa la yidhaahdaa kordhin, kordhin dambe oo la aqbalayaa ma jirtee ninkii shaqadiisa ka seexdaw iskaga tag. Xisbi ayaad maamuli kari weydeen oo aad isku haysataan oo qayladiisu socotay mudadaas dhan, dalna ma maamuli kartaan”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment