Sunday, June 1, 2014

Telefoonka Gaarka ah ee Madaxweyne Uhuru Oo Maraykanku Dhegaystay iyo Kenya Oo Ka Hadashay

Nairobi:Jue, 01, 2014 (Himilo)-Xukuumadda Dalka Kenya ayaa war soo saartay ku sheegtay in Sirdoonka Maraykanku ay si  Joogto ah u dhegaystaan Telefoonka gaarka ah ee Madaxwene Uhuru.

celfoWasiirka Warfaafinta Kenya Fred Matiang oo arrintan ka Hadlay ayaa wax aan la aqbali Karin ku sheegay in la dhegaysto Telefoonka gaarka ah ee Madaxweyne Kenyata, “Arintan oo kale waxa ay dhaawacaysaa siraha gaarka ah ee madaxdeena,mana aha wax laga aqbali karo dhinaceena” ayuu yidhi wasiir  Fred Matiang.

Waxaa kaloo uu wasiirka sheegay in howshan lagu xalin doono qaab-dublamaasiyadeed, isla markaana la ogaaday xog- ku saabsan in la dhagaystay wada-hadallo dhex maray madaxweynaha iyo masuuliyiin hore uga tirsanaan jiray aqalka  sare ee barlamaanka Kenya.

 

Fred Matiang ayaa tilmaamay in wasaaradda arimaha dibadda Kenya ay arintan kala hadli doonto madaxda dowladda  Maraykanka, isagoo xusay in xitaa la dhagaystay taleefanada madax badan oo Afrikaan ah.

 

“Waan ogahay in arintan ay tahay mid shaac baxsan waayo waxaa hore loo basaasay dad ay kamid yihiin Angela Markel iyo kuwa ka tirsan Midowga Yurub,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ,waxaana uu ka digay dhibaatada ka iman karta arimahan  oo kale .

 

Ma aha Kenya oo kaliya dawladaha ka cabanaya dhegaysiga Telefoonka Madaxweynahooda, balse waxa jira Dalala Badan oo Yurub ah, kuwaas oo is badan ka ashkatooday Siraha Madaxdooda oo Maraykanku Gacan-dhaaf ku sameeyey.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment