Hargeysa, 12, June, 2014-(Himilo)- Alla naxariistii Janno haka waraabiyo Maxamed Maxamuud Kastan oo ahaa Qoraa ruug-caddaa ah oo kana mid ahaa bud-dhigayaashii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, isla markaana Buugaag kala duwan qoray, ayaa shalay ku geeriyooday gurigiisii uu ka degganaa magaalada Hargeysa.
Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam oo Caan ku ahaa MM. Kastan, waxa geeridiisa la ogaaday shalay gelinkii dambe ka dib markii wax war ah laga waayay 48-kii saacadood gurigiisa oo uu wakhtigan keligii degganaa, maaddaama oo Qoyskiisa deggen yahay dalka dibaddiisa.
Allaah Ha u naxariistee Marxuumka ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Hargeysa Maanta oo ay bishu tahay 12 Jun 2014.
Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastan waxa uu Taariikh facaweyn ku lahaa Saxaafadda Somaliland iyo guud ahaan Bahda Qoraayada Soomaaliyeed, taasoo aanu kusoo qaadan doono mawduucyo danbe haddii Rabbi raalli ka noqdo. Marxuumku waxa uu Sumcad, Magac, Karaamo, Qaddarin, Maamuus iyo Sharaf ku dhex lahaa Saxaafadda Somaliland iyo Qorayaasha Soomaaliyeed.
Allaah ha u naxariistee MM. Kastan, waa Rukun iyo tiir-dhexaad ka baxay bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Saxaafadda Somaliland, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland, waxaanu ka soo shaqeeyey Wargeysyo ay ka mid yihiin Xorriyo iyo Jamhuuriya.
Waxa uu Marxuumku ka soo shaqeeyey Telefeshinkii ugu horreeyey ee Somaliland laga hirgeliyey ee Somaliland Space Chanel oo wakhtigaa la odhan jiray Somaliland TV. Sidoo kale, waxa uu La-taliye dhinaca Saxaafadda iyo Wax-soo-saarka iyo tayeynta Barnaamijyada ah ka noqday Horn Cable TV iyo Telefeshinka Qaranka Somaliland. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Warbaahin badan oo Somaliland hadda ka jirta oo uu fikirkeeda iyo hirgelinteedaba ka qayb-qaatay. Waxa uu qoray Buugaag badan oo kala duwan. Alle ha u naxariistee, waa ruux kaalintiisu ku bannaanaatay xalay Warbaahinta Somaliland iyo guud ahaanba Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha iyo qoraayada Soomaaliyeed-ba.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ka hadlay geerida Marxuumka, ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee MM Kastan.
War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada, ayuu Madaxweynuhu ku diray Tacsidaas, kaasoo qoraalkiisu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafadda Somaliland iyo Bahda Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastan (M.M KASTAM) oo ku geeriyooday 11.06.2014 Caawa (xalay) Hargeysa.
Marxuumka oo ka mid ahaa Aasaasayaashii dhidibbada u taagay Saxaafadda Somaliland, kana mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee Alle hibada u siiyey Qoraalka mar walbana wax ka qori-jiray hadba wixii taagaan. Waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeys-yada iyo Television-nada Dalka intooda badan wuxuu indhaha u jeexay da’a yarta Saxaafadda maanta ku shaqaysa intooda badan oo uu tusaale u ahaa.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda iyo Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay xarunta Maaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa xalay.
Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, iyagoo ku hadlaya Magaca Suxufiyiinta Somaliland, waxay Tacsi Tiiranyo leh u dirayaan dhammaan Suxufiiyinta Somaliland iyo Hay’adaha Warbaahinta iyo Guud ahaan Bulshada Somaliland Gaar ahaan Qoyskii, Eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum MAXAMED MAXAMUUD KASTAN oo Arbaca 6/11/14 (xalay) ku geeriyood magaalada Hargeysa wuxuu Ururka SOLJA Illaahay uga baryayaa in Illaahay Samir iyo iiman ka siiyo Eheladii Iyo Asaxaabtii, Marxuumkana naxariistii Janno ka waraabiyo.
Haddaannu Bahda Himilo Media Group, annaga oo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuum Maxamed Maxamuud Kastan, waxaannu Tacsi u diraynaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, guud ahaan Warbaahinta iyo Qorayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan Saxaafadda Somalilland ee uu Rukunka u ahaa, waxaananu Marxuumka Illaahay uga beryeynaa inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo, dhammaanteenna Samir iyo Iimaan Saadiq ah innaga siiyo. Aamiin…Aammiin..Allaah ha aqbalo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment