Hargeysa, 12 June, 2014 (Himilo)- Qaar ka mid ah Salaadiinta beesha Subeer Awal oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa soo dhaweeyay isla markaana taageeray go’aankii ay golaha Guurtida Somaliland ka soo saareen Xalinta khilaafkii garabyada xisbiga Kulmiye iyo aqbalaaddii madaxxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Madax-dhaqameedkani waxa ay sheegeen in ay soo dhawaynayaan musharaxnimada mar labaad uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) tartanta madaxtnimada ugu taagan yahay xisbiga Kulmiye.
Madax-dhaqameedka shirkooda jaraa’id shalay ku taageeray murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo iyo go’aamadii Golaha Guurtida, waxa ka mid ahaa, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele, Suldaan Axmed Cabdilaahi Samaale, Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Muxumed, Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Suldaan Maxamed Daahir Cilmi, Suldaan Axmed Cabdilaahi Dawaale.
Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele oo ka halkaasi ka hadlay , ayaa yidhi, “Haddii aanu nahay salaadiinta beesha Subeer Awal ee halkan shirka jaraa’id ku qabtay waxaanu ayidsanahay go’aankii ay golaha Guurtidda Somaliland ka soo saareen khilaafkii xisbiga Kulmiye, ee ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbigu-ba qaateen. Anaguna sidaas ay ku qaateen ayaanu ku ayidsanahay, Somaliland dalalka kale ee inagu xeersan waxa ay dheer tahay golaha guurtidda, guurtidaas oo u taagan xalinta khilaafaad kasta oo dalka gudihiisa ka dhaca.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Dhamaanba intaa aanu ku dooranay madaxweyne Siilaanyo wuu kaga dhabeeyay, Somaliland-na maanta halka ay marayso nin cadow ah mooyaane nin muwaadin ahi ka nixi maayo, mar labaadna waxaanu diyaar u nahay in aanu doorano madaxweyne Siilaanyo.”
Suldaan Axmed Cabdilaahi Samaale oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi, “Go’aankii ay golaha guurtidu ka soo saareen khilaafkii xisbiga Kulmiye aad iyo aad ayaanu u taageeraynayaa, golaha guurtidana waan u ugaga mahad celinaynaa hawshaasi ay qabteen iyo kuwii ay hore qaranka ugu soo qabteen. Khilaaf kasta oo yimaadana iyaga ayaa dhameeya, golaha guurtidu kaalinta ay Somaliland kaga jiraan mujtamaca Somaliland-na wuu u ogyahay, illaahayna wuu ka abaal marin doonaa, waxa kale oo aan iyagana tahniyadaynayaa madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga sidii wanaagsanayd ee ay u aqbaleen go’aankii guurtida”.
Waxa kale oo uu ka hadlay Suldaan Axmed Cabdilaahi Samaale, “Waxa kale oo aanu shacbiga reer Somaliland u soo jeedinaynaa in ay nabadgeliyadooda ilaashadaan, oo ay illaahay ugu mahad naqaan amniga wanaagsan ee uu ina siiyay. Nabadgeliyadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola, waxaananu shacbiga ugu baaqaynaa in aan nin muraad leh ku guurin, ee ay nabadgeliyadooda ilaashadaan” ayuu yidhi suldaan Samaale.
Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Muxumed oo ah suldaanka beesha Awal Bari oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay khilaafkii xisbiga Kulmiye ay hore uga hadleen dhamaanba beelaha dega Somaliland isla markaana beesha Subeer Awal ay tahay beeshii ugu danbaysay ee ka hadasha, waxaanu sheegay in ay taageersan yihiin go’aankii ay golaha guurtidu ka soo saareen khilaafkii xisbiga Kulmiye.
“Haddii dad loo gar-naqo gobanimadu waxay tahay in labadda dhinac ay aqbalaan, madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga waxaan leeyahay waad muujiseen gobanimaddii, oo waad aqbasheen go’aankii, shacbigana waxaan leeyahay madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbigu wixii ay isla qaateen ayaan qof muraad gaar ah leh si kale ugaga faa’iidaysan shacbiga, oo aanu si kale ugu fasarin,” ayuu yidhi Suldaan Cismaan
Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Suldaan Maxamed daahir Cilmi, Suldaan Axmed C/laahi Dawaale iyo slaadiintii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodba waxay sheegeen in ay soo dhawaynayaan go’aankii ay golaha guurtidu ka gaadheen xalinta khilaafkii xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale aqbalaadii go’aankaasi ee madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment