Thursday, June 12, 2014

Soomaaliya oo kaalinta 4-aad ka gashay Dalalka Tacaddiyada Kufsiga ah Haweenka loogu geysto ee dunida oo dhan




London, 12 June, 2014 (Himilo)- Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta afraad ka galay dalalka dunida ee uu ka dhaco Kufsiga qasabka ah ee loo geysto Haweenka, sida lagu sheegay Shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo Tacaddiyada Haweenka loo geysto ee Kufsigu ugu horreeyo, kaasoo shalay ka furmay magaalada London ee waddanka Ingiriiska oo ay dawladda dalkaasi qabatay.


SHIRKA TACADDIGA HAWEENKA EE LONDON KA FURMAYShirkaas waxaa lagu soo bandhigay Xogo rasmi ah oo ay bixiyeen Haween ay si khasab ah Rag hubeysani Kufsi ugu geysteen ama galmo lagu qasbay si lacag looga helo ama loo xidhay, loona jidh-dilay qasabko galmo sharci-darro iyo xoog ah, ayaa kiciyey dareenka dad badan oo ka qayb-galay shirkaas lagaga hadlayo Xad-gudubyada loo geysto Haweenka ka furmay magaalada London ee xarunta dalka Britain.


Tobannaan kun oo Haween ah ayaa dhibaatadan oo kale kula kulmay dalalkooda sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo noloshoodu ay muddo khatar weyn ku jirtay iyadoo tani ay ku beertay Haweenkaas dhibaato xooggan oo aan ka hadhayn illaa inta ay nool yihiin.


Shirkan ayaa waxa tegay qaar ka mid ah Haweenka dhibaatooyinkaas kufsiga ah loogu geystay dalalkooda, waxaana ka mid ah Dumar ka tegay dalka Bosnia, halkaas qiyaastii 50,000 oo Haween ah iyo tiro aan la ogeyn oo ay kufsadeen Rag Askar ah afartii sano ee uu dalkaasi ku jiray colaadda.


Waxaa shirkaa laga sheegay in Haweenka la kufsaday ay dalalka qaarkood kala kulmaan dhibaatooyin takoor ah, taasoo sababta in aanay helinba guur iyo nin guursada. Dalalka ay inta badan ka dhacaan kufsiyada loo geysto Haweenka ayaa la xusay inay ka mid yihiin: Suuriya, Koonfurta Suudaan, Afrikada Dhexe iyo Soomaaliya.


“Waxaan ka codsan doona dalalka shirka ka qaybgalaya inay sameeyaan sharci ka dhan ah kufsiga iyo xad-gudubyada galmada si looga Cidhib-tiro caalamka oo dhan dhaqankan foosha-xun.”  Sidaa waxa Wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska William Hague oo ka hadlay furitaankii shirkaas.


Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ugu baaqayaa dhammaan Ciidammada nabad-ilaalinta ah in la tabobbaro si ay u fahmaan ka hortagga rabshadaha iyo xad-gudubka galmada. Waayo waxaan doonaynaa buu yidhi in ka hortagga Xad-gudubyada uu kufsigu ka mid yahay ee Haweenka lagula kacaa ay noqdaan arrin caalami ah oo dhinac looga soo wada-jeesto, si isku mid ahna wax looga qabto.


Wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska William Hague oo ka hadlaya shaqsiyaad Kufsiga caanku ah oo caalamka laga yaqaanno, waxa uu yidhi; “Dalalka dunida waxaan uga digaynaa inay gacan siiyaan kuwa geysanaya falalkaas, lana xoojiyo ugaadhsiga Ragga sida weyn uga dambeeyay xad-gudubyada kufsiga sida Joseph Kony oo kale. Waxaan sidoo kale weydiisanaynaa kuwa ku bixinaya dhaqaalaha si loo badbaadiyo iyo hay’adaha la shaqeynaya inay faraha kala baxaan caawintiisa.” ayuu hadalkiisa ku daray Hague.


Shirka ayaa laga sheegay in xad-gudubyada kufsiga ahi ay ka dhacaan in ka badan saddex meelood afar dalalka hore u sameystay sharciyada lagaga hor-tagayo galmada sharci-darrada iyo xoogga ah ee sida badheedhka ah loogula kaco Haweenka. Waxaanay xubnihii Shirkaas ka hadlay sheegeen inay ka go’an tahay inay awoodda saaraan sidii dunida oo dhan looga cirib-tiri lahaa galmada sharci-darrada ah.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment