
Markii loo dhacay barta ay tuwiitarka ku leeyihiin ciidamada Militeriga Kenya, ayaa waxa la soo galiyay qoraalo kala duwan oo aan ka turjumayn fikirka militiriga dalka.
Mid ka mid ah qoraalada la soo galiyay tuwiitarka militiriga dalka ayaa loo dhigay sida tan :”saboolnimo badan ayaa ka jirta africa halka idinkuna aad lacag ku qasaarinayasaan hubka.”
Afhayeenka militiriga dalkani Kenya, Major Emmanuel Chirchir, ayaa sheegay in militiriga dalka ay dadaalo ugu jiraan sidii ay dib uga hanan lahaayeen bartaasi tuwiitarka ay ku lahaayeen ee la jabsaday ama la dhacay.
Ilaa iyo haatan ma cada cida u dhacday oo jabsatay barta ay tuwiitarka ku leeyihiin militiriga dalkani Kenya, waxase Loo Malaynayaa in ay arrintaas ka dambeeyeen Dad aan ku faraxsanayn Tallaabooyinka ay ciidamada waddankaasi ku Hawllan yihiinn muddooyinkan Dambe.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment