
“Hawshii Biyaha Hargeysa ee Hadalku ku Badan yahay gaar ahaan tii xumboweyne haddaan ku horreeyo waxan caddaynayaa inay Hawshii meel fiican marayso, madaxweynuhuna dhawaan guddi buu u xilsaaray, Guddidaana waxa loo xirsaaray haddii wax farsamo xumo ahi jirto, waayo biyihii waxa lagaga cabanayaa si yar oo dadka qalad looga dhaadhciyey’e waxan leeyahay biyahaasi meeshii loogu talo galay bay tegeyaan, Biyahaasna waxan ku rajo weynahaya inay qaabkii loogu talo galay ay maraan.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa kale uu wasiirka Biyaha Somaliland carrabka ku dhuftay Mashruucii Midowga Yurub ku Ballaadhinayeen Biyaha Geed-deeble iyo wax aka Ka qabsoomay illaa iyo Hadda, isagoo xusay in Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo laga filayo inuu Mashruucaasna Dhagax-dhigo, waxana uu yidhi,
“Tii kale ee Reer Yurub ina siiyeen ee Geed-deeble iyo biyo-balaadhin ta ahayd iyana qaabkii loogu talo galay ayey u ssocotaa, oo waxanu ku rajo weynahay in dhakhso beebkii halkaass kasoo qaadi lahaa uu madaxweynuhu dhagax dhigo oo kaliya waxanu sugaynaa inay qalabkaas iyo Beebabku yimaadaan.”
Wasiirku waxa uu farriin u diray Shacabka degan Magaalada Hargeysa oo cabsida ugu weyn ee ay qabaan ay tahay mid Biyood, waxana uu yidhi,
“Dadka waxan u sheegayaa in haddii ku wa Xumbo weyne ay inoo soo dhamaadaan in hargeysa ay Biyo la’aanta ka bixi doonaan.”
Wasiir Xuseen ayaa ugu dambayntii tacsi u diray Ehelada Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo dhawaan Lagu Aasay Magaalada Buuhoodle isagoo u rajeeyey Naxariista Eebe.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment