
Goobaha macquulka ay tahay in weeraradu ay kadhacaaan waxaa kamid ah .
Magaalada 60 KM u jira xuduuda kala qeybisa Somalia iyo Kenya Gaarisa.
Xaafadda Eastleigh iyo xaafadaha kale ee Nairobi u dhow.
Xaafada dhaqaalahoodu ay hooseeyaan oo ay daganyihiin dadka faqiiriinta ah .
Magaalada Mombasa iyo magalada kale ee Mtwapa oo 5 km ujirta Mombasa.
Garoomada diyaaradaha ee kala ah Diani ama Moi.
Gobolka xeebta ah ee Lamu iyo gobolka Tana River.
“Xafiisku wuxuu ka cabsi qabaa in Shabaabku ay afduubaan dadka reer galbeedka ah ee ay ku jiraan kuwa Ingiriiska kasoo jeeda taasi ayuu xafiisku uga digayaa muwaadiniintiisa in ay feejignaadaan,” sidaa waxaa lagu yiri warka kasoo baxay FCO.
Warka xafiiska ayaa lagu sheegay in dilkii wadaadka caanka ahaa ee dhacay 1-dii April uu kiciyay dad badan ,ayna macquul tahay in ay dhacaan rabshado xiliyada salaadaha laga soo baxo khaasatan salaada Jimce.
Kenya ayaa la sheegay in dalxiis ay ku yimaadeen sanadkii 2012-kii muwaadiniin Britain ah oo gaadhaya ilaa 185,967,balse haatan waxaa la leeyahay hoos u dhac ayaa ku yimid dadkii dalxiiska u iman jiray tan iyo markii ay bateen weerarada Al-Shabaab.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment