Monday, July 14, 2014

Madaxweynaha oo ka hadlay Dhaliilo Xukuuumaddiisa loogu jeediyo ku-xad-gudubka madax-bannaanida Garsoorka iyo Xoriyatul-qawlka

Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa iska fogeeyey dhaliilo Beesha Caalamku xukuumaddiisa ugu jeediyaan meel-ka-dhac iyo ku-tumasho ay ku hayso xoriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida Saxaafadda Dalka, wakhti ay Xayiran yihiin Xarumo warbaabineed oo xukuumaddiisu Alabaabada u laabtay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu tix-gelinayo isla markaana dhegaysanayo soo-jeedimaha iyo dhaliilaha beesha caalamku ka sheegaan hab-dhaqanka xukuumaddiisa, haseyeeshee waxa uu ku margaday xarumaha warbaahineed ee xayiran oo ku dooday inay sabab u tahay wax ay iyagu isu-geysteen.

DSC_0643Md Axmed Siilaanyo oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaarada Hargeysa ka hor socdaal ay dibadda ugu baxeen isaga iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa, ayaa markii uu ka hadlay ujeeddada socdaalkiisa ka dib, waxa wariyeyaasha fursad loo siiyey su’aalo ay madaxweynaha ka weydiiyey Arrimo khuseeya Hab-dhaqanka Xukuumaddiisa ee ku aaddan xorriyatul-qawlka, Nidaamka Maamul ee uu dalka ku hoggaamiyo, kalsooni-darrada dawladda Ingiriisku ka qabto Ammaanka dalka, sababta ay masuuliyiinta xukuumaddiisa u faaruqiyaan xafiisyada xilliyada uu madaxweynuhu dalka ka baxayo ama uu ku soo guryo noqdo iyo Arrimo kale.

Ugu horeyn madaxweynaha Siilaanyo oo la weydiiyey sida uu u arko Xadhigga Suxufyiinta iyo la-dagaalanka Xorriyatul-qawlka oo beesha Caalamku xukuumaddiisa ku dhaliisho, waxa uu ku jawaabay oo yidhi, “Haddaan u arko Inaan ku tuntay Xuquuqda Saxaafadda, lama xidheen. Haddii la xidhay Maxkamadaa xidhay, waxa lagu xidhay bay qabaan, laakiin mar walba waxaanu diyaar u nahay inaanu tix-gelinno waxa ay Dunidu naga sheegayso, wixii kale ee cadaalad ku jirto inaanu fulino diyaar baanu u nahay.”

Sidoo kale, madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay hab-dhaqanka masuuliyiinta Xukuumaddiisa ee xilliyada uu safarrada ugu baxo dibadda iyo wakhtiyada uu dalka ku soo laabanayo oo soo dhawayntiisa ama sii-sagootintiisa loo faaruqiyo xafiiska hay’adaha dawladda.

Madaxweynaha oo arrintan su’aal laga weydiiyey, waxa uu sheegay in aan la waayi karin dhaliilo  ku jawaabay, “Ama halaga cawdo ama yaan laga caban, laakiin qaranku wuu socdaa, xafiisyadu way shaqaynayaan. Dhaliil la waayi maayo, dhaliilo waa jirayaan, mid run ah iyo been ah iyo mid layska sheegaba, waana caadi dawlad aan laga sheeginba ma jirto,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment