Tuesday, July 15, 2014

Ciidanka Qaranka Koonfurta Gobolka Sool Oo Raacdo Ugu Jira Kooxo Fallaagada Khaatumo ka Tirsan Oo Halkaas Ku Dhuumaalaysanaya

Kala-Baydh:July,15,2014(Himilo)-Xooggag ka tirsan Ciidanka qaranka somaliland eek u sugan Aagga Koonfurta Sool, ayaa raacdo  ugu jira Xubno ka tirsan Maleeshiyada KHaatumo oo dhuumaalaysi kaga jira Halkaas.

leesWararka aanu Deegaanka Kala-baydh ee Koonfurta Gobolka Sool ka helayno, ayaa sheegaya inay ciidanku heleen Tibaaxo sheegaya in hadhaagii kooxda Khaatumo dhuumaalaysi ku joogaan Halkaas, taas oo keentay inay ciidanku Hawlgallo saaka ka Bilaabaan Deegaanada warku ka yimi.

Kooxaha Khaatumo ayaa Haatan dedaal ugu jira sidii ay jidgooyooyin ugu geli lahaayeen Ciidanka  Somaliland ee Deegaanadaas ukala  gooshaya, waxana Ciidanku bilaabeen Dabagal ay ku hayaan kooxahaas iyadoo laga Baadhayo Goobaha ay ku dhuumanayaan ee miyiga u badan.

Dorraad ayey tiro ka tirsan Kooxaha KHaatumo jidgooyo u galeen Ciidanka qaranka, iyadoo halkaas uu khasaare ka dhashay, waxana Maxaabiis laga soo qabtay Maleeshiyada Khaatumo ay Haatan ku xidhan yihiin  Magaalada Burco oo loo soo dhaadhiciyey.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment