Tuesday, July 15, 2014

Israil Oo Hakisay Gumaadkii ay ku Haysay Falastiiniyiinta

Tel Aviv:July,15,2014(Himilo)-Dawladda Yuhuudda, ayaa ugu dambayntii sheegtay inay Aqbashay Soo jeedimo ay ku joojinayso Gumaadka ay ku Hayso Shacabka Reer Falastiin oo ay Masar gadh-wadeen ka ahayd.

gi,Ururka Xamaas ayaa sidoo kale muujiyey caalamado muujina dhankooda in ay aqbalayaan hindisa dalka Masar, Garabka Mileteri ee Xamaas ee Qasaam ayaa ku tilmaamey hindisahaas mid lagu duleynaayo shacabka Falastiin looguna garbaduubayo Yuhuudda, Waxaana Xamaas ay ku xidhey aqlabaad xabbad joojinta shuruud, iyaga oo sheegay Xabbad joojin keliya aanay waxba tarayn ee ay tahay in la soo afjaro dulmiga lagu hayo shacabka Falastiin.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa maalintii isniintii sii bandhigey hindise ku saabsan xabad joojin labada dhinac ee Israel iyo Xamaas ah.

Qorshaha Madaxweynbe Sisi ayaa ka kooban saddex qaybood, ugu horeyn in labada dhinac shuruud la’aan xabbad joojin u aqbalaan. Kadib in la furo xuduudaha Qasa labada dhinacna lagu wada hadalsiiyo magaalada Qaahira.

Kadib kulan dheer oo golaha Wasiirada ee Yuhuuddu ay yeesheen habeenkii xalay ayaa maanta xafiiska Rayslawasaaraha Israel sheegeen in ay oggolaadeen hindisaha dalka Masar.

 

Weerarka Israel ku qaadey marinka Qasa ayaa sababey dhimashada dad ku dhaw 200 oo qof waxaana ku dhaawacmey dad kor u dhaafaya 1000 qof, dadka waxyeeladu soo gaadhey waxaa u badan caruur, haween iyo in badan oo kamid ah dadka rayidka ah.

 

Dagaalka Israel ku qaadey bishan Ramadan marinka Qasa ayaa galay maalintiisi todobaad, Qaramada Midoobey ayaa kulan ay ka yeesheen arrintan ayaa xitaa canbaareyn kari waayey dadka rayidka ah ee sida arxandarada ah ugu dhimanaya duqeynta diyaaradaha dagaalka ee israel.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment