Wednesday, July 2, 2014

Dawladda Dalka Djibouti Oo Lagu Eedeeyey Inay Albaabada Iskugu Dhufatay Masaajid Lagu Cibaadaysanayey

Djibouti:July,02,2014(Himilo)-Koox u doodda Xuquuqda aadamaha iyo Dimuqraaddiyada Dalka Djibouti oo lagu magacaabo ODDH, ayaa xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle Hoggaamiye U soo jeedisay Eedo la xidhiidha Masaajid la xayiray.

ODDHUrurka u dooda dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadanaha dalka Jabuuti oo lagu magacaabo ODDH ayaa ku eedeeyay xukuumadda Jabuuti inay xirtay Axaddii lasoo dhaafay masjid lagu cibaadeysanayay oo ku yaalla  xaafad ka tirsan magaalada Jabuuti.

 

Waxa ay ururkani sheegeen in ciidmada ammaanka Djibouti ay dadku ku cibaadaysanayey ka dareeriyeen Masaajidkaas Axaddii la soo dhaafay.

Waxay ay intaas ku dareen in amarka masaajidka lagu xidhay ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Djibouti, iyadoo ay la ogayd wasaaradda Muslimiinta iyo awqaafku.

“Toddobaadkii lasoo dhaafay boolisku waxay xidheen masjid ay ku cibaadeysanayeen dad muslimiin ah, iyadoo booliisku ay la wareegeen gacan ku haynta masaajidkaas; iyadoo loo diiday dadku inay ku cibaadeystaan,” ayaa lagu yidhi warbixin uu ODDH soo saaray.

Sidoo kale, ururka ayaa sheegay in tani ay tahay mid ka horimanaysa xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu si xor ah u cibaadeysto, iyagoo dalbaday in si dhaqso ah dib loogu furo masaajidkan si ay dadweynuhu ugu cibaadeystaan.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Jabuuti oo ku aaddan xidhitaanka masjid ay dad ku cibaadeysanayeen, iyadoo sidoo kale aanu ururku sheegin sababta ay u xidheen ciidamada booliisku Jabuuti masaajidkan.

 

Bishii hore ayaa waxaa magaalada Jabuuti ka dhacay qarax ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, kaasoo dilay tiro dad ah kuwo kalena dhaawacay, waxaana tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyay socday dadaallo looga hortagayo inay qaraxyo kale ka dhacaan Jabuuti.

 

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment