Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya Wasaaradaha Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha?
“Wixii Cashuur ah ee Badda annagaa ka masuul ah ilaalinteeda. Gobolkani malaha ciidan ilaaliya cashuuraha, markaa isaga ayaa isku haya ilaalinta cashuuraha iyo Xeebahaba.”
Saylac, 02 July, 2014 (Himilo)- Maamulaha Kastamka Cashuuraha ee degmada Saylac, Taliyaha Ciidanka Ilaallada Xeebaha ee gobollada Selal/Awdal iyo Isu-duwaha Wasaaradda Kalluumaysiga ee gobolka Selal, ayaa ka hadlay muran iyo khilaaf sababay isku-dhac dhexmaray masuuliyiinta gobolkaas iyo cabasho ka soo yeedhay kalluumaysato Canfar ah oo la sheegay in Jiwan la’aan lagaga qaaday cashuurta kalluumaysi ay ka sameeyeen xeebaha Saylac.

Arrinta labaad ee la xidhiidha jaah-wareerka maalmihii u dambeeyey ka taagnaa degmada Saylac, ayaa la xidhiidha ka dib markii kalluumaysato Canfar ah cabasho ka muujiyeen lacago cashuur ah oo sifo qaldan looga qaaday, arrintaas oo sida la sheegay gaadhay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka Djibouti Xasan Cumar Maxamed uu Badhasaabka Gobolka Selel Cabdiraaq Waaberi Rooble uga soo askatooday cabashada ay u gudbiyeen Kalluumaysatada Reer Jabuuti.
Haddaba, waxa aanu jiritaanka arrimahan iyo is-maandhaafka dhexmaray Masuuliyiinta iyo Nidaamka Cashuur-ururinta ee hay’adaha gobolka wax ka weydiinnay Maamulaha Kastamka Cashuuraha ee Saylac Cabdirisaaq Aadan Yuusuf, Isu-duwaha Wasaaradda Kalluumaysiga ee gobolka Selal Cabdiqaadir Ismaaciil Jaamac, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobollada Selal/Awdal Haaruun Siciid Cali, kuwaas oo arrimahan ka hadlay.
Maamulaha Kastamka Cashuuraha ee Wasaaradaa Maaliyadda oo isaga aanu ugu horeyn weydiinnay waxa ka jira gacan-ka-hadalka dhexmaray Badhasaab ku-xigeenka gobolka Selal, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka is-faro-saar dhexmaray isaga iyo masuulkaas iyo in arrintaasi keentay in labadooda xabsiga loo taxaabo, balse waxa uu qiray inuu jiro khilaaf u dhexyaa isaga iyo Guddoomiye ku-xigeenka gobolka.
“Wax dagaal ah oo dhacay ma jirin, cidina namay xidhin, awoodna uma laha inay annaga na xidhaan. Awooddoodaba maaha inay na xidhaan haddaanay wax dhibaato ahi dhicin.
Wax gacan ah iyo wax nabar ah oo ninkaas iga gaadhay majirin haba-yaraatee oo annaga oo aan is-gaadhin ayaa nala kala jiiday, markii dambena mobilkaygii baa iga dhacay oo intuu qaatay ayuu kaadhkii kala baxay, aniguna waxaan ku idhi ha la iiga soo qaado, intaas ayaa na dhex-martay,” ayuu yidhi Maamulaha Kastamka Cashuuraha gobolka Selal.
Sidoo kale, waxa aanu Masuulkan wax ka weydiinnay cabashada la xidhiidha cashuuro nidaam aan sharciga waafaqsanayn oo la sheegay ka qaadeen kalluumaysato reer Jabuuti ah iyo sidoo kale nidaamka ay wasaarad ahaan u maraan cashuur-qaadista kalluumaysatada iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda ee gobolka.
Isu-duwuhu isaga arrimahan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Annaga kalluumaysigu shaqadayada maaha, waxa lanoo keenaa foomam ay qolada kalluumaysigu soo qiimaysay, taas uunbaanu ku qabannaa cashuurta. Qofka kalluumaysata ah ee kalluunka soo gurtay waxa masuul ka ah ciidanka ilaalada xeebaha oo iyagu foomka soo qora waxay u gudbiyaan qolada kalluumaysiga oo iyagu soo qiimeeya, dabadeedna wasaaradda maaliyadda ayaa loo keenaa oo cashuurta ka qabata, markaa saddexdayada ayaa wada-shaqaynta leh. “
“Annaga waxa naga dhexeeya foomka ay ka soo qaataan kalluumaysiga, qiimaha ku qoran ayuunbuu ka qaadaa inanka shaqaalaha (Cashuuraha) ee goobta jooga. Markuu ka qaadana, foomkii iyo juwankii ayuu isugu dhejiyaa, qofkiina waxa uu kula noqdaa wasaaradda kalluumaysiga, wasaaradduna hadday wax ka khaldan yihiin ma fasaxaan, haddii wax khalan yihiin juwanka la jaray annaga ayay dib noogu soo celisaa, haddii uu saxsan yahayna waxay u gudbisaa taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha, sidaasuu taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhuna ku fasaxaa marka uu eego qiimaha lagu qaaday ee qofka cashuurta laga qabtay eego, ayuu sidaas ku fasaxaa,” ayuu yidhi Maamulaha Xafiiska cashuuraha ee wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay degmada Saylac, waxaanu intaas raaciyey, “Markaa sidaas ayaanay u jirin, wax annagu aanu iskayo iskaga maamulano aanu lacag bilaa hubin ah ka qaadano.”
Dhinaca kale, waxa uu Wargeyska Himilo khadka telefonka kula xidhiidhay Taliyaha Ilaalada Xeebaha gobollada Awdal iyo Selal Haaruun Siciid Cali oo ku sugan degmada Saylac, kaas oo aanu waydiinay nooca wada-shaqayneed ee ka dhexeeya wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumaysiga, isaga oo arrimahan ka hadlayana, waxa uu yidhi, “Wixii Cashuur ah ee Badda annagaa ka masuul ah ilaalinteeda. Gobolkani malaha ciidan ilaaliya cashuuraha, markaa isaga ayaa isku haya ilaalinta cashuuraha iyo Xeebahaba.
Annagu waanu ku jeeg-garanaynaa wasaaradda maaliyadda iyo kalluumaysiga labadaba. Markay soo eegayaan waanu la joognaa, marka ay cashuurtu baxaysana wixii aanu soo eegnay haddaanay waraaqda ku qornayn dibbaanu ugu soo celinaynaa, saddexdayada oo aanu wada-soconna laba ama mid ma tagi karto.”
Taliyaha Ilaalada Xeebaha ee gobollada Awdal iyo Selal waxa uu sheegay inay jiraan ciidamo ka hawl-gala ilaalinta Cashuuraha Berri oo ku sugan degmada Saylac, laakiin ay Ciidan-ilaalo xeeb ahaan ay iyagu qaabilsan yihiin ilaalinta cashuuraha ku waajibay dadka ka kalllumaysta Badda.
“Wasaaradda Maaliyadda waxa naga dhexeeya markay badda soo kaantaroolayaan annagaa raacayna iyaga iyo kalluumaysigaba, wax kasta oo badda laga qabanayana annagaa la taagan,” ayuu yidhi Taliyuhu.
Sidoo kale, Isu-duwaha Wasaaradda Kalluumaysiga ee gobolka Selal Cabdiqaadir Ismaaciil Jaamac oo wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa Himilo u sheegay in wasaarad ahaan kala shaqeeya wasaaradda Maaliyadda cashuuraha laga qaado kalluumaysatada.
Isu-duwaha oo aanu weydiinnay nidaamka wasaaradda maaliyadu u marto cashuur ka-qaadista Kalluumaysatada, waxa ku jawaabay,“Shuruuc baa u dejisan xidhiidhka naga dhexeeya annaga iyo hay’adaha kale ee gobolka ka shaqeeya, gaar ahaan Kastamka cashuuraha, shuruucdaas uunbaanu u marnaa qaabka wada-shaqayntayadu tahay,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Tan aad i weydiisay ee cashuuraha Kalluumaysatada, waxaanu kala shaqaynaa Wasaaradda maaliyadda, iyo Ciidanka Xeebaha, Kastamkuna cashuur kama qaadi karo qof aanaan annagu foom qiimaynta u soo u soo jarin. Marka qofku Foomka naga qaato, wuxuu ula tagaa maaliyadda oo cashuurta ka qabata, markaasuu annaga nagula soo noqdaa oo aanu ku ansixinaa,” ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Kalluumaysiga ee Xeebaha gobolka Selal.”
Marka laga yimaaddo doodda masuuliyiinta gobolka haddana qaar ka mid masuuliyiinta gobolka oo Himilo khadka telefonka kula xidhiidhay, ayaa xaqiijiyey jiritaanka cabashada Kalluumaysata reer Jabuuti ka muujiyeen cashuuraha lagaga qaaday juwan la’aanta.
“Waxay ahaayeen Kalluumaysato Canfar ah oo ka kalluumaysta Xeebaha Saylac iyo Lughaya, waxay ka cowdeen in aan Jiwannadii Cashuurta loo jarin, lacagtiina laga qaaday, arrintaana waxa lagu eeddeynayaa xafiiska Cashuuraha ee Selel, ”sidaas Himilo u sheegay masuul ka tirsan laamaha dawladda ee Gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan la xidhiidha cabashada Kalluumaysatada Jabuuti, ayaa ku soo beegmaysa xili xaasaasiyad dhanka ammaanka ahi wali ka taagantahay soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti, ka dib markii la adkeeyey isu-gudubka shacabka labada dhinac xaalado ammaan awgeed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment