Friday, July 18, 2014

Diyaaradda Air Uganda Oo Laga Mamnuucay inay Duulimaadyo Dunida ka Samayso

Kambala:July,18,2014(Hhimilo)-Kooxda u xilsaaran Duulimaadyada caalamiga ah, ayaa soo saaray Go’aan Duulimaadyada lagaga joojinayo Diyaaradda Reer Uganda Ee Air Uganda.

air ugSababta loo joojiyey Duulimaadyada shirkaddan ayaa lagu sheegay cillado is daba joog ah oo muddoooyin badan soo noqnoqday.

Ururka duulimaadyada, ayaa sheegay in Air Ugandha ay ku arkeen Cilado sababi kara geerida kumanaan shacab ah oo iyagu xiligaasi ku safraaya Air Uganda.

Ciladahan ayaa waxaa lagu Ogaaday baadhitaano socday muddo todobaad ah, taasi oo lagu xaqiijinaayay Caafimaad darida diyaaradaha Air Ugandha.

Sidoo kale, go’aanka ayaa waxaa lagu xusay inay suuragal noqon karto in ciladaha heysta diyaaradaasi ay sababto dhibaatooyin soo gaadha dadka isticmaalaaya, waxaana la filayaa in diyaaradaha Air Ugandha ay gabi ahaan joojiso duulimaadyada ay ugu kala goosheyso Caalamka intiisa kale.

Hakinta duulimaadyada Air Ugandha, ayaa waxa ay saameyn adag ku yeelaneysaa Ciidamadda Midowga Africa ka jooga Dalka Somalia, gaar ahaan kuwa Ugandha oo iyagu dantu ay bidi doonto inay raadiyaan diyaarado kale oo u kala gooshta Muqdisho – Ugandha, waxa ayna u muuqaneysaa in la heli doono  diyaarado kuwaasi ka duwan oo u adeega AMISOM.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment