Friday, July 18, 2014

Muhaajiriin U Socotay Talyaaniga Oo Ciidanka Masaaridu Gacanta Ku Dhigeen iyo Dhalashadooda Oo Faahfaahin Laga Bixiyey

Sinai:July,18,2014(Himilo)-Ciidamada Ilaalada Xeebaha Waddanka Masar ayaa gacanta ku dhigay Mujaahiriin Tiradoodu dhan tahay 67-qof oo soomaaliyi ku jirto, sida ay maanta Baahisay Wakaallada wararka ee Mena.

tharMuhaajiriintan ayaa la sheegay inay Doonida ay saarnaayeen ku sii socotay Dhinaca Dalka Talyaaniga, balse Ciidanku ka Heleen Xeebaha Dalka Masara.

Muhaajiriintaasi ayaa lagu qabtay iyagoo dooni ka raacay Degmadda xeebta leh ee Metoubes ee Gobalka Kafar Alsheekh ee dalka Masar, kuna haminayey inay mar uun gaadhaan Xeebaha Talyaaniga, si ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Qaaradda Europe.

Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha iyo Ciiddanka Ammaanka Masar ayaa lagu soo qabtay Tahriibayaashii la socday doonida, kuwaasi oo 62 ka mid ah ay u dhasheen dalka Masar, 4 Somali iyo mid u dhashay dalka Syria.

 

Muhaajiriinta oo ay Ciiddanku wareysteen ayaa sheegay inay rag Mukhalasiin ah ka qaateen lacag u dhexeyso 25,000 ilaa 40,000 oo Giniga Masaarida (Egypt Pound).

Dhinaca kale, Wakiil-gobaleedka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u jooga dalka Masar, Mohamed Dayri ayaa sheegay inay ka argagaxsan yihiin Qaxootiga shisheeyaha ee ku sugan Masar inay bilaabaan inay Badda ku tahriibaan, si ay u gaadhaan Qaaradda Europe.

 

Himilo  Media


 

No comments:

Post a Comment