Ciidamada aagaas ku sugan ayaa la sheegayaa inay diyaar u yihiin weerarka ay kooxdu damacsan tahay, iyadoo Xildhibaanka haatan kooxdaas wata ee Cali Khaliif uu horeba ugu baaqay inay is qarxinn miciinsadaan Maleeshiyadiisu.Maalishiyadan ayaa la sheegayaa inay dhinaca Xuduudda Ethiopia u gudbayaan, iyagoo Hub ku urursanaya Goobo miyi ah oo ka baxsan xuduudka Somaliland.
Saraakiisha Ciidanka halkaas deggen ee Somaliland ayaa ciidankooda ku wargeliyey inay Weerarka maleeshiyada taxadarkiisa yeeshaan, maadaama ilaa maalintii shalay dhaqdhaqaadooda la dareemaiyey.
Maalishiyada Khaatumo oo dagaal ahaan hore looga adkaaday ayaa Hab fallaagayn ah u joogta Goobo miyi u badan oo deegaankaas ku yaalla, waxana Cali Khaliif lagu arkay isagoo Goobahaas uga khudbadaynaya Maleeshiyadiisa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment