Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Aamina Maxamed oo la hadashay VOA-da ayaa sheegtay in Kenya aaney ciidankeeda ka soo saari doonin Soomaaliya ayadoo markaas uga jawaabeysa weerarrada Shabaab dalkeeda ku qaadaan.Waxay sheegtay in Kenya marnaba aaney cabsi galin karin kooxo argagixiso ah, iyadoo carrabka ku dhufatay inay u baahan tahay in lagala qeybgalo dagaalka lagula jirro kooxahaas oo khatar ku ah gobalka oo dhan.
Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa xustay in weerarrada ka dhaca Kenya aaney ka dambeyn kooxo argagixiso ah balse ay jiraan kooxo siyaasiyiin maxali ah kuwaasoo xidhiidh la leh kooxda Al-Shabaab waxaana socda sida ay sheegtay baadhitaanno.
Waxay sheegtay dowladeeda in ay ka go’an tahay sidii ay gacan u siin lahayd dowladda fedaraalka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasoo dagaallo ba’an kula jira kooxda Al-Shabaab.
Kenya ayaa tan iyo markii ciidankeedu gudaha ugaleen Soomaaliya waxay la kulmeysay weerarro xooggan oo kaga immanaya Al-Shabaab, balse madaxweynaha Kenya wuxuu leeyahay weerarradii ugu dambeeyay waxaa ku lug leh siyaasiyiin maxali ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment