Sunday, July 20, 2014

Kenya Oo Bandoo Bil ah Ku Soo Rogtay Gobolka Rabshaduhu Ka Aloosan Yihiin Ee Lamu

Nairobi:July,20,2014(Himilo)-Xukuumadda waddanka kenya ayaa qaadday  tallaabadii ugu horraysay ee ay kaga Hor tegaysay Weerarrada lagu Hayo Dadka Deggen Goboka Xeebta ee Lamu.

nadoTaliyaha guud ee Booliiska David Kimaayu ayaa shaaca ka qaaday in bandow lagu soo rogay guud ahaan Gobolka Lamu, isagoo tallaabadaasna ku sheegay mid lagu sugayo ammaanka Guud ee Gobolkaas Qulqulatooyinku ka aloosan yihiiin .

Bandowgan lagu soo ragay Gobolk Lamu oo socon doona muddo bil ah ayaa waxa uu bilowday xalay waxa uuna dhamaan doonaa ilaa  20 bisha soo socota.

Sacadaha bandowga ayaa ah ka bilaabmaya 6-da makhrinimo ilaa iyo 6 aroornimo, muddo Bil ah.

Bayaan uu soo saaray Kimaayu ayaa lagu sheegay in bandowgan lagu soo rogay Gobolka Lamu iyada oo la cuskanayo sharciga kala danbaynta dadwaynaha qodobkiisa 8 faqrada (1).

Taliyaha guud ee booliiska ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan shacabka Lamu in xiliyada uu socdo bandowga aanay ka soo bixin guriyahooda marka laga reebo cid ogolaanshiye ka haysata abaanduulaha ciidamaad Deegaankaas .

 

Bandowga lagu soo rogay countiga Lamu ayaa ka imanya xili weerar lagu qaaday gaadhi bus ahaa habeenimadii sabtida ay ku dhinteen 7 qof.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment