Sunday, July 20, 2014

Saddex Ka mid ahaa Soomaalida Nairobi Oo Maydadkooda Laga Dhex Helay Qaboojiya-yaal

Nairobi:July,20,2014(Himilo)-Waxa soo kordhaya Wararka ka soo baxaya Saddex Maydad soomaali ah oo  shalay laga helay Qaboojiya-yaal ku yaalla Caasimadda Nairobi.

jecWarar soo baxaya ayaa sheegaya in meydadka sadexda qof oo uu ku jiray ganacsade lagu magacaabo Maxamuud Cabdi laga soo qaaday duleedka magaalada Nairobi, iyadoo dilkooda loo adeegsaday Cabudhin ama Ceejin, isla-markaana laga Xidhay Hawada.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degaanka Kamakuunji oo ka tirsan magaalada Nairobi ayaa sheegay in saddexda nin laga dhacay hanti u taallay bankiyada magaalada Nairobi ka hor inta aan la dilin.

 

“Falkan waa mid laga xumaado, waxaan ka codsanayaa dowladda Kenya inay samayso baadhitaan deg-deg ah oo lagu ogaanayo ciddii ka dambeysay dilka saddexda qof ee Soomaalida ah, si loo horgeeyo sharciga” ayuu yidhi xildhibaan Yuusuf Xasan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka ganacsadaha ah ee ku jiray meydadka dadka la helay ay Bilk a hor aqalkiisa ka kaxaysteen Koox iskugu sheegtay inay ciidamo Boolis ah yihiin.

Saraakiisha amaanka Nairobi ayaa sheegay iney baadhayaan arinta ku saabsan in rag Booliska ka tirsan ay dilka raggaas ku lug lahaayeen, waxaana arintan aad uga xumaaday Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment