Saturday, July 19, 2014

Kiniisad 100-Sano Dhisnayd Oo Loo Beddelay Masaajid iyo Somali Ka Mid Noqotay Masuuliyiinta Masjidkan Cusub

St Paul:July,19,2014(Himilo)-Mulimiinta Deggen GobolkaA Minnesota ee Carriga maraykanka, ayaa ku Guulaystay inay Kaniisad Halkaas ku taallay u beddelaan Masaajid lagu Cibaadaysto.

masjid-badalay-kaniisad-4Kiniisadan loo badalay Masjidka ayaa waxaa lagu magaacabi jiray St Johns, taasoo dhisneyd in ka badan 100 sano.

Masjidkan meesha ka saaray sii ahaanshaha kaniisada ayaa waxaa loo bixiyay Daarul-culuum, waxaana lagu iibiyay dhaqaale dhan 900,000 oo Dollar, iyadoo mudo afar sano ah la rabo in lagu bixiyo dhaqaalahaasi.

Dhismaha masjidkan ayaa noqonaya midka labaad ee ugu weyn gobolka Minnesota, wuxuuna ku fadhiyaa dhul dhan 60,000 mitir, wuxuuna ka kooban yahay meel ay ku tukan karaan dad ka badan 2000 oo qof, in ka badan 23 fasallo, xafiisyo iyo sagaal guri oo deegaan ahaan loo isticmaali karo.

Iminaanka masjidkan Sheekh Xasan Khaliif Buuhane ayaa sheegay in qiimo aan lasoo koobi karin uu masjidkan ugu fadhiyo muslimiinta gobolka khaasatan kuwa ku dhaqan magaalo madaxda, waxaana ka shaqeeya Soomaali iyo Muslimiin kale

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment