
Masjidkan meesha ka saaray sii ahaanshaha kaniisada ayaa waxaa loo bixiyay Daarul-culuum, waxaana lagu iibiyay dhaqaale dhan 900,000 oo Dollar, iyadoo mudo afar sano ah la rabo in lagu bixiyo dhaqaalahaasi.
Dhismaha masjidkan ayaa noqonaya midka labaad ee ugu weyn gobolka Minnesota, wuxuuna ku fadhiyaa dhul dhan 60,000 mitir, wuxuuna ka kooban yahay meel ay ku tukan karaan dad ka badan 2000 oo qof, in ka badan 23 fasallo, xafiisyo iyo sagaal guri oo deegaan ahaan loo isticmaali karo.
Iminaanka masjidkan Sheekh Xasan Khaliif Buuhane ayaa sheegay in qiimo aan lasoo koobi karin uu masjidkan ugu fadhiyo muslimiinta gobolka khaasatan kuwa ku dhaqan magaalo madaxda, waxaana ka shaqeeya Soomaali iyo Muslimiin kale
Himilo Media
No comments:
Post a Comment