Sunday, July 13, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafiyey Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf

Hargeysa:July,13,2014(Himilo)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay Cafis u fidisay Guddoomiyihii wargeyska Haatuf iyo Tifaftirihiisii oo maxkadi ku xukuntay Xadhig  Sanado  iyo ganaax lacageed.

in ciWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweyne Siilaanyo Cafis u fidiyey Madaxdii wargeyska Haatuf oo qaarkood jeelka ku jireen.

Wasiirka ayaa arrintan kaga dhawaaqay madaxweynaha Hortiisa, waxana uu tilmaamay inuu madaxweyne Siilaanyo si buuxda Cafis ugu fidiyey Madaxda Wargeyskaas.

Wasiirka ayaan ka Hadlin inuu wargeyskii ruqsadiisa la laalay dib usoo bixi karo iyo in kale, balse waxa uu kaliya sheegay inuu masuuliyiinta xadhiga hore loogu xukumay Haatan wixii ka dambeeya ay cafis madaxweyne ku fasaxan yihiin.

Masuuliyiinta wargeyska Haatuf, ayaa maxkamadda Gobolka Hargeysa ay xukunno kala duwan ugu ridday, waxan muddo bilooyin ah Jeelka ku jira Guddoomiyihii wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe.

 

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment