Wargeyska The Standard ayaa isagu soo bandhigay magacyo dad la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla-markaana gadh-wadeenno ka ahaa weerarradii lagu qaaday xeebta Gobolka Lamu.Wargeyska oo soo xigayanaya xog uu ka helay hay’add sirdoonka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo NIS ayaa waxaa lagu sheegay in koox ka tirsan Al-Shabab oo waayahan weerar ku hayay dalka Kenya inuu hogaaminayo nin magaciisa lagu sheegay Idiris Kimau oo kasoo jeeda qabiilka Kikuuyada hase ahaatee Al-Shabab ka mid ah iyo sargaal hore oo ka tirsanaa ciidamada Kenya lana yidhaahdo Abu Jamaal.
Xogtan laga helay sirdoonka Kenya waxay sheegaysaa in ninka la yidhaahdo Idiris Kimau iyo koox dagaalamayaal ah oo uu wato ay hadda ku dhuumaalaysanayaan dhul keyn ah oo la yidhaahdo Boni halkaasoo dawlada Kenya ay aaminsan tahay inayba ka sameysteen xeryo tababaro lagu qaato.
Sidoo kale hay’adaha amaanka Kenya waxaa ay sheegeen sargaalka ka tirsanaa ciidamada Kenya ee ka goostay ee magaciisa la yidhaahdo Abu Jamaal iyo koox kale oo uu wato ay hadda wadaan qorshayaal weeraro kale oo ay ku qaadaan magaalooyin hoos taga magaalada labaad ee Kenya ugu weyn ee Mombasa halka kooxda uu wato Idiris Kimau ay iyana isku diyaarinayaan inay weeraraan magaalooyin ay ka mid yihiin Ijara, Garsen iyo Malindi oo iyana ka tirsan Lamu.
Hay’adda NIS e dhanka sirdoonka dawlada Kenya u qaabilsan waxay sheegeen in weerarada soo socda ee ay kooxdaan Al-Shabab ka tirsan ay u qorsheeyeen inay ka qeyb qaataan illaa iyo 150 dagaalame oo Sadex qeybood loo qeybiyay sida uu qorayo wargeyska aanu warkan kasoo xiganay ee The Standard.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment