Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Nickolas Kay,ayaa sheegay intii ay bilaabatay Bisha Ramadaan in Muqdisho ka dhaceen weeraro, dilal qorshaysan waxa uuna ku tilmaamay falal aad u foolxun oo aan la aqbali Karin, isagoo xusay in uu ku boorrinayo shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka dowlada si looga hortago weeraradda ay Al-Shabaab qorshaynayso in ay ku soo qaado xarumaha dowladda Soomaaliya.Nicklos kay aya xusay in Qaramada Midoobay ay garab taagantaahay dowladda Federaalka Soomaaliya si Soomaaliya ay u yeelato dowlad shaqaysa oo shacabka ammaankooda daryeesha.
Dhanka kale afhayeenka Wasaaradda Arrimha dibadda Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga xunyahay waxa ka dhacay Muqdisho ayna canbaareynayaan weerarkii aqalka Madaxtooyada xalay lagu qaaday.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto tageerida dowladda Soomaaliya si looga guulaysto khatarta Xarakada Al-Shababab oo ay xustay in ay tahay mid isa soo taraysa.
Xukuumada Washiton ayaa xustay in waxa xalay Madaxtooyad Soomaaliya ka dhacay ay tusaale cad u tahay khatarta iyo awooda Al-Shabab waxayna ku baaqday in Soomaaliya gacan laga siiyo la dagaalanka Xarakada Al-Shabaaab ee Soomaaliya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment