Wednesday, July 9, 2014

Weerarkii Xalay ee Villa Somalia Oo Galaaftay Saraakiishii ugu sarraysay Dhinaca Ammaanka Dawladda Somalia

Muqdisho:July,09,2014(Himilo)-Ra’isal wasaaraha Dawladda Somalia, ayaa Weerarkii xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada kaga Jawaabay Xil-ka-qaadis uu ku sameeyye Saraakiishii ugu sarraysay dhinaca Ammaanka.

segeWarsaxaafadeed uu saaka aroortii hore soo saaray Cabdiweli Sheekh Axmed, ayuu ku shaaciyey inuu Xilkii ka qaaday  Taliyihii nabadsugida Somalia Baashiir Goobe iyo Taliyihii ciidanka Booliska General Cabdixakiin Daahir Saacid.

Waxa uu Rai’isul wasaaruhu Taliska Booliska u magacaabay Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, Halka sirdoonkana loo magacaabay sarkaal kale oo khabiir ku ah arrimaha Ammaanka.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii ay kooxda Al-shabaabku habeenkii xalay weerar qorshaysan ku qaadeen xarunta Looga Taliyo Somalia, waxana weerarkaasi keenay  kala shaki ku  yimi Saraakiisha sare ee Dawladda.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment